Qeybtii 17-aad
DADKIII GEEDKA CAABUDI JIRAY
Beri baa nin wuxuu soo maray dad geed caabudaya, arrintaana
aad buu uga carooday, wuxuuna go'aan ku gaaray inuu geedka
jaro, wuxuu iska aaday gurigiisii habeenkii oo dhanna wuxuu
ku soo jeeday inuu Ilaahey caabudo si go'aankaas ilaahey
ugu hirgeliyo, subixii aroortii markay aheyd ayuu gurigiisii
faas ka soo qaatay wuxuuna soo aaday geedkii, wuxuuna naftiisii
ku yiri; "Ilaahey sokadiisa ayey dadkani geed cabudayaan,
ballan waxaan ku qaaday inaan geedkaan xididada u siibo"
isagoo wadadii ku sii socda ayaa waxaa ka hor yimid shaydaan
nin, wuxuuna ku yiri "Xageed u socotaa?" wuxuu
ku yiri waxaan u socdaa geedkaas" "Maxaad ka doonaysaa
ayuu hadana weydiiyey"? "Waxaan doonayaa inaan
gooyo ayuu ugu jaawabay" misana wuxuu weydiiyey "oo
maxaad u goynaysaa sabab?" wuxuu yiri "dadkii
baa Ilaah ka dhigtay sidaas baan u goynayaa" shaydaankii
ninka ahaa ayaa ku yiri hadana "ma awoodid inaad goyside
iskanoqo naftaada khatar ha gelinine" Caabidkii baa
wuxuu yiri "ma noqonayo ilaa aan gooyo" shaydaankii
ayaa hadana ku handaday caabidkii waan ku dilayaa haddaadan
ka noqon go'aankaaga, hase yeeshee ninkii caabidka ahaa
wuu diiday, dagaal xun ayaana dhex maray labadoodii, laakiin
wuxuu ninkii caabidka ahaa dhowr goor legday oo ka adkaaday
shaydaankii, intaa kadib shaydaankii wuxuu go'aan ku gaaray
inuu ninka xoog ku kari waaye xeeladeeyo, wuxuuna ku yiri;
"isiidaa aniga iyo adigu aan wada hadalno oo aan hishiinee,
nin yahow sidaad ogtahay waxaad tahay nin maskiin ah sidaa
darteed maalin kasta barkintaada hoosteeda shilin ka qaado,
oo geedkaa iska dhaaf oo hagoynin, maslaxadaadana fiirso".
Ninkii cabidka ahaa sidii buu ka ogolaaday shaydaankii gurigiisiina
isaga noqday, waxaa uuna maalin kasta shilinkii ka qaadanayey
barkinta hoosteeda muddo 3 beri ah, maalintii afraad ayuu
shilinkii meeshii ka waayey, wuxuuna markiiba dafay faaskiisii,
wuxuuna aaday geedkii, sidii oo kale meel geedka sokadiisa
ah ayaa waxaa kaga hor yimid shaydaankii ninka iska soo
dhigi jiray, wuxuuna ku yiri "xageed u socotaa"?
wuxuu ugu jawaabay caabidkii Geedkii ayaan soo jarayaa",
wuxuu ku yiri shaydaankii oo dhoolo caddaynaya "doqon
yahaw ujeedadaadu taa ma aha ee waxaad raadinaysaa shilinkii
aad weyday, ka noqo geedka haddii kale waan ku garaacayaa"
hase yeeshee caabidkii wuu diiday hadalkaa foodda ayeyna
is dareen. Ninkii caabidka ahaa circa inta loo qaaday oo
dhulka lagu dhuftay si xunna loo garaacay, markaasuu weliba
ku yiri: "maalintii hore jiniga iyo insiguba kuma ayan
kari laheyn oo waxaad ku socotay Alle dartii iyo niyad bir
ah, laakiin maanta waxaad ku socotaa weyntadii shilinka,
mana guulaysanaysid, sidaa darteed ayuu caabidkii isagoo
niyad jabsan oo khasaaray iska soo noqday".
XEELAD HAWEEN.
Beri baa nin naag hore qabay wuxuu guursaday naag labaad,
waxaa masayrtay markaa naagtiisii hore, naagtii dambe ayuuna
xageedii u batay, si walba hadday yeeshay naagtii hore ninkii
sidii sii hore way ku soo celin waysay.
Intaa kadib ayey waxay naagtii hore u tagtay nin oday ah
oo faalalow ah, waxayna uga sheekaysay mashaakilka haysta,
waxayna ka codsatay inuu sicir iyo farsamo kaleba u adeejiyo
si ay ninkeedii sidii hore ugu soo celiyo, odaygii wuu ka
oggolaaday naagtii codsigeeda wuxuuse weydiistay inay u
keento xoogaa dhogor waraabe, taasoo uu ugu akhrin doono
wax ninkeedu ugu soo noqonayo.
Naagtii arintaa intay la adkatay arrintii ayey waxay ku
tiri odaygii: "sheekhow taa amaanay suurtoobaynin".
Odaygii oo dhoolo caddaynaya ayaa ku yiri "haddii aad
doonaysid ninkaagu inuu sidiisii hore kuugu soo noqdo ii
keen dhogorta waraabaha, dhogor la'aana waxba ma samayn
karo".
Naagtii waxay ku noqotay gurigeedii iyadoo niyad jabsan
oo aad u murugaysan, waxayna arrintaa ka fekertay waqti
badan sidii ay ku heli laheyd dhogor waraabe, waqti fog
kadibna waxay heshay fikrad ay ku heli karto dhogor waraabe,
waqti yar kadibna waxay ku noqotay odaygii iyadoo xoogaa
dhogor ah wadda. Odaygii wuxuu weydiyey sida ay ku soo heshay
dhogorta waraabaha?. Waxay ugu jawaabtay, "waxaan qalay
wan buuran, waxaana galab walba u tuuri jiray cad hilib
ah warabe ku noolaa keyn agtayda ah", maalinba meesha
aan ugu tuuro meel ka sokaysa ayaan u dhigayey ilaa waraabihii
gurigayga uu ka so galay, markaasaan waxaan ka goostay dhogor",
odaygii intuu qoslay ayuu naagtii ku yiri haddii aad awooday
inaad waraabe duur joog ah gurigaaga soo gelisid sidaad
baad u awoodi wayday ninkaagii ugu soo ceshato xeelad ama
mi kale"?
Naagtii way noqotay waxayna goosatay in ay ninkeeda soo
ceshato wayna ku guulaysatay, waxaana sheekada ka muuqata
wax ka xoog badan ma jirto doonista qofka, waxayna ka awood
badisaa mashaakilka qofka oo dhan, waxayna xaqijisaa doonistiisa.