Qeybtii 19-aad
XASILOONIDA NAFTA
Beri baa waxaa la yii nin safar ah ayaa waxaa uu ka lumay
safar kale oo uu la socday, sidii uu bacaadkii iyo saxarihii
u dhex socday oo uu jidkii u raadinayey ayuu wuxuu ka soo
kordhacay teendho meel ka dhisan, waxaana teendhada hor
fadhisa islaan cajuuso ah, waxaana agteeda jiifa Ey, naagtii
ayuu ninkii salaamay isagoo la yaaban, waxa meesha cidlada
dhigay, waxayna ku tiri naagtii markay salaantii ka qaaday
dooxadaa ku sii soco horteena ah, soona ugaaro xoogaa abeesooyin
ah, oo adiga kugu filan si aan kuugu solo oo aad u cunto.
Ninkii wuxuu yiri; "Anigu kuma dhiiran karo inaan
abeeso ugaarto"?, islaantii baa waxay tiri; anigaa
ku raacaya oo kula soo ugaaranaya ee ha baqin, wayna israaceen
eygoodiina wuu raacay, Abeesooyin lamadegaanka iska buuxa
ayey dhowr xabo kasoo disheen oo ay iska soo qaateen, teendhadoodii
bay la yimaadeen naagtii baa markaa waxay guda gashay inay
dubto oo ay shiisho abeesooyinka, ninka markii hore ma uusan
rabin inuu cuno hilibka Abeesada, wuxuuse ka baqay inuu
gaajo iyo tabar dari u dhinto, xoogaa ayuu markaa hilibkii
abeesada ka cunay, hadana waxaa qabtay oon markaasuu wuxuu
ka codsaday inay biyo siiso, waxay ku tiri; Misana "ishaas
geedka hoostiisa marta aad oo ka soo cab". Ishii buu
tagay wuxuuna ogaaday inay bihayeedu kharaad cusbo ah yihiin,
isagoo isku qasbaya ayuu xoogaa ka cabay, markuu soo noqday
ayuu duqdii wuxuu ku yiri; "naagyahay aadbaan arrintaada
ula yaabay, iyo meesha aad deggen tahay, waxa aad cunto
iyo waxa aad cabtaba.
Naagtii ayaa waxa ay ku tiri; "adinku baladkiina maxaad
ku cuntaan, ninkii wuxuu yii; "magaaladeenu waxay leedahay
Guryo waaweyn, qudaar basil, biyo macaan, cunto dhadhan
leh iyo hilbo baruur leh. Haweenaydii baa makaa waxay ku
tiri ninkii; "waxaas oo dhan magaalo waan ku maqli
jiray ee waxaad iiga warantaa ka waran boqoada idin xakuma,
mar-mar soo xoolahiina idinkama qaataan oo guryihiina idinkama
saaraan?" ninkii wuxuu yiri; "Mar-mar arintaasi
way dhacdaa" waxay ku tiri hadana naagtii; "mar
hadday sidaasi tahay noloshaa oo dhan ee wanaagsan ee aad
soo sheegtay oo dulmi la jiro waxay la mid tahay sun wax
disha oo kale, waxay la mid tahay laakiin noloshan hadda
aan ku noolahay oo kale oo nabadgelyada iyo caddaaladu la
jirto waxay la mid tahay wax macaan oo barwaaqo ah oo kale,
hooyo miyaadan maqal nimcada ugu wanaagsan Islaanimada ka
sokow waa inuu yahay caafimaadka iyo nabadgelyada?"
NAAGTII CAQLIGA BADNEYD.
Beri baa Islaan waayeel ah waxaa ku adkaaday waqtiga, aadna
waxay u dareentay saboolnimo, mana ayan helin wax ay cunto,
waxay aaday Xaakimkii Magaalada, si aywax ay ugu noolaato
uga soo hesho, markay u soo gashay ayey waxay aragtay isagoo
ay niman badan la fadhiyaan, way ka xishootay markaa, umana
aanay sheegan wixii ay doonaysay, hase yeeshee markay isa
sii laabtay ayuu xaakimkii arkay wuxuuna ku yiri; "soo
dhawow islaan yahay, maxaadna doonaysay? In yar bay aamustay
markaasay tiri: "Xaakinow waxaan dacwo ka ahay gurigayga
oo uu jiirku ku yaraaday darteed" xaakimkii wuu gartay
ujeeada Islaanta, wuxuuna u yeeray mid ka mid ah dadkii
bakhaarada u hayey, wuxuuna ku yiri "Naagtaa gurigeeda
ka buuxiya timir iyo sareen". Naagtiina way noqotay
iyadoo aad u faraxsan, hadana wuxuu ku yiri nimankii xaakimka
la fadhiyey "ma fahamteen ujeedada naagta" waxay
yiraahdeen "maya", wuxuu ku yiri: "danbay
laheyd idinka ayey idinka xishootay, waxayna ka waday hadalkeeda
'gurigaygu waa eber oo xataa ma lahan wax uu jiirku ka cuno
dad iska daaye'. Dadkiina markaa waxay la yaabeen markaa
caqli badnida naagta.
Qeytbtii
18-aad halkaan ka Aqriso