Qaar baa waxaa gashay Isaaqii waa kaa soo waa ay naga tageen
oo waa goosanaynaa yey ku maqan yihiin, Daaroodkiina waa kaas
oo meel uu kabaxay lama hayo oo waa iska aamuseen ee Somaliya
waa iney idinka kaliya noqoto! Kuwa sidaa u fakiraya waxaysan
ogsoonayn Soomaali intii kale (Isaaq, Daarood iyo qabiiladii
kaleba) iney ku hawlanyihiin inuusan shaag (taayir) u rogmin
oo la kala daadiyo cid ala cidii qabiil wax ku doonaysa. Marka
yey arrintaasi u daran tahay? Cidda kaliyah e ay arrintaasi
u daran tahay sow ma aha dalkii Somaliya la odhan jiray?
Kuwa maanta xukun aan jirin raadintiisa ku hawlan, waa iney
fahmaan iney dhamaatay oo aysan soo noqonayn, khiyaanadii ahayd:
Aniga iyo qabiilkey ha nala hoos yimaado. Waa iney fahmaan arrintaasi
iney ka mid tahay waxyaalaha ummaddu ka ilbaxday. Kuwaasi waa
iney fahmaan arrintaasi iney ka mid tahay cuduradii burburiyay
Somaliya. Kuwaas arrintaas wali dabada haysta hadey inaba haba
yaraate wax dan ah ka leeyihiin Somaliya iney soo aakharo toosto,
waa iney fahmaan sababta ay Somaliya tan iyo maanta u kabmi
la,dahay iney tahay arrintaas.
Miyeydaan ogayn maanta dadkeeni Soomaaliyeed ee dibadaha galay
ineysan wax sidaas ah ka soo noqon doonin xitaa hadii wax walba
hagaagan Somaliya?
Dadka maanta socda waxaynu ka wada dharagsanahay iney yihiin
dad u dhaqmaya sidii iyaga oo cadow u ah Somaliya iyo umadeeda.
Waxay wali ku hawlanyihiin kala daadinteedi iyadooba wax tabar
ah oo ku hadhay ama wax sharaf iyo karaamo ah oo ay maanta leedahay
aysan jirin. Soomaalidu dad ku fiicnaan jiray qaran jacaylka
waligood ma aysan ahaan jirin, ee haddaba waa in dadkeena la
baro dantooda, danta guud ee qaranka iyo dalkoodaba.
Anigu waxay ila tahay maalinba maalinta xigta ee ay arrintan
dawlad la,aanta, xaarka iyo dhareerka daadanayo sii socotaba
iney ka go,an tahay magac ahaan iyo dadnimo ahaanba ummada la
dhaho Soomaali. Waxaa maanta jira dhalinyaro aad u tirabadan
oo aqoonyahano, wadaniyiin nadiif ah oo aad hawl galin kartaan.
Dhalinyaradaasi meel walba waa joogaan dibad iyo dhulkiiba.
Ma qabo kuwa saxaroobay ee magaaga ah ee Ilaahay iimankii ka
qaaday ee maanta ku jira da´ahaan 65-90 ee siyaasi iyo
dhiigyacaba leh iney wax faa,ido ah kuwaasi leeyihiin. Kuwaasi
waa mukharibiin, oo wax ay haleeyaan, wax ay kala daadiyaan
iyo wax ay sii kala durkiyaan mooye wax faa,ido ah oo ay leeyihiin
aysan jirin. War arrintani waa ay sii daba dheeranaysaa oo ugu
yaraan 10 sano oo kale waa ay qaadan kartaa ee inta fadhiga
laga kaco dalkii iyo magacii Soomaali la odhan jira sidan ha
loo dhaamo.
Haddaba aan ka jawaabno su,aasha ina sugaysa.
(Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya waxaa ka qayb gali kara
qof ina oggol oo qorshaheena qabiil aan ka hor imanayn)
Qorsheeye: Xuseen Faarax Caydiid. Qorshaynta Isbahaysiga dib
u xoraynta Somaliya / December, 2007 - Asmara.
Ugu horayn Isbahaysiga dib u xorayntu hore waxa ay hore u shaaciyeen
in aysan la heshiin doonin DFKMG inta ay ciidamada Itobiya joogan.
Balse imika wa ay la heshiiyeen, arrintaasina waxay noqotay
ceeb tii ugu waynayd oo uu la kulmay Isbahaysigu dib u xoraynta.
Anigu halkan waxaan ka cadaynaya oo aan hubaa in aysan suurto
gali doonin, in Xildhibaanada DF lagu kordhiyo 275 Xildhibaan,
oo uu Barlamankuna noqdo 550. Arrintaas xitaa waxaan ku dhaaranaya
in aysan dhici doonin. Hadey dhacdana meel fog inaysan gaadhi
doonin. Arrintani waa riyo iyo maaweelo waligeed lagu maaweelin
jiray Soomaalida.
Maalinkii uu socday heshiiskii Jabuuti, waxa dhacday in Madaxweyne
Cabdullahi Yuusuf soo gaadhay Jabuuti kuna soo dagay huteelkii
Isbahaysigu daganaa, isla markiiba Isbahaysigu markii uu ka
war helay in Madaxweye Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayay ay ku
jiraan Hotelka, Isbahaysigu waxa uu go,aansaday in uu isaga
guuro meeshas, dhamaan xubnihii Isbahaysigu waxa ay u guureen
qolal kale oo ku dhaw qolalkii ay daganayeen dhinicii ka socday
Dawlada ee uu Nuur Cadde hogaaminayay. Si kastaba. Arrintaasi
waxay iftiimisay in shirku aanu ahayn mid lagu kalsoonaan karo.
