Ummadda Soomaaliyeed
Iney Isbadal raadiso oo Cabdullahi Yuusuf Meesha Laga Cayriyo
Ma Khalad Bay Ahayd Mise Arrin Sax Ah?
Akhristuhu yuusan ila yaabin oo uusan is odhanin
war midkaan ku kala cararkii seexday ee arrintaasi caruuraha xitaa
ay fahmeen in ninkaasi maamul xumadiisa laga hoos baxo ee maanta
is waydiinaya waa maxay? Sababta hadaba ay muhiim u noqotay in
aan mawduucan soo qaato ayaaba waxay tahay qodxaha, xangeeyada,
injirta iyo miinooyinka loo baahanyahay in laga dhex guro siyaasada
Soomaaliyeed si loo helo jawi fiican oo caafimaad qaba.
Waxa dhacday anigaygan nin aadam ahi oo shaati iyo surwaal qaba
oo waliba Yurub 30 sano ku noola uu ila soo hor fariistay iney
khalad ahayd in Cabdullahi Yuusuf meesha laga cayriyo iyo inuu
kaasi sidaas xun u fakirayay. La yaabi maayo oo waxaa la yidhi
dunidan wax aadan arkayn maba jiro, xitaa caqli xumada ilaa iyo
heerkaas ah.
Waxaad la yaabaysa heerka aadamigu anaaniyadiisu gaarsiisan tahay.
Ninkaas aanu saaxibaha ahayn, inkasta oo uusan isagu igala xishoon
cantarabaqash kaasi mataga ahaa ee uu ila hor yimid, haddana waxaan
anigu kala xishooday inaan ku idhaahdo - Ma waxaad doonaysay in
duligii iyo silicii la iska hoos joogo? Marka laga bilaabo Maajo
1986kii, Somaliya waxay ahayd balaq aan nuuxsanayn oo waxay ku
jirtay COMO.
Hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed waxaan Ilaahay ka baryi jirnay
dhamaantayo inuu Ilaahay Somaliya dhaafiyo ninkaas waxba maamuli
kari waayay ee qarankii Somaliyeed oo awalba iska tabar la,aa
uu isagu dib ugu sii celiayay casru jaahiligii.
Cabdullahi Yuusuf wuxuu fahmi waayay in dunidu ku dhisan tahay
mar la dhasho iyo mar la geeriyoodo, oo 14kii Octobar 2004, waxay
ahayd maalinkii uu siyaasa ahaan dhashay oo uu la wareegay xilkii
madaxtinimo oo uu faraxsanaa isagoo waliba dhoola cadaynayey,
xilkaas oo uu kala wareegay ninkii kale ee Cabdiqaasim Salaad
la odhan jiray, Cabdiqaasim isagu waagaas 14kii Octobar 2004 ayuu
siyaasa ahaan geeriyooday oo dee waakan wadamada Carabaha meeralaysanaya,
maantana 29/12/2008 Cabdullahi Yuusuf ayaa isna siyaasa ahaan
geeriyooday, oo waliba geeridiisu dad badani oo aan anigaygani
ka mid ahay oo xitaa madaxdii Dawlada Somaliya ayeeyba ka farxisay.
Midda kale, Cabdullahi waaba geesi oo Barlamankii baabu ka hor
yiri anigu waan is casilay, anigu shakhsi ahaan kamaan filayn
in uu sidaas samayn doono, oo wararkan sheegaya in Cabdullahi
Yuusuf is casili doono khayaal baaban u haystay, laakin runtii
waa nin karti leh mar haduu isagii is casilay. Cabdullahi Yuusuf
wuxuu ahaa caqabad tii ugu waynayd ee soo marta ummadda Soomaaliyeed.
Ninkii is casilay ee Cabdullahi Yuusuf la odhan jiray ee sideetan
jirka ahaa wixii kursiga ka riday sooma ahayn doqonimo uu sameeyay
oo ay Soomalidu ka tirsanayso, sababtoo ah Dawladnimadii dhamayd
baaba waxay isugu soo uruurtay danaysi iyo fawdo qabiil.
Mele Zenawi oo cadow aan nixin u ahaa Somaliya, ayaa markii danbe
arkay iney danta Itobiya ku jirto inay Cabdullahi Yuusuf Somaliya
wali ku hoos jirto. Sababtoo ah waxay Amxaaradu u jeedeen in ay
Somaliya geeriyoonaysay geeri tartiib-tartiib ah oo ay jirdil
(torture) ku jirto.
Madaxweyne sidiisaba wuxuu ku yimaada xili iyo is badal, haduusan
ogsoonayn in uu jiro xili xilka uu ka dagi karo oo uu meesha isku
dhajiyo sidii xanjo darbi lagu nabay, taariikhdu waxay na bartay
inuu xilligu ka noocaas oo kale ahi inta uu labada garbood qabto
meesha ka tuuro sidii Cabdullahi Yuusuf.
Markii wakhtigiisi dhamaaday, ma uusan fahmin madaxweyne Cabdullahi
Yuusuf, waxa maalmahaas la doonayay in la badallo inuu ahaa qof
ahaan isaga. Wuxuu iloobay isaguba inuu ku yimid isbadal noocaas
ah oo subaxnimadii 14kii Octobar 2004 sidey ummaddu u soo dhawaysay
isbadalkiisa, maantana 2009 iney ummaddu u oomantahay is badal
kale oo cusub.
Dadkeena Soomaliyeed waxaa u fiican oo la gudboon iney isaga hadhaan
qabiilkan foosha xun ee ay daba joogaan ficiladiisa oo inta ay
qof galayso foorja ah nin adiga kula cid ah ayaa meesha laga eryay,
dadkeenu waa iney u hiiliyaan dalkooda iyo ummaddooda oo waa inuu
mitaal qofkaasi oo kale ee xaqiiqda ka fogaa uu is weydiiyo: Ha
jirto inuu Cabdullahi Yuusuf kula qabiil ahaa, laakin marka hore
ninkaasi cidina kama aad xigtid oo qofku wuxuu adiga kula qabiil
yahay marka uu gurigiisa ke eg yahay ee marka uu ummadda maamulayo
oo uu mansabkeedi, awoodeedi iyo qalinkeedi ku maamalayo waa inaad
fahamto inaadan cidna ka xigin oo aad ummadda ula siman tahay.
Midda labaad, waxaa muhiim ah in la isa su,aalo: Ninkaasi inuu
dalkaaga iyo ummadaada guud ahaanteed u fiicna? Midda saddexaad:
Maxaa meesha ka eryay? Soow maamul xumadiisi ma aysan ahayn waxa
fashiliyay ee soo dadajiyay inuusan meesha cawrada lasii joogin
ee uu ka la tago oo uu ummadda dhaafo?
Ala maxay fiicnaan lahayd dadkeenu inta ay diin iyoo iiman ka
dhiganayaan ficilo qabiil oo ah reer magaalnimo iyo iney dadkeenu
yeeshaan ficilo qaran iyo danta guud ee ummadd ahaaneed.
Waana taasi mida faa,idada leh ee maanta la,aanteed wax walba
lagu waayay. Shalay hadey in ka mid ah dadkeeni laga reebi kari
waayay nin farsama xumaa oo ummadda madaxweyne u ahaa, mantana
waxaa dawladnimadii iyo qaranimadeeni burburtay looga badbaadiyo
la la,yahay kuwa Jabuuti ku shiraya oo aan barako lahayn, laakin
ficilo qabiil, hunguri iyo danaysi isu aruursaday. Laakin, qoraal
kale ayaan kaga hadli doono kooxda Jabuuti.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.co
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com
|