Qaraxyo iyo
tacshiirad muddo kooban socotay oo xalay laga maqlay guri ku
yaalla nawaaxiga Hotel Kaah ee degmada Yaaqshiid
Qaraxyo xooggan iyo is rasaasayn muddo
kooban socotay ayaa xalay laga maqlay xaafadaha ku dhow Hotel
Kaah ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo
aan ilaa hadda la garanayn qasaaraha ka dhashay iyo kooxaha
ay dhex martay.
Mid ka mid ah dadka xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid
oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay maqleen
dhawaqa qoriga baasuukaha loo yaqaano, bambooyinka gacanta
laga tuuro iyo is rasaasayn xooggan oo socotay qaddar daqiiqado
ah oo markii dambe istaagtay.
Goob joogahaasi wuxuu sheegay inay si dhab ah uga war haynin
kooxaha ay rasaastu dhex martay, wuxuuna intaasi ku daray
inay u muuqatay in weerar lagu qaaday guri ku yaalla nawaaxiga
Hotel Kaah, inkastoo uusan sheegin gurigaasi sababta loo weeraray
iyo masuulka degganaa.
Sidoo kale wuxuu sheegay goob joogahaasi in markii ay rasaasta
istaagtay uu arkayay gawaarida noocyada loo yaqaano roonetka
oo dhowr xabo ka kooban oo ka sii baxayay goobta ay rasaasta
ka dhacday, wuxuuna sheegay inaanay garanayn haddii ay jiraan
qasaare ka dhashay qaraxyadaasi iyo tacshiiradahaasi, isagoo
sheegay in saakay markii uu waagu baryay ay xaaladdu caadi
ahayd.
Xafiiska Wararka
www.falaar.com