Arar
Anigoo ka ambaqaadaya xaalka Soomalida iyo heerka halista ah ee
uu maanta marayo, ayaan jeclaystay inaan qoraalkaan usoo gudbiyo
Soomaaliweyn meel kastay joogaan. Maqaalku wuxuu si toos ah oo
aan gabbasho lahayn ula hadlayaa intooda ku dhex jirta weegaarka
siyaasadda (Dkmg) iyo weliba waxgaradka ay taladu ka go’do.
Laba arrimood oo kala duwan oo kala daran, baa igu dhaliyay
soo gudbinta maqaalkaan: Waa mide, arrin shiddo badan oo aan
ummadda u fasirayo, una jilcinayo, si dul iyo adkaysi loogu
yeesho, maadaama miraha ka dhalandoona, hadday bislaadaan, si
wanaagsan lagu gurandoono; iyo midda labaad oo ah, arrin qalafsan
oo shar wadata, oo aan ummadda uga digayo, si looga feejignaado.
Saddexdaan eray ee hoos ku qoran, macnaha ku hor qoran baan
ula jeedaa:
Daababka: Madaxda dowladda qaarkood
3da Faas ee beesha caalamka: Itoobiya, Keenya & Itaaliya
Sama isu falayaal; ururrada samafalka
Ugu dambaystii, wixii maqaalkaan ka yimaada (shar iyo khayrba)
aniga keliyaa ka mas’uul ahe, dadow taa hala ogaado.
Soomaalida in ka yar 2 sano ayaa uga dhimman
50 jirsadkii, haddana, waxaad ku arkaysaa astaamo iyo dhaqammo
ka duwan ama aad uga fog kuwii lugu yiqiin 50 jirka. Taasina,
waxay ummaddii dhaxalsiisay Quus, luggooyo iyo jahwareer uga
yimid 3da faas ee beesha caalamka oo ay waldaaminayaan ( isla
sidaan) daababka kala ah talaxume, hoggaanxume, farsamaxume
iyo garaadxume Soomaaliyeed!!! Goor iyo ayaanba, arrimo, warar
iyo ujeeddooyin kaa yaabiya ama kaa nixiya baa ku soo gaaraya.
Laba sano oo kaamil ah ayaa Soomaalidu Keenya
u fadhiday, siday usoo dhisi lahaayeen qaabkii ay dowlad soomaaliyeed
yeelan lahayd. Waana lugu guulaystay in dowlad soomaaliyeed
oo la aqoonsan yahay ay dhalato. Xubnihii wax ka dhisay iyo
qaabkii lugu dhisayba, midkoodna iin iyo dhaliil la’aan
ma ahayn. Qolooyinkii muddada dheer hor taagnaa dowladnimada,
baa laftigoodii lugu dhisay! Xal kaloo jeerkaas muuqday oo heshiis
lugu wada noqon karay ma jirin. Waxaa laga fursan waaayay in
la adeegsado googaalihii ahaa, “Col ku dilay ciidan mood”,
ee jawaabtiisu ahayd ‘Qodaxda’. Reer miyigu, markay
qodaxi muddo, qodax kale bay isaga bixiyaan.
Keddib, soomaali fara badan baa bilawgiiba ka
niyad jabtay dowladdii, markay arkeen xubnihii dowladda oo feer,
haraati iyo jeega dharbaax is kala daalay, oo kuraas iyo bakoorado
isla dhacaya!!!!
Marna lama filayn in rag odayaal u badani, ay lasoo baxaan dabeecadihii,
shucuurtii, qiiradii iyo fudaydkii lugu yiqiin dhallinyarada!!
Marxaladaha kala duwan ee koritaanka naflayda
oo idil, waa nidaam Allihii abuurtay uu ugu tala galay. Waxaase
jira arrimo ka dhasha bani aadamka laftigiisa, bey’adda
iyo ama cudurro, oo sababa in nidamkaas habkii uu ku socon lahaa
uu curyaamo, gaabiyo, hadba hakado, qaloocdo, dheereyo ama uu
xiimo. Siyaasadduna waa la mid ,oo haddaan ruuxu u bislaan,
oo uusan khatarteeda fahmin, oo uusan soo marin marxalado ad
adag, sida qaangaarida lugu yaqaan, wuxuu halis u yahay inuu
iska laalaadiyo, si xun u fahmo,faraha kaga gubto ama uu dad
ku halaago!
Waxaa la yiri, oday roob ku soo da’ay
oo aad u dhaxamaysan, baa markii dambe yimid meel dab ka shidan
yahay. Intuu ag kadaloobsaday buu gacmihii oo dareen beelay,
qabow dartiis dabkii saaray. Intuu si fiican gacmihii dabka
u dhex geliyay buu yiri: “Bal waxakan bay Naar ku sheegeen,
Ilaahow aniga iyo waaridkayba ugu roonoow!!!”
