Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix halkaan)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riix halkaan)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
22/12/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xaaji Xayraan iyo Xaaji Wayrax: Maxay ku kala duwanyihiin?
Sidee bayse uga kala jawaabeen casuumaada Cadde Muuse?

Aqristow waa sheekadi xiisaha badnayd ee qaxwada oo markan ku saabsan waxa iminka ka socda Puntland. Intaanan idinku daalin oo aanan waqti idinkaga lumen sidi aan ku helay maadaama aad ogtihiin hadaad horay u aqriseen qormooyinki hore.

Meeshu waa madaxtooyada Cadde Muuse ee magaalada Garoowe. Sidaad ogtihiinba maalmahan waxaa soo foodsaaray Cadde Muuse dhibaato kaga timid xagga Oday Yusuf oo isaga qudhigiisa ay haysato dhibaato laga yaabo inay keento inuu waayo kursiga u yaala madaxtooyadii hore ee Soomaliaya ee magaalada Muqdisho. Cadde oo aaminsan in hadii Cabdullaahi Yusuf la casilo sida ay qorshaynayaan kuwi horay u keenay inuu asaga ugu imaan doono kursiga Puntland. Haddaba si uu taas uga hor tago ayuu Cadde wuxuu qaatay talaabooyin fara badan oo ay ka mid yihiin dacaayad, baryo uu baryahayo Meles inuu oday Yusuf uga haayo Muqdisho, iyo weliba inuu u abaal sheegto Itoobiya asgaoo leh, “Waad ogtihiin wixaan xoolo ku beelnay dagaalki aad kula jirteen Eriteriaya, inaan weligeen saaxiibo ahayn oo aan walaalo nahay, inaad sidaan noogu abaal gudiin maaha”. Arinta aanu ogayn Cadde waxa ay tahay sida asaga, oday Yusuf, iyo kuwa la mid ah uu amarka Meles u siiyo in asagana amar loo siiyo oo waxa uu samaynayo aanay ahayn wax ka yimid maskaxdiisa balse sida asagu ugu aqriyo iyaga loogu soo aqriyo asagana. Markanna waxaa amarka lagu casilayo ka yimid kuwa amarka siiya Meles sidaa darteed Meles waxba kama bedeli karo go’aanka.

Waa subax, saacaduna waa siddeedi iyo bar. Horay ayuu Cadde u casuumay Xaaji Xayraan oo uu sugayo waqtigan. Waxaa soo garaacay albaabka ninka xoghaynta u ah Cadde oo magaciisa lagu magacaabo Boos.

Boos: Jalle madaxweyne waxaa kuu jooga Xaaji Xayraan ee masoo gudbiyaa.
Cadde: (Inta istaagay oo u dhaqaaqay xagga iyo albaabka ayuu yiri asagoo kor u hadlaya inta albaabki furay), inaad marki horeba sug tiraahdo maahayn. Xaaji soo mood, raalina iga noqo.

Xaajiga oo la yaaban sida uu u dhaqmayo Cadde oo aanu horay uga baran ayaa inta soo galay fariistay kursi uu u tilmaamay Cadde oo sidi wax habaas leh kursiga jafaya.
Xaaji Xayraan: War marka hore Salamu Calaykum Caddow.

Cadde: Wa calaykum asalaam, Xaaji Xayraan. Waqti dheer isma arag ee ka waran caruurti iyo ganacsigi intaba?

Xaaji Xayraan: Alxamdulilaah, wax walba waa dhag dhag.

Cadde: Ka waran gurigii aad dhisaysey?

Xaaji Xayraan: Waa socdaa xoogow kala go yar ayaa dhacay laakiin waa hagaagayaa, inshaAllah.
Cadde: Xaajiyow waan garanayaa inay lacag fara badan ku baxday haddana wax badan ka dhimanyihiin. Runti maalin dhowayd ayaan kugu fikirsanaa. Marka waxaan jeclaan lahaa inaan kaa siiyo gacan guriga dhamaystirkiisa.

(Xaajiga oo aad ula yaaban dhaqanka aan looga baran ee Cadde ayaa ka yara fikiray jawaabta ku haboon inuu siiyo.)

Xaaji Xayraan: Caddow waad ku mahadsantahay inaad gacan ii fidiso laakiin dad iga daran ayaa jira oo ku haboon in gacan loo fidiyo. Anigu nin dhibaataysan maan ihi.
Cadde: Waa runtaa xaaji oo waan kugu ogaa fikirka wanaagsan.

Xaaji Xayraan: Howlo fara badan baa isugahayee maxaad iigu yeertay?

Cadde: Xaajiyow, waxaad tahay nin aad loo aaminsanyahay oo dadku ku qancayaan hadalkiisa. Waad la socotaa waxa socda marka waxaan ku fikiray inaan wefdi ballaaran oo isugu jira dowladda iyo isimada reer Puntland aan u diro Itoobiya. Taas oo lagu xoojinayo xiriirka naga dhexeeya oo maalmahan sii xumaanaya.

Xaaji Xayraan: Arintaas waa mid aanan anigu ku haboonayn maxaa yeelay anigu ma arko sabab aan Itoobiya ugu tagno waadna la socotaa fikirkaygu siduu yahay marka loo yimaado Itoobiya iyo weliba arinta aad iigu hoos qarinaysid oo aan garan karo. Marka waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaafto arimahan oo aan ka war sugno siday wax u dhacaan.

