Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix halkaan)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riix halkaan)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
30/12/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ummadda Soomaaliyeed Iney Isbadal raadiso oo Cabdullahi Yuusuf Meesha Laga Cayriyo Ma Khalad Bay Ahayd Mise Arrin Sax Ah?

Akhristuhu yuusan ila yaabin oo uusan is odhanin war midkaan ku kala cararkii seexday ee arrintaasi caruuraha xitaa ay fahmeen in ninkaasi maamul xumadiisa laga hoos baxo ee maanta is waydiinaya waa maxay? Sababta hadaba ay muhiim u noqotay in aan mawduucan soo qaato ayaaba waxay tahay qodxaha, xangeeyada, injirta iyo miinooyinka loo baahanyahay in laga dhex guro siyaasada Soomaaliyeed si loo helo jawi fiican oo caafimaad qaba.

Waxa dhacday anigaygan nin aadam ahi oo shaati iyo surwaal qaba oo waliba Yurub 30 sano ku noola uu ila soo hor fariistay iney khalad ahayd in Cabdullahi Yuusuf meesha laga cayriyo iyo inuu kaasi sidaas xun u fakirayay. La yaabi maayo oo waxaa la yidhi dunidan wax aadan arkayn maba jiro, xitaa caqli xumada ilaa iyo heerkaas ah.

Waxaad la yaabaysa heerka aadamigu anaaniyadiisu gaarsiisan tahay. Ninkaas aanu saaxibaha ahayn, inkasta oo uusan isagu igala xishoon cantarabaqash kaasi mataga ahaa ee uu ila hor yimid, haddana waxaan anigu kala xishooday inaan ku idhaahdo - Ma waxaad doonaysay in duligii iyo silicii la iska hoos joogo? Marka laga bilaabo Maajo 1986kii, Somaliya waxay ahayd balaq aan nuuxsanayn oo waxay ku jirtay COMO.

Hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed waxaan Ilaahay ka baryi jirnay dhamaantayo inuu Ilaahay Somaliya dhaafiyo ninkaas waxba maamuli kari waayay ee qarankii Somaliyeed oo awalba iska tabar la,aa uu isagu dib ugu sii celiayay casru jaahiligii.

Cabdullahi Yuusuf wuxuu fahmi waayay in dunidu ku dhisan tahay mar la dhasho iyo mar la geeriyoodo, oo 14kii Octobar 2004, waxay ahayd maalinkii uu siyaasa ahaan dhashay oo uu la wareegay xilkii madaxtinimo oo uu faraxsanaa isagoo waliba dhoola cadaynayey, xilkaas oo uu kala wareegay ninkii kale ee Cabdiqaasim Salaad la odhan jiray, Cabdiqaasim isagu waagaas 14kii Octobar 2004 ayuu siyaasa ahaan geeriyooday oo dee waakan wadamada Carabaha meeralaysanaya, maantana 29/12/2008 Cabdullahi Yuusuf ayaa isna siyaasa ahaan geeriyooday, oo waliba geeridiisu dad badani oo aan anigaygani ka mid ahay oo xitaa madaxdii Dawlada Somaliya ayeeyba ka farxisay. Midda kale, Cabdullahi waaba geesi oo Barlamankii baabu ka hor yiri anigu waan is casilay, anigu shakhsi ahaan kamaan filayn in uu sidaas samayn doono, oo wararkan sheegaya in Cabdullahi Yuusuf is casili doono khayaal baaban u haystay, laakin runtii waa nin karti leh mar haduu isagii is casilay. Cabdullahi Yuusuf wuxuu ahaa caqabad tii ugu waynayd ee soo marta ummadda Soomaaliyeed.

Ninkii is casilay ee Cabdullahi Yuusuf la odhan jiray ee sideetan jirka ahaa wixii kursiga ka riday sooma ahayn doqonimo uu sameeyay oo ay Soomalidu ka tirsanayso, sababtoo ah Dawladnimadii dhamayd baaba waxay isugu soo uruurtay danaysi iyo fawdo qabiil.

Mele Zenawi oo cadow aan nixin u ahaa Somaliya, ayaa markii danbe arkay iney danta Itobiya ku jirto inay Cabdullahi Yuusuf Somaliya wali ku hoos jirto. Sababtoo ah waxay Amxaaradu u jeedeen in ay Somaliya geeriyoonaysay geeri tartiib-tartiib ah oo ay jirdil (torture) ku jirto.

Madaxweyne sidiisaba wuxuu ku yimaada xili iyo is badal, haduusan ogsoonayn in uu jiro xili xilka uu ka dagi karo oo uu meesha isku dhajiyo sidii xanjo darbi lagu nabay, taariikhdu waxay na bartay inuu xilligu ka noocaas oo kale ahi inta uu labada garbood qabto meesha ka tuuro sidii Cabdullahi Yuusuf.

Markii wakhtigiisi dhamaaday, ma uusan fahmin madaxweyne Cabdullahi Yuusuf, waxa maalmahaas la doonayay in la badallo inuu ahaa qof ahaan isaga. Wuxuu iloobay isaguba inuu ku yimid isbadal noocaas ah oo subaxnimadii 14kii Octobar 2004 sidey ummaddu u soo dhawaysay isbadalkiisa, maantana 2009 iney ummaddu u oomantahay is badal kale oo cusub.

Dadkeena Soomaliyeed waxaa u fiican oo la gudboon iney isaga hadhaan qabiilkan foosha xun ee ay daba joogaan ficiladiisa oo inta ay qof galayso foorja ah nin adiga kula cid ah ayaa meesha laga eryay, dadkeenu waa iney u hiiliyaan dalkooda iyo ummaddooda oo waa inuu mitaal qofkaasi oo kale ee xaqiiqda ka fogaa uu is weydiiyo: Ha jirto inuu Cabdullahi Yuusuf kula qabiil ahaa, laakin marka hore ninkaasi cidina kama aad xigtid oo qofku wuxuu adiga kula qabiil yahay marka uu gurigiisa ke eg yahay ee marka uu ummadda maamulayo oo uu mansabkeedi, awoodeedi iyo qalinkeedi ku maamalayo waa inaad fahamto inaadan cidna ka xigin oo aad ummadda ula siman tahay.

Midda labaad, waxaa muhiim ah in la isa su,aalo: Ninkaasi inuu dalkaaga iyo ummadaada guud ahaanteed u fiicna? Midda saddexaad: Maxaa meesha ka eryay? Soow maamul xumadiisi ma aysan ahayn waxa fashiliyay ee soo dadajiyay inuusan meesha cawrada lasii joogin ee uu ka la tago oo uu ummadda dhaafo?

Ala maxay fiicnaan lahayd dadkeenu inta ay diin iyoo iiman ka dhiganayaan ficilo qabiil oo ah reer magaalnimo iyo iney dadkeenu yeeshaan ficilo qaran iyo danta guud ee ummadd ahaaneed.

Waana taasi mida faa,idada leh ee maanta la,aanteed wax walba lagu waayay. Shalay hadey in ka mid ah dadkeeni laga reebi kari waayay nin farsama xumaa oo ummadda madaxweyne u ahaa, mantana waxaa dawladnimadii iyo qaranimadeeni burburtay looga badbaadiyo la la,yahay kuwa Jabuuti ku shiraya oo aan barako lahayn, laakin ficilo qabiil, hunguri iyo danaysi isu aruursaday. Laakin, qoraal kale ayaan kaga hadli doono kooxda Jabuuti.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.co

Xafiiska Wararka
www.falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®