Waa Qahwadi iyo sheekadeedi yaabka lahayd oo maantay dhex maraysa
laba nin oo ilma adeer ah sidaan ka ogaan doono marka sheekau
sii socoto. Sidaad horay iiga barateenba waxaan idinkugu soo
gudbinayaa sida iyadoo hortiina ka dhecaysa oo kale, waxay u
dhacday sida tan:
Mufsid: Salamu Calaykum, war muslixow ii waran?
Muslix: Wa calaykum asalaam, Kheyr weeye;
Maxaa cusub?
Mufsid: Miyaadan maqal sheekada ka socota
Waddanki?
Muslix: oo ah?
Mufsid: Shirka heshiiska iyo arimaha ay wataan
Nuur Cadde iyo Sh. Sharif.
Muslix: Taas wanaag ayaan u arkaa hadiiba
ay run tahay inay Itoobiyaanku waddanka ka baxayaan. Waad ogtahay
dhib kasta oo aan ku jirnay waxaa ka daran kan dhacay ee ilaa
hadda socda kadib markay Itoobiyaanku yimaadeen.
Mufsid: War heedhe geed doqon ah baad tahaye;
waxaa in lays weydiiyo mudan annaga reer qansax ahaan maxaa
inoo faaiido ah ee aaan ka helaynaa heshiiskan la sheegayo.
Itoobiyaanku kor iyo hoos waa ay bixi lahaayeen oo waa aan jebinaye.
Muslix: Inaan nabad ku noolaano oo aanu shaqaysan
karno. Inay dadka bara kacay soo noqon karaan. Inay caruurteenu
Iskuulada aadi karaan oo dadka xanuunsan cusbitaalada la soo
gaarsiin karo iyadoon dhexda lagu gowricin.
Mufsid: war heedhe ma haatan baad sida tan
u hadlaysaa intaan cadkeena soo dhacsan lahayn. War heedhe annagu
mujaahidiinta ugu fara badan dadkay ka dhimatay baanu nahay
marka waa in nala siiyaa qaybta ugu badan ee dowladda la dhisahayo
hadii kale gub iyo gash kalama laha. Waad ogtahay inay caruurteeni
usoo dhamaanaysay ilaa iyo sagaashanki si aanu u hanano dowladnimo
una helno xoolo iyo dhul barwaaqo ah.
Muslix: Horta waxaa loo baahanyahay inaan
garanno farqiga u dhexeeya khasaarada iyo faaiidada. Tan iyo
sagaashanki waxay caruurteenu u dhamaanaysay maadaama aanan
isticmaalin caqligeena saliimka ah miyaad aragtaa ilaa iyo hadda
wax xal ah oo aan gaarnay?. Runtu waxay tahay inaan isfahamsiino
waxa jira ee ah inay u dhamaadeen welina u dhamaanayaan caruurteeni
macno la’aan.
Mufsid: War heedhe carurtani waa ay dhalanayaan
sow maadan arag waxa caruurteena daadsan dhulki beeraha oo idil
laga bilaabo shalaanbood ilaa qoryooley dhinaca kalena shalaanbood
ilaa kismaayo. Marka naftu mar unbay go’daaye waa inaan
gaarnaa muraadkeena. Waxaanse kuu sheegahayaa inaanu shirkani
soconayn hadii aanan anagu wax ka wedin. Meesha waxaa masraxa
ka ciyaaraya laba nin oo reer qurac ah ee anagu hadaan reer
qansax nahay waxba kama nihin.
Muslix: War ninka shukaantida u haya waxa
dhan oo ina yay ka takhalusaya waa reer qansax la’aantiisna
Nuur Cadde shaxda sidaan uma dheeleen ee aan taageerno wixi
xal ah ee nabadba keeni kara. So maad aragtid dadka masaakiinta
ah ee daadsan duurka oo aan haysan wax ay hugtaan, wax ay cunaan,
iyo biyo ay cabaan toona. Tan kale oo aadan ogayn waxaa weeye
in dadka meesha ku baaba’aya ay yihiin dadki garab maalka
ahaa ee aanu qabiilada waa wayn ka dhalan. Dadkan waxay ku noolaayeen
waxay maalinkaas ka soo helaan xamaali iyo wixi la mid ah. Marka
anigu waan taageersanahay wax alla iyo wixi ugogol xaaraya inay
Itoobiya baxdo kadibna aan aragno wixi yimaada, kheyr baanna
rejaynaya, inshaAllah.
Mufsid: war doqon baad tahaye idhaaf. Waxa
aan meel ka gaari waynay adigoo kale weeye.
Markay sheekadi halkaa marayso ayaa waxaa meel ii dhow ka istaagay
nin oday ah oo ay timuhu cadyihiin, garku cadyahay, wejigiisana
ay calaamadda salaadu ka muuqato. Markaasuu salaamay labadi
nin kuna yiri, “Waxaan idin waydiiyay maxaad isu tihiin
labadiinu”
Mufsid ayaa inta soo booday yiri, “Adeer
doqonkan ilma adeer baanu nahay”. Odaygii ayaa inta madaxa
lulay yiri, “Hadde hadii aad adinkoo ilma adeer ahba ku
heshiin wayseen sidi xal loo gaari lahaa maxaad u malaynaysiin
hadii arinta la dhex dhigo Soomaali oo dhan”. Markaasuu
wuxuu sii raaciyay Ninkan ina adeerkaa ah waa kaa saxanyahay
wanaagga ayuuna jecelyahay marka waxaan kugula talin lahaa inaad
ku raacdo ra’yigiisa”.
Mufsid oo wejigiisa caro ka muuqato ayaa yiri
ma anigaa doqonka kan wax ku raacaya inuu asagu igu raaco maahee.
Odaygi ayaa inta madaxa jil jilay yiri, “ Aayaddu waxay
leedahay: Markiiina lagu yirrahdo: “Haku falina fasahaad
dhulka, “waxay yiraahdaan: “Waxaannu nahay oo keliya
samo ka taliyayaal”. markaasuu ilaahya ugu jawaabay: “Dhab
ahaanti waa iyaga kuwa wax bi’iska ah ee fala fasahaad,
laakiinse ma ay dareensana”. Waxaan idinku dhaafay inaad
aayadaan ka firkirtaan ogaataana in wanaaggu ku jiro in nabadda
la qaato. Waxaan leeyahay ilaahay ha na tusiyo jidka toosan
Soomalina qalbigeeda ha isu soo dumo. Markaasuu odaygii iska
dhaqaaqay.
Waxaa qoray muwaadin jecel dalkiisa
iyo dadkiisa.
Hersi Moallin
(hermoallin@yahoo.com)