Xitaa hadii la eego liiska Isbahaysiga waxaad is odhanaysaa
- war ba,an ahayne meesha ma Hawiye iyo DFKMG baa heshiinaya?
In badan ayey su,aashani kusoo noqnoqatay maskaxda ummada Soomaaliyeed.
Shirarka lagu qabtay Jabuuti, wax kasoo cusboonaan doona mustaqbalka
shirkaas lama ogga. Laakin waxa haboon in dhagta dhulka lagu
hayo oo lala socdo arrintaas iyo wax kasta oo ina khuseeya.
Maanta qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ogsoonaada Somaliya
dalkii la odhan jiray ee dalkiisi ahaa, iyo markii horeba ay
dawlad la,ed muddo ku dhaw 20 sano, hadana dalkaaga cid u maqan
iyo cid danahiisa daneynaya maa uu jiro.
Midda kale, Sheekh Shariif iyo xubnihii uu hogaaminayay maalinki
ay kasoo dageen Muqdisho 10-12-08, waxay xabadka
isla dhaceen Cabdiqaybdiid, Dhagaxtuur, Salaad Cali Jeele iyo
mid yar oo ay yidhaahdaan Shaaweeye, dadkaasi dhamaantood waa
Hawiye. Meeshaas waxaa ka maqnaa, rag culus oo ka tirsan DFKMG
uuna ka mid yahay Xuubsireed iyo Siciid Dheere. Isbahaysigu
wuxu tilmaamay in uu usoo guuri doono magaalada Muqdisho oo
ah meeshii ay awalba kasoo unkameen qoysaskooduna joogo, arrintaasi
waxa ku xigi doona in xubnaha kasoo jeeda Puntland iyo meelaha
kale ee ka mid ah Isbahaysiga cidhiidhi la galin doono, kuraastana
ay isku cidhiidhyi doonan kuwa Abgaalka lagu sheego.
Cabdullahi Yuusuf qudhiisu wuxu tilmaamay in shirka Jabuuti
ay ku heshiinayaan qabiil kaliyah, laakin anigu halkan waxaan
ka leeyahay in shirkii Jabuuti ka dhacay uu yahay mid ay ku
heshiinayeen dad doonayay in ay Somaliya qabsadaan.
Xalka ah in Somaliya nabad loo helo kuma jirto gacanta qabiil
kaliyah, ee waxa laga rabaa qof kasta oo Soomaali ah inuu maanta
u hiiliyo magacii iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed. Dadkii
Somaliya awalba dhidibada usiibay ee qaranimadoodi ku dul kaadiyay,
ayaa maantana isu bahaystay inay mar labaad Somaliya dumiyaan
hadi qorshahoodu fashilmo. Dhibka maanta Koonfur ka socda cidda
wax laga waydiinayo waa Hawiye. Bal amarka Ilaahay haddana cida
dhibkaas wadaa waa Hawiye.
Soomaalidu sababta ay qaranimo u la,dahay waa qabiil, heshiis
kasta oo la gaadho, wuxuu ku danbeeya mid dhinaca qabyaalada
u janjeedha oo koox ama dadka shirka hogaaminayay ay noqdaan
kuwa meel kasoo wada jeeda, tusaale aynu usoo qaadano kan Isbahaysiga
ah.
Inta yar ee ka mid ah qabiilka Soomaaliyeed ee Hawiye ee uu hungurigu
dabada ka wado (ileen dadku waa dadkeenii oo ma ay wada ibtiloobin
oo waa inyar uun inta saxaraysan ee ay gashay riyadan ah idinka
kaliya yaa Somaliya iska leh iyo ha la idin hoos yimaado), kuwa
wali sidaas ku fakaraya waa kuwo wali riyoonaya oo aan wax dan
ah ka lahayn Somaliya. Sababtoo ah sida kaliya ee maanta Somaliya
ku soo noqon karto oo ay ku yeelan karto sharaf, karaamo iyo cisi
waa marka qof kasta oo Soomaali ah uu fahmo mabda, ah- Somaali
oo dhan ine Somaliya iska leedahay oo dalkuna noqdo dal loo wada
guntado Soomaali oo dhan idil ahaanteed. Somalia for all Somalis,
all Somalis for Somalia.
Shalay haddi Cabdullahi Yuusuf ku ciyaaray sharaftii, qaranimadii
iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed, maantana booskiisi waxa badalay
kuwan ordaya ee marna Jabuuti baan ku shirayna leh marna Muqdishaanu
ku shiraynaa.
Meesha wax dad ah oo jooga ma uu jiro. Dad ku waa dad dhintay
oo uray oo aan inaba lahayn wax dadnimo, damiir, mabda, iyo wax
ay tan iyo maanta xaarka ugu dhex jirto iyo waxa dalal shisheeye
loo macaansanayo. Maxaad kuwa yaryar ee jidka ku soo jira ulaba
yaabi, wasiiradeeni iyo siyaasiyiinteeni ayaanu aragnay oo sidii
gu, jir wada xaarka qasanaya.
Kuwa doonaya inay Somaliya qabsadaan oo is moodaya inay Somaliya
iyaga kaliyah iska leeyihiin waa dadkeena Soomaaliyeed ee Hawiyaha
ah. Qof kasta oo qoraalkan akhrisanay waxaan su,aalaya: AAR-Hawiye
iyo AAR-Majeerteen mooye, Soomali inta kale ma roota?
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com