Cadde: Xaajiyow, waa sidaad u tiri hadalka waana kaa maqlay laakiin aniga arin gaar ii ah ayaa jirta. Taas oo ah in hadii la casilo Cabdillahi uu iigu imaanayo kursigan. Waadna ogtahay dhibka uu la imaan doono. Dhamaan dadka reer Puntland waa ay ogyihiin wixi uu soo marsiiyay aniguna waxaan doonayaa inaanay Puntland taas dib ugu noqon. Tan kale waa inaan garab istaagnaa si uu iskaga celiyo cadawga doonaya inay ka takhalusaan.

Xaaji Xayraan: Caddow, anigu ma hayo si aan uga qayb qaadan karo arintaan maxaa yeelay waxay ka soo horjeedaa wax walba oo Soomalinimo ah. Anigoo Xaaji Xayraan ahna ma hor tegi karo Tikreega waxaad aragtay ka gaystay waddanka. Balse khiyaar ayaad leedahay ee dirso ninkaad doonto. Haseyeeshee anigu waxaan qabaa inaan Soomaalida la mid noqono oo aan wixi ay qabaan la qabno.

Cadde: Xaaji waad mahadsantahay inaad timaado casuumaadaan kuu fidiyay. Arintan si hagaagsan uga soo fikir wixi aad go’aansatana ila soo socodsii.

Xaaji Xayraan: Fikir iiguma dhimana arintan oo goaankaygu waa iska cadyahay. Marna kama qayb qaadanayo waxa noocan ah. Sharafteyda Soomaalinimana ku luminmaayo.
Cadde: Waa mahadsanthay Xaajiyow. Dad kale ayaa isugayaan filayaa marka wixi cusub waan isla socodsiin doonaa.

Aqristow, fiiri farqiga u dhexeeya dabciga Cadde marki uu xaajiga la kulmayey iyo hadda oo uu sagootinayo.

Xaaji Xayraan inta istaagay ayuu iska baxay. Markuu sii baxayey ayuu arkay xaaji Wayrax oo fadhiya sugayana inuu u galo Cadde. Labada xaaji waa isi salaameen oo markaasna xaaji Xayraan iska baxay. Boos ayaa mar kale galay xafiiska Cadde una sheegay inuu sugayo Xaaji Wayrax. Markan Cadde asagoo aan sidaas isu kurbayn ayuu ku yiir soo daa.

Aqristow markaad eegto sidi uu usoo dhweeyey Cadde Xaaji Xayraan iyo sida uu u soo dhowaynayo Xaaji Wayrax farqi wayn ayaa u dhexeeya. Dabcan Cadde wuxuu ogyahay inuu siduu doono ka yeeli karo Xaaji Wayrax. Waxaa soo galay Xaaji Wayrax oo salaamay Cadde oo ku fadhiya kursigiisi.

Xaaji Wayrax: Salamu calaykum jaale Madaxweyne.

Cadde: Wa calaykum asalam Xaaji Wayrax. Ii waran?

Xaaji Wayrax: Kheyr weeyaane adiga xagaada?

Cadde: Wax walba dhag dhag weeyaane. Waxaan doonayey inaan kaala hadlo arin muhiim ah. Sidaad ogtahayba waxaa jira dhibaato soo wajahday Madaxweynihii dalka taas oo ka danbaysay marki ay afgenbi ku sameeyeen niman isticmaalaya magac qabiil. Hadde annagana reer Puntland hadaanu nahay waxaa ina saran inaan wax ka qabano. Waxaan doonayaa inaan wefdi ballaaran u diro Itoobiya si aan uga dhaadhicino inaan kursiga laga casilin Cabdillahi. Waan ogahay inaad ila fahmaysid arintan. Waxaan doonayaa inaan kuu dhiibo xoogow shaahi ah oo aad gaarsiiso isimada si ay ugu isticmaalaan safarka ay ku imaanayaan halkan iyo weliba waxyaabaha kale ee ay u baahanyihiin.

(Cadde ayaa soo bixiyay bashqado dhowr ah una soo taagay Xaaji Wayrax oo ka qaaday. Aqristow hadii aadan fahmin bashqadaha waxaa ku jira lacag lagu laaluushayo isimada si ay u aqbalaan casuumaada iyo ka qayb qaadashada wefdiga.)

Xaaji Wayrax: Waan ku fahmay waana sidaad u sheegtay jaale Madaxweyne. Hadda tan ayaana bilaabayaa inaan isu keeno isimada kana dhaadhiciyo arinta.
Cadde: Waa sidaas sidaan kaa sugahayey. Haddana waad iska bixi kartaa si aad howsha u bilowdo.
Xaaji Wayrax: Waa sidaas jaale madaxweyne.

Aqristow, sidaas ayuu ku baxay Xaaji Wayrax kuna dhaqaaqay inuu qabto arinti loo diray. Marki uu la kulmay isimadi loo diray ayaa waxaa dhacay in ay diideen kuwa fara badan oo ka soo horjeeday guud ahaanba dhaqanka Cabdullahi Yusuf iyo weliba kan Meles ee ku wajahan Soomaaliya gaar ahaan koofurta oo ay ka geysteen gumaad aduunka dhan lawada socdo keentayna in aduunku ka qaylsho lana soo jeediyo in la casilo Cabdullahi Yusuf iyo weliba inay Itoobiya ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Waxaa qoray muwaadin jecel dalkiisa iyo dadkiisa
Hersi Moallin
hermoallin@yahoo.com

Xafiiska Wararka
www.falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®