Qeybtii 24-aad
LABO DOQON
Beri baa labo nin oo nacasyo ah waxay ku fekereen intay
meel fariisteen oo iska ahamiyeen, waxay jeclaan lahaayeen
inay ka shaqeystaan, ayey marba xirfad soo qaadeen, maya
maya sidii ay u lahaayeen ayuu mid ka mid ah yidhi hebelow
haddii aan beer weyn falan lahayn oo ilaaheyna xilligu barwaaqo
nooga dhigi lahaa oo markaas badar badan nooga bixi lahaa
.
Marka aan badarkaas goosano ee aan dhibta ka nasano soorna
nalooga sameeyo xeeradii soorta ahayd oo sixin iyo caano
lagu iidaamay naloo keeno soorta ayaan markaas ku bur goosan
lahayn, maya ee kii kale ayaa yidhi weaan fadooqaneynaa,
maya ee waan bur goosaneynaa … maye ee wallaan kaa
yeelin. Labadoodii halkii ayey feer iyo haraati isku bilaabeen
oo dhaawacyo xun-xun iskgaarsiiyeen.
Sheekadiina halkaa ayey ku dhamaatay
LABA BAKHEYL
Beri baa waxaa aad u macluulay oo saboolnimadu ay daashatay
laba nin oo bakhaylo ahaa, markii dambe ayey Ilaahey baryeen
oo yiraahdeen Ilaahayow adduunyo wan ku dhibtoonee sida
noo dhaan. Maalmo kadibna Ilaahey ducadoodii wuu ka aqbalay,
waxaana malag loo soo diray intuu maalin u yimid uu ku yiri
“ilaahey ducadiinii wuu idinka aqbalay, waxaana la
idinsiiyey hal duco oo aqbal ah, ninkii ku duceeya ducadaas
intuu hele ayuu kan aamiin yiraahdana labadeed helayaa.
Waxaadna fursaddaa aqbalaadda ah haysataa ilaa qoraxdu ka
dhacdo.
Labadii nin baa waxay bilaabeen inay isku qabsadaan adigu
ducee aan aamiiniyee, iyo adigu duceen anaa aamiin dhehee’.
Isagoo qof kasta rajo ka qaba in saxaabkii inta uu helo
labajibaarkeed uu helo. Siday isu jii-jiidanayeen ayey qoraxdii
gaabatay, ugu dambeyntiina mid baa ku dhiiraday inuu duceeyo,
wuxuuna yiri ilaa hayow hal il I tir, isla markiina Ilaahey
wuu ka aqbalay oo ilbuu beelay, kii kalena Aamiin buu yiri
oo labadiiba wuu belay” isagoo usha u haya ayuu hogaamiyey
oo tuuladii uu geeyey.
Qeytbtii
23-aad halkaan ka Aqriso