Qeybtii 20-aad
YAAD BAD-BAADIN LAHEYD.
Beri baa nin hodon ah wuxuu ku nolaa magaalo bad u dhow,
isaga iyo hooyadii iyo naagtiisa iyo carruurtiisa, wuxuuna
lahaa doon yar oo quruxsan. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu
dhammaan qoyskiisii wuxuu saaray doontii, si ay hawada badda
ugu soo dalxiisaan, iyagoo hawaqaadashadoodii ku jira oo
mowjadihii badda iska dul heeheebaya qoyskuna faraxsan yahay
hawaduna aad u degan tahay, ayaa mar kelya waxaa soo dhacay
dabeyl aad u xoog badan, waayna ruxday doontii yareyd, marna
circa ayey geysay marna gunta ayey la tagtay, caruurtii
waxay bilaabeen inay ooyaan, kuna dshawaaqaan cod argagax
leh, doontuna markaas aad ayey uga fogaatay beriga, daqiiqado
ka dibna doontii yareyd afka ayey dhulka gashatay, ninkii
markiiba si aad ah oo degdeg ah ayuu u fekeray, wuxuuna
ka fekeray qofka uuu badbaadin karo wuxuuna naftiisii yaan
badbaadiyaa hooyadey, naagteyda iyo ilmaheyga. Aniguna hal
qofa ka badan ma badbaadin karo. Kumuu noqon nayaa qofkaasi
?
Ugu danbeytii waxa uu gaaray go'aan wuxuuna yir " naagteyda
haddey dhimato naag kale ayaan guursan karaa, hadey caruurtayda
dhintaan caruur kale waan dhali karaa laakiin hooyadey haddey
dhimato ma heli karo hooyo kale, islamarkii ninkii wuxuu
u dabaashaay xaggee ay hooyadii xigtay iaydii ayuu badbaadiyey
waxa uu ka tagay naagtiisii iyo caruurtiisii biyaha ku hafanaya,
haddii aad adigu ahaan lahayd ninkaasi oo kale yaad badbaadin
lahayd?
WARAABE IYO ARRI
Beri baa koox riyo ah waxay ku noolaayeen meel duur ah
oo daaq iyo biyo badan, halkaa ayey cawskoodana iska cuni
jireen biyahoodana iska cabi jireen nabadgelyana ku noolaayeen,
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waraabe dool ah wuxuu arkay
riyihii oo naax-naaxay, oo keligood meel cidlo ah iska daaqaya,
wuxuuna damcay inuu intuu weeraro mid ka disho, laakiin
taas muusan awoodin maalintii, oo riyihii si wadajir ah
ayey waraabihii isaga celiyeen, wuxuuna sugay inta ri' ka
mid ah ay ka goosmayso riyaha kale, ilaa uu arkay maal kale
ri' ka fogaatay saaxiibadeedii kale si sahlan ayuuna ku
ugaartay, wuxuuna dabeecadka dhigtay markii uu wadajirkooda
ku dhici waayey inuu habeen kasta iyo maalin kasta ri'dii
walaalaheed ka fogaata uu cuno.
Riyihii aad bay u baqeen markay arkeen iyagoo sii yaraanaya,
waxayna ku heshiiyeen inaan midnakuwa kale ka fogaanin.
Waraabihii wuu baahday markuu waayey wax uu ugaarsado, wuxuuna
u tagay riyahii, wuxuuna maalin walba isku dayey inuu xoog
mid kaga cuno iyadoon gabbasho laheyn, hase yeeshee arrintaa
iyihii aad bay u dhibtay wayna ka tashadeen waraabahan arrintiisa,
waxaana arigaa ka mid ahaa 7 riyood oo caqli badan, waxayna
ryihii kale weydiiyeen toddobadii riyood, walaalayaalow
maxaan samaynaa si aan uga bad-baadno cadowgaan. taladu
markii hore mid guud bay aheyd oo riyihii oo guud baa la
dhex dhigay waxayna ku jawaabeen intoodii badneyd waxayna
kujawaabeen intoodii badnayd anagua,awoodno inaan waraabaha
ubabac dhigno waxaanan kutalinaynaa inaan guryaheena iska
joogno oo aanan daaq tagin sidaa darteedna waraabaha sugideenu
ay kudheeraato taasi suura gal ma,ahan oo cunid iyo cabitaan
la,aan meel kuma jiri karno ee waa inaan iska kaashanaa
dilka cadowga subixii danbe ayaa ayagoo saf kaliya ah ayay
soo baxeen sida askarta oo kale wayna socdeen ilaa ay tagaan
waraabihii hortiisa wuxuu damcay waraabihii inuu soo weeraro
laakiin way midoobeen wayna iskaashadeen ilaa ay hal mar
geesaha kudhufteen waraabihii halkaas ayuu kudhintay todobadii
riyad ee caqliga badnaana labo kamida ayaa dhimatay riyihiina
waxay ogaadeen sida naftooda iyo dalkoodaba loo difaaco
waxayna kunoolaadeen farxad iyo nabd galyo .
Qeytbtii
19-aad halkaan ka Aqriso