Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix halkaan)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riix halkaan)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
20/12/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Cadde iyo Cabdillahi maxaa kala haysta?

Aqristow sidii caadada ii ahaydba waxaa maalin dhowayd tegay meeshi qaxwada oo aan dhab ahaanti aad u xiiseeyo maxaa yeelay mar walba oo aan tago qiso yaab leh ayaan kala kulmaa. Marki aan soo galay qaxwada horay kama balban ee waxaan raadsaday meel aan fariisto iyo weliba meel sheeko cajiib leh ka socoto. Nin iminka soo galay ayaa wuxuu jubadiisi ag dhigtay nin kale oo meel gees ah fadhiyay taasoo ii sheegtay inay raggani sheekaysan doonaan oo aanay welina bilaabin. Aniguna kursi ku dhow ayaan camirtay kadanbona qaxwadi dabladay soona qaatay marki aan lacagti bixiyay. Waan soo dhaqaaqay oo soo fariistay meeshi dhega dheedheerna furtay.

Ninki kale ayaa qaxwadi soo qaatay dabadedna soo agfariistay saaxiibkiis. Sheekadi ayaa bilaabataay. Sidaad horayba iiga barateen waxaan siiyay labadan nin magacyo. Mid waxaan u bixiyay Bucul, kan kalena Jaamac dheere. Rutni waxay ahaayeen magacyada igula haboonaaday muuqaalka labada nin oo aad garan karto sida ay kala yihiin. Waxay sheekadu u dhacday sidan:

Bucul: War Jaamac iska waran, maxaa cusub maalmahan?

Jaamac: Saaxiib, wax cusub may jidhaane, xagaada maxaa ka jidha?

Bucul: War laguu waran oo anaa war kuu haya ee iga gur.

Jaamac: War soo daa haddaba.

Bucul: Saaxiib, waxaa taagan mixnad.

Jaamac: taas oo ah?

Bucul: Waa mixnad ka dhex taagan madaxweynihi dalka iyo kii puntland. Sheekadan waa sir hadda saaxiib oo inay cid kale maqasho lama doonahayo. Adiga kalsooni ayaan kugu qabaa inaadaan cid kale u sheegahayn.

Aqristow sidaad horay iiga barateenba waxaan idinkugu soo gudbinayaa sheekada sidi iyadoo hortiina ka dhecaysa oo kale.

Meeshu waa Garowe, Puntland gaar ahaan madaxtooyada Cadde Muusee.

Teleefoonki gaarka ahaa ee Cadde ayaa dhacaya. Dhiiiiiiiiiiiiiid, dhiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiddddddd, dhiiiiiiiiiiiiiiiid.
Cadde: Halooooooooow

Oday Yusuf: War Caddow Cabullaahi weeyaaniine, iska waran?

Cadde: Dhag dhag weeyaaniin, Boowe.

(Cadde ayaa kaligii hoos u fikiraya oo leh: ilaaheeyo kan iga qabo hadii ay dunto dowladiisu anigaa u maqan oo tan ayuu iga qaadanayaa)

Oday Yusuf: War heedhe i dhegayso.

Cadde: Waan ku maqlaa.

Oday Yusuf: Lacag baan u baahanahay. Tii hore waa ay igu filnaan waysay oo meeshi gorgortan ayay tagtay. Ninki Nuur Cadde ahaa boorsooyin lacag ah ayuu keensaday. Markii hore hadaan laba laba kun dhiibo howsho si hagaagsan bay u socon jidhey balse hadda nin wixi ila fahmay aanana bakhiil ahayn sidi Geedi ayaa yimind. Marka waa inaad ii soo dirtaa laba milyan oo doolar.

Cadee: Cabdilaahiyow laba milyan ma jidho maxaa yeelay maalmahaan wax lacag ah nagama soo gelin xagga iyo badda. Xoogowgi aan haynayana waxaan u isticmaalnay casriyaynta qalabka raadaarada doomaha si aan iskaga ilaalino maraakiibta dagaalka ee reer galbeedku soo dhoobay xeebaheena. Laakiin waa la dadaalahayaa oo iminkaba gor gorrtan laba markab ayaa socota oo laga yaabo in kuus wayn inaga soo galo.

Oday Yusuf: Taas sugima karo ee ka waran mashruci kale ee dhoofinta dadka ee dhinacaas iyo Yemen; miyaaneey taa wax idina soo gelin?

Cadde: Kadib marki ay soo caariyeen ilaa afar boqol oo qof xeebaha badda Yemen muddo laba usbuuc ah wax raba inay baxaan lama hayo. Mashruucaas waa liitaa.

Oday Yusuf: Rag dir lacagta ka soo aruuriya bakhaarada Boosaaso. Waan hubaa inay sahal u tahay inay bixiyaan hadaad doonto dib ugu celi iyaga markaad adigu hesho.

Cadde: Boowe, waan dadaalhayaa ee iga war sug.

Oday Yusuf: Cadde waxaan ka hadlayo waa dantaada, waa dantayda, waa danta Puntland. Hadii aanay baarlamaanku i samata bixin in la iga takhaluso baa la doonahayaa. Xitaa arinta waxaa ku jidha reer galbeedka iyo Itoobiyaanki aan anigu shalay ku xasuuqay cadawgeena. (Aqristow cadawgaas waad iska garan kartaa oo kaaga faaloomaayo anigu).

Cadde: Waa ay ku soo gaadhaysaa mar dhow ee iga war sug.

Oday Yusuf: Soo dhaqso.

Cadde: Kheyr baan kuu rejaynayaa, Maca salaama.


Cadde ayaa keligii fikiraya oo leh: War ilaahay masiibo ayuu idaba dhigay ee maxaan sameeyaa? Haaaaaaaaaaa! anigaa gartay. Odayga waa inaanan u dirin lacagta. Hadii laga casilo booska naxdin baaba dili doonta intaanu isoo gaarin.

WAXAA QORAY: MUWAADIN DALKIISA IYO DADKIISA JECEL



Xafiiska Wararka
www.falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®