Qeybtii 22-aad
Kisi iyo dhaban
.beri baa nin reer miyi ah wuxuu u soo martiyey reer, ninkii
reerka lahaa ayaa wuxuuku yiri ninkii martida ahaa waxaan
haystaa digaag badan, naagteyda , labo wiil iyo labo gabdhood,
markii loo soo dhigay cuntadii ayey fariisteen, waxayna
ku yiraahdeen ninkii martida ahaa adiga noo qaybi raashinka,
oo ka koobnaa shan xabbo oo digaagad ah, wuxuu yiri ninkii
martida ahaa ma kisi baan ku qaybiyaa mise dhaban, waxay
ku yiraahdeen kisi ku qaybi, wuxuu yiri adiga iyo xaaskaaga
iyo hal digaag waa isku sadex, labada wiil iyo digaagadna
waa isku sadex, labada gabdhood iyo digaagadna waa isku
sadex, aniga iyo labo digaagna waa isku sadex, haseyeeshee
taasi qoyskii raali kama ayan noqonb waxayna ku yiraahdeen
hadana waxaad ku qaybisaa dhaban, waa yahay ayuu misana
yiri ninkii marida ahaa waxaana la siku soo celiyey digaagii.
Hadana wuxuu bilaabay inuu ku qaybiyo si dhaban ah, wuxuuna
yiri "adiga iyo labadaada wiil hal digaag isku afar
baa tihiin, Islaantaada, labada digaag iyo hal digaagna
waa isku afar, aniga iyo saddexda digaag ee soo haray intuu
soo jiitay isku afar baa nahay. Shantii digaag ee qoysku
haystay saddex ninkii martida ahaa baa cunay, labana qoyskii
baa cunay.
Sheekadiina halkaas ayey ku dhamaatay.
LABA NIN OO WADA SOCDAALAY
Beri baa nin wuxuu u shaqeyn jiray nin, sidaas bayna waayo
badan ku wada noolaayeen, Berigii dambe ayey labadoodii
wada socdaaleen intay dhex sii socdeen ee ay kolba meel
ku nasanayeen ayuu ninkii shaqaalaha ahaa wuxuu ku yiri
ninkii madaxdiisa ahaa; "waa laga soo tagay gurigaagii
iyo saldhigaagiiba sidaa darteed, hadda waa inaad ii adeegtaa
oo aad ii shaqaysaa, wax kasta oo aan u baahanahayna ii
keentaa.
Ninkii boqorka ahaan jiray wuxuu ku yiri "Sideen kuugu
shaqeeyaa adigaaba ii shaqeyn jiraye qof kasta oo inaga
naga mid ahna shaqadiisa wuu yaqaanaaye? Sidaa awgeed soo
shaqeynta adigaa iska leh, ee jidkaaga haka leexan, hase
yeeshee ninkii kale arrintaa wuu diiday, wuxuuna ku adkaystay
inuu u adeego maadaama uu ka xarago iyo adkaysi badan yahay,"
labadii nin markay aad u murmeen ayaa waxay ku heshiiyeen
in dadka ugu horeeya ee ay u tagaan ay u gardhigtaan, sidii
bayna yeeleen oo dadkii ugu horeeyey arrinkoodii u sheegteen,
dadkii markay dhagaysteen labadoodii gar ayaa waxay ku yiraahdeen
annagu si kaloo idinku kala saari karnaa ma jirto, mana
garan karno qofkii shaqeyn jiray iyo qofkii loo shaqeyn
jiray, sidaa darted laba su'aalood baan idin weydiinaynaa,
sidaad uga jawaabtaan baana idiin xukumaynaa.
Waxay ku yiraahdeen "wax macaan maxaa ugu macaan?
Wax culusna maxaa ugu culus?"
Jawaabtii waxaa ku hormaray ninkii shaqaalaha ahaan jiray,
ee haddana ku doodaya in loo shaqeeyo wuxuuna yiri; "wax
macaan waxaa ugu macaan malab, wax culusna waxaa ugu culus
ciid"
Ninkii boqorka ahaan jiray ayaa isaguna markiisii jawaabtii
qaatay, wuxuuna yiri waxa culus waxaa ugu culus, addimo
baahan, waxa macaanna waxaa ugu macaan Candhuuftaada oo
caafimaad qabta".
Dadkii meesha joogay ee wax garsoorayey ayaa m,ar keliya
intay is eegeen oo hoosta wax isaga sheegeen ayey labadii
nin u soo jeesteen, waxayna ku yiryaahdeen ninkii yiri;
'wax culus ciid baa ugu culus, wax macaanna malab baa ugu
macaan muuqaal baad ka hadashay, adiga ayaana shaqaale ahaan
jiray' ninka yiri 'wax culus waxaa ugu culus addimo baahan,
wax macaan waxaa ugu macaan candhuuftaada oo caafimaad qabta'
macno ayuu kaga jawaabay, madaxbuuna ahaan jiray.
Sidii lagu kala xukumay ayey labadii nin ku raalli noqdeen.
Qeytbtii
22-aad halkaan ka Aqriso