Qeybtii 18-aad
QOFKA WANAAGSAN WANAAGIISA KAMA
SHEEKEEYO.
Beri baa saddex nin waxay ka sheekaynayeen wanaaga iyo
deeqsinimada, arrintaana saddexdooda mid ugu horeeya way
isku khilaafeen, oo kii koowaad wuxuu yiri; "Anigu
waxaan ahay ninka ugu deeqsisan Magaalada", kii kalena
wuxuu yiri; "Aniga ayaa kaa deeqsisan" kii saddexaadna
wuxuu yiri "Aniga yaaa labadiinaba idinka deeqsisan".
Markay ku heshiin waayeen saddexdoodii qofka ay siin lahaayeen
kan ugu wanaagsan ayaa waxay u tageen nin waayeel ah oo
waayo badan adduunyada soo joogay, waxayna ka codsadeen
inuu kala saaro isagoo qof kastana ku doodaya ninkii hortiisa
inuu isagu yahay kan magaalada ugu deeqsisan. Hase yeeshee
ninkii odayga ahaa wuxuu ku yiri nimankii; "hadalkan
aad dhuraysaanw wax faa'iido ah oo uu leeyahay ha sheego
deeqsinimo wanaagsan ee uu sameeyey makaas ayaan idinkala
xukumaynaaye", kii koowaad ayaa hadalkii bilaabay oo
wuxuu yiri; "Sanad baan waxaa dhacday dhibaato, waxaana
lo'daydii u qeybiyey masaakiin si ay u irmaansadaan oo ay
caanaha uga dhamaan ilaa ay ka dhamaato dhibaatadaas, ee
aniga wax iga deeqsisan miyaa jira"?. Kii labaad ayaa
isna makiisa qaatay oo yiri "Habeen saqdii dhexe ayaa
waxaa iisoo martiday labaatan nin oohabaqle ahgurigaygan
wax daqiiq ah ma aanay oolin, ciidan kalena ma aanan haysan
oo aniga iyo xaaskayga ayaan aheyn, waxaana u gowracay martidii
xilligaas wan, waxaan u shiiday haruur oo aan muufo uga
sameeyey naagtaydiina way u karisay ilaa martidii oo dhan
ay casheeyeen oo ay dhargeen, xilligaas oo kale yaa waxaas
oo kale sameyn oo aan aniga aheyn, ee ma wax iga deeqsisan
baa jira"?.
Kii saddexaad wuxuu yiri; "waxaan ku safray beri meel
lamadegaan ah waxaana sahay u watay in yar oo biyo ah, waxaa
iga hor yimid nin uu daaliyey oon, waxaan siiyey wixii yaraa
ee biyaha ahaa ee aan watay ee aan naftayda u waday, waxaan
iska joogay maalintii oo dhan anigoon biyo afka saarin oo
carrabka laalaadinaya ilaa meeshii aan u socday aan ka imid,
yaa sameyn kara deeqsinimadaa nafta huridda ah aniga maahee,
ma wax iga deeqsisan baa jira"".
Odaygii oo saddexdoodiiba isku dhagaystay wuxuu ku yiri
markay hadalkii dhameeyeen; "idinkuma jiro nin deeqsi
ah, waayo qofka wanaagsan wanaagiisa kama sheekeeyo'.
BEEN HA SHEEGIN.
Beri baa oday wuxuu wiilkiisii ku yiri; "Aabow waxaan
doonayaa inaan kula dar-daarmo" wiilkii oo aabihii
u soo dhawaaday ayaa yiri; "Ii dar-daaran aabe waan
ku dhagaysanayaaye", wuxuu yiri Aabihii; "Waxaan
kugula dar-daarmayaa wiilkaygiiyow inaadan been sheegin
waligaa". Sanooyin badan ayuu aabihii sii noolaa, kadibna
wuu dhintay, wiilkii wuxuu noqday markaa wiil agoon ah oo
sabool ah, wuxuuna ka tagay magaaladiisii si uu nolol u
doonto, intuu jidka sii socday ayuu aad u oomay, wuxuuna
ka helay saxarihii dhexdiisa ceel, wuxuuse ceelka agtiisa
ku arkay lafo iyo qalfoof dadeed oo badan, isagoo la yaaban
waxa dadkan laayey ayuu meel fog wuxuu ka akay awr safar
ah oo soo socota wuu sugay intay ka soo gaarayaan, markay
u yimaadeen ayuu ninkii awrta madaxda u ahaa ku yiri wiilkii:
"Ceelkani biyaa ku jira, haddii intaad gasho aad naga
soo waraabiso waxaan ku siinaynaa xoolaheena kala barkood,
Ninka madaxda safarayda u ahna iyo safarayduba way garanayeen
in ceelka cirfiid ku jiro, oo uu dadka laayo, laakiin wiilku
cirfiidka waxba kama uusan ganeyn markiina ninkii hadalkiisii
ayuu oggolaaday, wuxuuna galay ceelkii. Markuu gaaray biyihii
ceelka ayaa waxaa uu ku arkay cirfiid dhex fadhiya, cirfiidkuna
wuxuu ahaa mid aad u foolxun, waxaana la joogtay naagtiisa
oo aheyd gabar yar oo qurux badan. Islamarkiiba cirfiidkii
wuxuu ku soo booday wiilkii si uu u dilo, wuxuuna ku bilaabay
inuu garaaco isagoo leh "ma anigaa qurux badan mise
naagtayda" wiilkii markiiba wuxuu xusuustay dar-daarankii
aabihii mana ayan illowsiinin garaaciddii, mar kasta oo
ul lagu dhufto oo lagu yiraahdo 'keenee qurxoon' wuxuu yiraahdaa
"naagtaada ayaa kaa qurxoon", ugu dambeystii cirfiidkii
wuxuu ka joojiyey gaaacistii wiilka wuuna ku farxay hadalkiisa
runta ah, wuxuuna ku yiri "darso biyaha waan ku saamaxay
oo ku dili maayee" waayo waxaad tahay wiil runlow ah,
haddii aad beenaale noqon laheyd waan ku dili lahaa sidii
kuwii kaa horeeyey.
Wiilkii wuu soo baxay wuxuuna u yimid safaraydii, wuxuuna
siiyey biyihii uu wadaanta ku soo daray, Markay cabbeen
bihihii ayey ballantii uga baxeen oo waxba mayan siinin,
Cirfiidkii baase arrintaa ogaaday, wuuna ka daba tagay nimankii
intuu handaday ayuu xaqiisii uga soo qaaday islamakaana
ku wareejiyey wiilkii kuna sagootay dhankii uu reerkiisu
jiray isagoo ku leh anigu waan ku jeclahay wiilyahow, maxaa
yeelay waxaad tahay nin hadalkiisa run ku sheega.
Qeytbtii
17-aad halkaan ka Aqriso