Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix halkaan)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riix halkaan)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
20/12/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Muslix iyo Mufsid: labadi ilma adeer ee kala rayiga ahaa

Waa Qahwadi iyo sheekadeedi yaabka lahayd oo maantay dhex maraysa laba nin oo ilma adeer ah sidaan ka ogaan doono marka sheekau sii socoto. Sidaad horay iiga barateenba waxaan idinkugu soo gudbinayaa sida iyadoo hortiina ka dhecaysa oo kale, waxay u dhacday sida tan:
Mufsid: Salamu Calaykum, war muslixow ii waran?

Muslix: Wa calaykum asalaam, Kheyr weeye; Maxaa cusub?

Mufsid: Miyaadan maqal sheekada ka socota Waddanki?

Muslix: oo ah?

Mufsid: Shirka heshiiska iyo arimaha ay wataan Nuur Cadde iyo Sh. Sharif.

Muslix: Taas wanaag ayaan u arkaa hadiiba ay run tahay inay Itoobiyaanku waddanka ka baxayaan. Waad ogtahay dhib kasta oo aan ku jirnay waxaa ka daran kan dhacay ee ilaa hadda socda kadib markay Itoobiyaanku yimaadeen.

Mufsid: War heedhe geed doqon ah baad tahaye; waxaa in lays weydiiyo mudan annaga reer qansax ahaan maxaa inoo faaiido ah ee aaan ka helaynaa heshiiskan la sheegayo. Itoobiyaanku kor iyo hoos waa ay bixi lahaayeen oo waa aan jebinaye.

Muslix: Inaan nabad ku noolaano oo aanu shaqaysan karno. Inay dadka bara kacay soo noqon karaan. Inay caruurteenu Iskuulada aadi karaan oo dadka xanuunsan cusbitaalada la soo gaarsiin karo iyadoon dhexda lagu gowricin.

Mufsid: war heedhe ma haatan baad sida tan u hadlaysaa intaan cadkeena soo dhacsan lahayn. War heedhe annagu mujaahidiinta ugu fara badan dadkay ka dhimatay baanu nahay marka waa in nala siiyaa qaybta ugu badan ee dowladda la dhisahayo hadii kale gub iyo gash kalama laha. Waad ogtahay inay caruurteeni usoo dhamaanaysay ilaa iyo sagaashanki si aanu u hanano dowladnimo una helno xoolo iyo dhul barwaaqo ah.

Muslix: Horta waxaa loo baahanyahay inaan garanno farqiga u dhexeeya khasaarada iyo faaiidada. Tan iyo sagaashanki waxay caruurteenu u dhamaanaysay maadaama aanan isticmaalin caqligeena saliimka ah miyaad aragtaa ilaa iyo hadda wax xal ah oo aan gaarnay?. Runtu waxay tahay inaan isfahamsiino waxa jira ee ah inay u dhamaadeen welina u dhamaanayaan caruurteeni macno la’aan.

Mufsid: War heedhe carurtani waa ay dhalanayaan sow maadan arag waxa caruurteena daadsan dhulki beeraha oo idil laga bilaabo shalaanbood ilaa qoryooley dhinaca kalena shalaanbood ilaa kismaayo. Marka naftu mar unbay go’daaye waa inaan gaarnaa muraadkeena. Waxaanse kuu sheegahayaa inaanu shirkani soconayn hadii aanan anagu wax ka wedin. Meesha waxaa masraxa ka ciyaaraya laba nin oo reer qurac ah ee anagu hadaan reer qansax nahay waxba kama nihin.

Muslix: War ninka shukaantida u haya waxa dhan oo ina yay ka takhalusaya waa reer qansax la’aantiisna Nuur Cadde shaxda sidaan uma dheeleen ee aan taageerno wixi xal ah ee nabadba keeni kara. So maad aragtid dadka masaakiinta ah ee daadsan duurka oo aan haysan wax ay hugtaan, wax ay cunaan, iyo biyo ay cabaan toona. Tan kale oo aadan ogayn waxaa weeye in dadka meesha ku baaba’aya ay yihiin dadki garab maalka ahaa ee aanu qabiilada waa wayn ka dhalan. Dadkan waxay ku noolaayeen waxay maalinkaas ka soo helaan xamaali iyo wixi la mid ah. Marka anigu waan taageersanahay wax alla iyo wixi ugogol xaaraya inay Itoobiya baxdo kadibna aan aragno wixi yimaada, kheyr baanna rejaynaya, inshaAllah.

Mufsid: war doqon baad tahaye idhaaf. Waxa aan meel ka gaari waynay adigoo kale weeye.

Markay sheekadi halkaa marayso ayaa waxaa meel ii dhow ka istaagay nin oday ah oo ay timuhu cadyihiin, garku cadyahay, wejigiisana ay calaamadda salaadu ka muuqato. Markaasuu salaamay labadi nin kuna yiri, “Waxaan idin waydiiyay maxaad isu tihiin labadiinu”

Mufsid ayaa inta soo booday yiri, “Adeer doqonkan ilma adeer baanu nahay”. Odaygii ayaa inta madaxa lulay yiri, “Hadde hadii aad adinkoo ilma adeer ahba ku heshiin wayseen sidi xal loo gaari lahaa maxaad u malaynaysiin hadii arinta la dhex dhigo Soomaali oo dhan”. Markaasuu wuxuu sii raaciyay Ninkan ina adeerkaa ah waa kaa saxanyahay wanaagga ayuuna jecelyahay marka waxaan kugula talin lahaa inaad ku raacdo ra’yigiisa”.

Mufsid oo wejigiisa caro ka muuqato ayaa yiri ma anigaa doqonka kan wax ku raacaya inuu asagu igu raaco maahee.

Odaygi ayaa inta madaxa jil jilay yiri, “ Aayaddu waxay leedahay: Markiiina lagu yirrahdo: “Haku falina fasahaad dhulka, “waxay yiraahdaan: “Waxaannu nahay oo keliya samo ka taliyayaal”. markaasuu ilaahya ugu jawaabay: “Dhab ahaanti waa iyaga kuwa wax bi’iska ah ee fala fasahaad, laakiinse ma ay dareensana”. Waxaan idinku dhaafay inaad aayadaan ka firkirtaan ogaataana in wanaaggu ku jiro in nabadda la qaato. Waxaan leeyahay ilaahay ha na tusiyo jidka toosan Soomalina qalbigeeda ha isu soo dumo. Markaasuu odaygii iska dhaqaaqay.

Waxaa qoray muwaadin jecel dalkiisa iyo dadkiisa.
Hersi Moallin
(hermoallin@yahoo.com)


Xafiiska Wararka
www.falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®