Qeybtii 25-aad
Nin sabool ah
Beri baa nin tuugsade ah waxaa maalinkasta soo geli jirtay
hal shilin. Halkaas shilin mana wayn jirin wax ka badanna
ma soo geli jirin.
Berigii dambe ayuu arintaas saboolnimada ah aad uga xumaaday,
wuxuuna naftiisa ku hiifay horta noloshaada aduunyo ma sidan
ayaad ku dhameysan, marna ilaahay wax fiican ku siin mayo
soow ma aha, intuu orday oo sart dheer fuulay ayuu yiri
ilaahow horta aniga maxaad igu leedahay, shilinkii horta
waa kaas ee cesho, maxaa kale oo iigu kaa haray dharkii
xumaa ee duugga ahaana intuu iska siibay oo tuuray buu yiri
‘isaagiina waa kaase qaado’ maxaa iigu kaa haray,
nafta soo maahan, iyadana haddaan kuu soo bixinayaa sidaa
aan isku dhaafno, dabaqiina wuu iska tuuray.
Nasiib wanaag ma dhiman laakiin si xun buu u dhacay. Dadkii
way qaadeen isbitaal bay geeyeen oo daweeyeen. Markuu soo
miyirsaday ayuu yiri; halkani waa halkee, waxay ku yiraahdeen
waa adduun iyo isbitaal dhexdii, intuu ku xanaaqay ayuu
yiri; “Yaa I keenay meeshaan” waxay ku yiraahdeen
“inagaa axsaan kuu samayna oo kuu gar-gaarnay”
wuxuu yiri; “Anigu gar-gaar ma rabin oo inaan is dilo
ayaan doonayey, ee shaqo aan la idiin dirsan baad qabateen,
haddana nolol ma rabo oo waan isdilayaa.
Markiiba isbitaalka ayuu ka baxay oo duurka xagiisa ayuu
aaday isagoo maanka ku haya in si uu yeelaba uu isdilo,
waxaa ka hor yimid berni’aadam isu soo ekeysiiyey,
wuxuuna weydiiyey halka uu u socdo, isaguna wuxuu u sheegay
inuu doonayo inuu isdilo oo nolosha adduunyada uu nacay,
wuu ka waaniyey, hase yeeshee wuu ka diiday. Malagii maraa
wuxuu u tilmaamay ninkii jid, wuxuuna ku yiri; “jidkaa
mar haddii aad rabto inaad dhimato” wuuna ka tagay.
Jidkii ayuu maray wuxuuna ugu tagay mas weyn oo jidkii
isku gudbay. Maskii markuu ninkii arkay ayuu ku soo booday
oo saynta ku dhuftay oo tuuray. Dudun meel fog ku taalay
ayuu dalooladeedii mid ka mid ah madaxalagalay. Markaasuu
wuxuu ku arkay dahab aad u fara badan. Halkii ayuu dahabkii
iyo adduunkii uu meesha ku arkay iska soo gurtay, oo uu
naagna ku guursaday adduuna ku tabcaday.
Calool adaygii Guure [iyada oo kale
lama arag]
Guure waxa uu ahaa oday reer miyi ah, oo geesinimo iyo
calool adag ku caan baxay. Maalin maalmaha ka mid ah isaga
oo la sheekeysanaya saaxiibadiis ayuu waxa uu meel fog ka
arkay
Sawir Nin garbo duuban oo niman soo wadaan
Niman si xun u jiidaya wiil dhalinyaro ah oo riixaya, markii
ay u soo dhawaadeen waxa uu gartay in wiilka la soo jiidayo
in uu yahay wiilkii walaalkii uu dhalay oo dharkii laga
jeex jeexay garbo duubna loo xiray qaar ka mid ah maryihiisii.
Guure arintaas aad ayuu ula yaabay waxa uuna nimankii wiilka
waday su’aalay. War maxaa dhacay? Nin nimankii wiilka
waday ka mid ahaa ayaa yiri; [ kani waa wiilkii walaalkaa
dhalay oo dilay wiilkaagii waxaana u soo garbo duubnay in
loo qisaaso, Guure kama uusan kicin fadhigiisii mana doorsoomin
wejigiisii laakiin weli wuu iska xasiloonaa, naftiisuna
way deganayd, intuu nimankii wiilka garbo duubka u hayey
eegay ayuu ku yiril [sii daaya wiilka oo xariga ka fura
waayo isaga ayaa dilay adeerkiis, qaraabadiisana gacantiisa
ku gooyey wiil kale oo meesha fadhiyey oo uu isaga dhalay
ayuu ku yiri; [Daba orod oo hooyadaa uga tacsiyee geerida
wiilkeeda, siina boqol halaad oo ah magtii wiilkeeda, walaalkaana
soo aas. Ka dibna sheekadii saaxiibadiis ayuu halkii ka
sii watay, dadkii la fadhiyey aad bay ula yaabeen geesinimada
iyo calool adegyga Guure, waxa ay yiraahdeen [tan oo kale
lama arag].
Qeytbtii
24-aad halkaan ka Aqriso