Qeybtii 12-aad
FAQIIR IYO TANAAD
Bari baa nin iska socda wuxuu uyimid nin jidka dhexdiisa
jilba jabsan oo beerkana heysta aad buu unaxey markii uu arkey
wuuna usoo dhawaadey wuxuuna kuyiri isagoo yaaban maxaa kugu
dhacey wuxuu ugu jawaabey beerka ayeey gaajo iga heysaa,sadex
barina wax macunin,ninkii ayaa intuu kanaxey wuxuu kuyiri
ninyahow anigu hada waxba mahayee nin saaxiibkey ah ayaan
wax kaaga doonayaa ee isii sug .ninkii safarka ahaa wuu tagey
wuxuuna gaarey ninkii saaxiibkii ahaa ,si uu ninkii gaajadu
heysey wax uu cuno uga soo qaado nasiib daro wuxuu utagey
ninkii hodanka ahaa oo isaganajilbaha dhulka uyaalaan oo caloosha
heysta ninkii yaab iyo tacajab ayaa ilaahey u keenay intuu
usoo dhawaadey saaxiibkiis ayuu isagoo naxsan kuyiri war adigana
maxaa kugu dhacey ? wuxuu kuyiri ninkii caloosha heystey xaley
baan cuntadii iska badiyoo calooshey iga qabatey !!ninkii
yaab iyo amakaag ayaa ilaahey ukeenay wuxuuna ku yiri hadii
cuntada aad iska badisey ee caloosha kaa qabatey aad wax kasiin
laheyd ninkii aan soo arkaye ee caloosha gajadu kaqabatey
labadiinuba caloosha idinma xanunteen !! ,
BOQORKII CAADILKA AHAA.
Bari baa waxaa jirey boqor caadil ah oo aan dadka dulmin
jirindadkiisuna sinaan iyo cadaalad ayey ku noolaayeen maalin
maalmaha kamida asagoo ku wareegaya shacabkiisa si uu u soo
xuuraansado xaaladooda ayaa gabalki kudhacey wuxuuna habeenkaa
uhoydey qoys beeraley ah oo wabiga agtiisa dagan ,qoysku sabool
ayuu ahaa waxayna aduunyo kalahaayeen sa irmaan,iyo geed banbeelma
ah ,qoyskuna waxey ka koobnaayeen nin iyo afadii,waxey ku
tashadeen ninka iyo naagtiisu in eey martida marti sooraan
inkastoo eeysan xoola badan heysan hadan aboqorka oo caadil
ahaa darted sabanku barwaaquu iska ahaa wax kastana way barakeysnaayeen
martidii oo dhan oo ilaa iyo dhoor iyo labaatan qof aheyd
wuxuu kadharjiyey caano , iyo banbeekmo laamiirey ,boqorkii
ayaa wuxuu layaabey qoyska cuud yaraantiisa iyo barakada ilaahey
galiyey wuxuu kaloo aad ula sii yaabey naagta ninka uu qabo
dhaga nuglaanteeda iyo baarinimadeeda,geedka banbeelmada ah
mirtiisa inta dheecaan ah ee laga tuujiyo iyo halka sac ee
ninkaas uu leeyahay baaldiyada caanaha ah ee laga lisay wuxuuna
si hoos ahaana ugu fakarey boqorka kaligii geedka banbeelmada
ah inuu todan geed oo banbeelma ah uga badasho naagtana intuu
kafurto uu laba naagood uga badasho sacana toban sacaad uga
badasho si hoose oon cidina la ogayn ayuu boqorku taas ugu
fakaray wuxuuna ku tashadey inuu soo noqodkiisa arintaas ninka
usheego isuna sheego inuu boqorkoodii yahay, dhowr bilood
kadib ayuu boqorkii misana habeenkii danbe kusoo hoyadey ninkii
ninkiina sidiisii hore ayaa wuxuu damcey in uu sooro martidii
hasa yeeshee maqooradkii martida wax wayn baa iska badalay
,siii inuu usoo liso haduu damcay dhiiq caana ah waa laga
wayay ,geedkii banbeelmada ahaana labaatan mir ayaa la miiray
oo wax biyo ah waa laga waayay, naagtiisii ayuu adeejiyay
oo iyadiina waxba way kamaqli wayday oo dhaga adayg aysan
qabi jirn ayay lasoo baxday ninkii oo yaaban oo meel taagan
oo aan waxba faraha kuhayn ayaa boqorkii uyeeray markaasuu
kuyiri maxaa kugu dhacay ?wuxuu yiri ninkii ninyahow waan
yaabanahay sacaygii iyo geedkaygii iyo naagtaydiiba isbadal
baa ku dhacay aadbaanan arintaa ula yaabanahay ,boqorkii oo
isaga lafttsu yaaban ayaa kuyiri ninkiimaxaa keenay baad umalaynaysaa
isbadalkaan ?ninkii intuu xoogaa fakaray ayuu wuxuu kuyiri
ninkii martida ahaa caradasn waxaa xukumi jiray boqor caadil
ah waxaan umalaynayaa in boqorkii isbadalay oo dulmi uu sameeyay
,boqorkii baa si hoose intuu isugu naxay ayuu ogaday in dhibaatadu
ay katimid dulmigii9 uu ku fakaray intuu sihoose uga towbad
keenay ayiuu ninkiina isaga tagay ,markay martidii ninkii
kalibdheen wax waliba caadi bay unoqdeen oo waa ubarakoobeen,
NINKII SAFARKA AHAA
Baribaa nin safara wuxuu soo galay magaalo uusan aqoonin
oo dadkeeda uusan qofna kagaranayn, mana haysanin lacag fiican
oo uu kunoolaado shilimaad yar mooyee aadna wuu ubaahnaa markii
uu magaalada soo galay cunto uu cunana aad buu urabay sidoo
kalana dameerkiisii uu watay aad buu ugaajaysnaa ,sidaa darted
arintiisa wuxuu kala tashaday nin odaya oo magaalada daganaa
,arintiisii buu ufaahfaahiyay wuxuuna kacodsaday in uu tuso
cunto raqiis ah oo isaga iyo dameerkiisuba ay wada cunaan
.wuxuu ninkii kula taliyay inuu qara soo iibsado wuxuuna kuyiri
qaruhu adiga iyo dameerkaagab acalaf buu idiin yahay oo waa
kuu cunto iyo cabid dameerkaagana qoloftiisu waa u cunto .
Qeytbtii
11-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622