Takhaatiirta cilmul nafsigu, markay baarayaan
xaalka qof dhibban ama si kale wax si uga yihiin , waxay marmarka
qaarkood, dib u baaraan noloshiisii hore (alyacni yaraantiisii):
Halkuu kusoo koray, siduu u soo koray, cidda soo korisay iyo
cidda uu la soo koray iwm.
Iyadoo Sagaal jirro la yahay (1969kii), baa
agoon la noqday. Keddibna dowladdii kacaanka baa nala wareegtay
oo xil weyn iska kaaya saartay. Dowladdaasi waxay hadaf iyo
baaq ka dhigatay sidii agoonta 9 jirrada ahi u heli lahaayeen
nolol iyo korriimo wacan, degaan wanaagsan, waxbarasho iyo caafimaad
lacag la’aan ah.
Dhaliisha keliya ee ay dowladdu lahayd, waxay
ahayd,”inay carruurtii ka mamnuucday cayaarihii (tus.
kuukuun, kadhimay kadhim, yoolyool iwm), kaftankii, legdintii,
caydii, edeb-darradii, gunuunucii, qayladii iyo hadal oo idilba!!”
Haddaba, waxyaalo fara badan oo ay ka mid yihiin
astaamihii iyo dabeecadihii lugu yiqiin koritaanka carruurta
ayaa caburmay. Xataa finkii iyo dareenkii doobnimada baa soo
bixi kari waayay, cabsi awgeed, keddibna isu beddelay xajiin
loo jeelayo oo oogada (gaar ahaan kala goysyada iyo agagaarrada
xubno xasaasi ah) ka soo yaacday. Haddaba, xajiintaas loo bixiyay
“Isnidaamiska”
ayaa halkii findoobka noo gashay oo giddigeen na wada haleeshay
1974kii. Wax Alla wixii lugu yiqiin qaangaridda ayaa hakad galay,
iyadoo dhanka kale, korriimadii jirku ay caadi u socoto!!!
Jirkii iyo garaadkii baa kala tegay!!!
Qaangaariddu waa marxaladda u dhexeysa carruurnimada
iyo waayeelnimada. Waa jeerka ay bilawdaan isbaddalada ku dhaca
jirka iyo maskaxda carruurta, si ay muddo go’an (cayiman)
keddib waayeelnimo(adulthood) ugu bislaadaan. Ereygu wuxuu ka
kooban yahay laba erey oo laysku daray: ‘Qaan’ iyo
‘gaarid’. Qaantu waa dhaawac ama waxyeello kale
oo cid la gaarsiiyay, qiimaha laga simo, oo qofka wax la yeelay
ama wax ka maqan yihiin la siiyo. Qaangaariddu waa heerka ama
goorta (15 jir) qofka falalkiisa (af iyo addinba) iyo wixii
ka dhashaba loo qoro, oo adduun iyo aakhiraba lagula xisaabtamo.
Faa’ido weyn baa kasoo baxday labadii
sano ee Keenya la fadhiyay. Hurdadii iyo fadhigii badnaa, buuq-
dagaal- iyo cabsi la’aantii meeshaas oo ay weheliyaan
wadajirka cimilo qabow, cunno macaan iyo qayilaad, ayaa suurageliyay
in astaamihii qaangaaridda ee beri hore xayirmay, ay fursad
labaad helaan. Findoob ayaa markii ugu horreysay (44 sano kedib)
helay fursad uu wejiyada uga soo baxo! Waxaana loo qabtay inuu
ku dhammaado muddo shan sano ah oo ku meelgaar ah. Si keddibna
loo galo marxalad bisayl siyaasadeed ah, oo dalka gudihiisa
lugu tartamo, oo looga xoroobo talooyinka iyo shirqoolada 3da
faas ee beesha caalamka!!!
Iyadoo muddadii shanta sano ay wax yar nooga
dhiman yihiin, baa waxaa hal mar soo wada baraarugay 3dii faas
ee beesha caalamka. Waxay goosteen inay qaadaan tallaabo degdeg
ah oo adag, intaan muddadu dhammaan. Waxaa u muuqday in haddii
muddadu dhammaato ay talo farahooda ka baxayso. Haddii
waqtiga findoobku dhammaado oo siyaasiyan loo qaangaaro –
waayeelna la noqdo, waxaa meesha ka baxaya sama isu falayaasha
iyo 3da faas ee beesha caalamka!!
Iyagoo adeegsanaya daababkooda, ayay madaxii
dowladda surgooyo iyo turaanturo isugu dareen. Markaas buu meesha
isaga baxay.(waayeel tag lama yiraahdee,wuxuu ku tagaa la tusaa!).
Keddibna, Itoobiya waxay tiri,’dalka waan ka baxaynaa!’
oo durbadiiba Xamar ka baxeen. Iyagoo farxad iyo raynrayni ka
muuqato bay baxeen. Sababtoo ah, waxay shaxda ay degeen soo
gaarsiiyeen, meel ay wax magaratadu kasii wadi karaan!!!
