Baashi Axmed Urur oo sheegay in uu ka
tirsanaa saraakisha sheegey in uu soo goostey kana tirsanaa
saraakisha ciidadii dowlada eek u sugnaa halkaasi oo manta
sheegay in uu ka soo tagey ciidamadii dowlada iyo 50 qori
oo u badnaa nooca loo yaqaan AK47.
Sarkaalka ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen qaabka
ay u howlgalaan ciidamada dowlad ka dibma ay gogaansadeen
asaga iyo sarakil kale ay ka soo goosteen waliba ay jiraan
saraakjil kale oo doonaya sidaan oo kale in ay iskaga soo
tagaan madaama aysan jirin wixi ay ku dhawaaqeen ee ahaa
in ay diinta islaamka wax ku dhaqayan.
Sidoo kale waxaa u shegay sarkaalkaan soo goostey ee lagu
magacaabo Bashiir Axmed Urur in uu asagu ka tirsanaa xiligii
hore ciidadii hore ee dowlada Soomaliya ee loo yiqiin suun
cad xiligii siyaad bade iyo ka horba.
Sarkaalka ayaa sheegay in ay ku sugnayeen warshada nacnaca
ee xafada madiina lagu soo darey ciidamo uu ku shegay kuwo
aan aqlaaq la heyn oo lagu soo tababarey Jabuuti ka dibna
ay dileen ilaa 5 Askari intaas ka dibna ay sugayeen in maxkamda
ciidamada la soo taago, lakiin ay markii danbe la kala direy
sidaasna ay aad uga xumadeen go'aana uu ku qaatey madama
aysan fulineyn dabaqida kitaabka uu ka soo tagey asagu.
Saraakiisha kale ee uu ka soo tagey ayuu ugu baaqey in
sarkaalka manta Shabaab u soo goostey in ay iskaga soo tagaan
meesha wixii hada ka danbeeyana ay ka fiirsadaan qaabka
ay ku shaqeynayaan hadii uu dhib ka soo garayo shacabkooda.
Waxaa kale oo goobta lagu soo bandhigey 50 qori AK47, balse
ciidamo farabadan lama kenin meesha lagu soo bandhigayey
sarkaalka iyo hubka ,waxaana halkaasi ka Hadley Afhayeenka
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamuud Raage
(Shiikh Cali Dheere) oo goobta ka cadeeyey in ay soo dhaweynayaan
cid kasata oo ka soo baxsata dowlada Soomaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka in kuwa garta in
qalad ay tahey ka sii mid ahaanshaha Ciidamada dowlada ay
si aada u soo dhoweynayaan xiliyada ugu adkeyd ayana la
marayaa ayuu yiri madama shacabki soomaliyed la dhameynayo
taasna ninki ka dhiidhiya uu mudnaan ku leyahey xagooda
waa sida uu hadalka u dhigaye.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa xili ay muqdisho iyo gobolo kale
ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Dowlada Soomaliya
ayna sheegatey in ay la wareegi doonto dhamaan dhulka mucaardka
ka soo horjeeda fadhiyaa