Maanta hal amxaar ahi xamar majoogo. Cidna umasoo
jeeddo inay wax ka qabato, ama wax ku qabsato(ku shiraan kuna
wax qaybsadaan!). Waxaa dowlad-diidkii u tafaxaytay in xamar
lugu soo cesho sidii amxaarada ka hor loo kala deggenaa!!! Waana
arrin aan hadda socon karin, sababtoo ah, maanta waxaa xamara
madaxa kaga jirta Falaar dowladnimo, oo haddii laga soo bixiyo
iyo haddii loo daayaba, midna dowlad-diidku ku noolaan karin.
Dadka qaar bay weli la tahay in haddii fallaarta madaxa kaga
jirta Xamar laga soo bixiyo, ay noolaan karayaan.
Waxaa jirtay sheeko aan beri hore maqlay oo
ku saabsanayd nin muddo badan laga celcelin jiray inuu dagaalada
ka qayb galo oo fulaynimo lugu xaman jiray. Siduu ula soo taagnaa
‘Ragga ka harimayo’, ayaa markii dambe loo oggoladay.
Raggii buu raacay oo weerar ka qayb galay. Nasiib
darro, fallaar ayaa madaxa kaga dhacday (gashay). Ninkii inta
lala soo cararay baa takhtar loo keenay, si fallaarta madaxa
looga soo bixiyo. Takhtarkii baa inta dhaawaca eegay yiri ”Fallaarta
lama soo bixin karo, sababtoo ah, waxay gaartay oo ku dhex jirtaa
maskaxda. Haddii fallaarta lasoo bixiyo, qayb maskaxda ah ayaa
soo raacaysa, ninkuna waa dhiman karaa”. Ninkii markuu
intaas maqlay ayuu yiri, ”War fallaarta iga soo bixi,
meesha maskax kuma jirtee!! Maanaa dagaal aadi lahaa, haddaan
maskax leeyahay!!!”.
Baarlamaankii Baydhaba ee loo adeegsaday surgooyada
dowladdana, maanta ayuu dareemay inuusan cago ku taagnayn, oo
uu arkay mindida u taal Jabuuti!!! Halkaan waxaa xusid mudan
arrintaan: Ma waxaa Soomaaliweyn la qumman ama la gudboon inay
barlamaanka gafay ay “Mac sonkor”
ku yiraahdaa, oo ay gowraciisa daawadaan? Mise inay la saftaan
oo ay mindida ka badbaadiyaan, iyagoo og gafkiisa? Haddii barlamaanka
baydhabo la gowraco, waaxaa dhimanaya qaangaariddii afarta sano
soo socotay. Waxay noqonaysaa in sheekada, haddana kow laga
soo bilaabo, iyadoo ay na hor boodayaan 3da faas ee beesha caalamka.
Haddiise la badbaadiyo, waxaa dhici karta in muddadii harsanayd
la dhammaysto, keddibna dalka gudihiisa innagoo keligeen
ah aynu ku qaangaarno!!!
Qaylada hadda kasoo yeereysa baarlamaanka Baydhaba,
ee uu leeyahay ‘halkaan ayaa doorashada madaxweynaha lugu
qabanayaa!’, waxay soomaalidu ku fasirtay saddex arrimood
midkood: inuu harjad iyo naf la caari yahay; ama in, isagana,
sida shirka Jabuuti oo kale ay 3da faasi ka dambeeyaan; ama
inuu gafkiisii gartay oo uu hadda Dkmg ah badbaadi is leeyahay.
Ugu dambaystii,Qaar kalaa u tafaxaytay inay
dibedda mar labaad dowlad sal baruur ah ku
soo dhisaan!!! Gole la yiri,waa midnimo muqaawamo, koox keliyase
ah! Meeye kooxihii kale sida: Garabka Asmara, Garabka Raaskambooni,
Alshabaab, Albanaat (Yurub & Ameerika u badan!), Al takfiir,
Ahlu sunnah wal jamaaca, Jabiso, Ahlu faral wal marjaciya!!!!!!!!
Jabuuti ayaa shir loogu magac daray dibu heshiisiin,
waxaa laysku af gartay in la soo dhiso dowlad 2aad oo tan hadda
tiro le’eg (275 xubnood) oo loogu talagay inay tan hadda
joogta gowracdo – si aysan waqtigeeda u dhammaysan, findoobkuna
nugu dil dilaaco inta faraha lala galo!!!
Marakanna, haddii findoobku nugu dil dilaaco, arrintu ma sahlanaanayso.
Nugu noqonmayo ‘Isnidaamis’ sidii berigii hore oo
kale. Wuxuu nugu noqon doonaa Furuq
daawadiisa joogtada ahi ay tahay 3da faas ee
beesha caalamka.
Wadeeca Alla!!!!!!
Dhammaad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
hashiyosman@hotmail.com