Qeybtii 21-aad
XEELADII SHINBIRTA
Barbaa nin wuxuu dabtay shinbir wuxuuna uqaatay gurigiisa
intuu dhexda sii watay ayaa shimbirtii qaylisay waxayna
kutiri isii daa ninyahow anigu kuma dharjin karo aan uduulo
xoriyadayda e waxaanan kuugu abaal gudayaa afar talo ninkii
baa wuxuu kuyiri maxay yihiin talooyinkaas waan kudaynayaaye
talada koowaad waa inaad ilaaliso waxa aad haysato, ninkii
ayaa wuxuu kujawaabay waan kudhaqmi doonaa taladaas oo waan
xafidi doonaa waxaan haysto hadana wuxuu kuyiri talada labaad
waa inaadan u ooyin waxaadan haysanin ninkii wuxuu kuyiri
kuma ooyi doono waxaanan haysan misana waxay tiri talada
sadexaad waa inaadan ushalaayin wixii kaataga ,taasina waan
samayn doonaa kadibna shimbirkii waa uu aamusay, ninkiibaa
wuxuu yiri aaway taladii afaraad?shimbirtii waxay tiri waxaan
kuu sheegay saddex talo mida afaraadna waxaan kuu sheegi
doonaa markii aad isii dayso oo aan xor noqdo,ninkii wuxuu
sii daayay shimbirtii wayna duushay waxay fuushay geed dheer
oo ninkii udhow korkiisa markaas ayay ninkii waxay kutiri
maxasuusataa saddexdii dardaaran ooh ore haa buu kuyiri
waxayna ahaayeen inaad xafido waxaad heysato,maxaad hadaba
ugu camal fail wayday ayay kutiri waad isii daysay oo ima
aadan xafidan ,hadana shimbirtii waxay ninkii kutiri maxay
ahaayeen talooyinkii labaad iyo sadexaad ?wuxuu yiri ninkii
waxay kala ahaayeen inaanan u ooyin wax aanan haysanin oo
aanan ushalaayin wax iga tagay ,shimbirtii ayaa waxay kutiri
hadda ayaan kuu sheegayaa taladii afaraad balse inta aanan
kuu sheegin talada afaraad ogow jirkayga waxaa kujira cad
dahab ah oo wayn ,markuu ninkii taa maqlay ayuu oohin bilaabay
madaxana waa uuiska feeray wuxuuna yiri shimbiryahay hadda
gacantayda waad kabaxday kumana aanan xafidin shimbirtii
way qosashay waxay kutiri talada afaraad waa harumaysan
wx kasta oo aad maqasho sidaa darted harumaysan hadalkayga
kumana jirto jirkayga waslad dahaba hana ushalaayin taas,
shimbirtii wazxay duushay oo ay iska tagtay iyadoo ku celcelineysa,
ilaali waxaad haysato, ha u ooyin waxaadan haysan, wixii
kaatagayna ah u shalaayin iyo ha rumeysan waxaad maqashaba.
DAMACA IYO XUMAANTIISA
Beri baa nin ganacsade ah waxaa ka luntay kiish uu ku jiro
kun shilin, aad ayuuna uga naxay oo uga murugooday lacagtaas
ka luntay. Meelkastana wuu ka raadiyey klaakiin ma uusan
helin, wuxuu u tegay qaadigii wuxuuna u sheegay waxa ka
lumay iyo sida ay uga lumen, wuxuuna intaas u raaciyey qofkii
ii keena qaadiyow waxaan balan qaadayaa inaan siiyo boqol
shilin, arintaas go,aan ma kaa tahay? Haa buu yiri welibana
hortaada ayaan ku siinayaa qofkii keena.
Qaadigii oo maalin iska fadhiya xafiiskiisii dhexdiisa
ayaa waxaa u soo galay haweenay waayeel ah oo gacasnta ku
sida kiish harag ah wixii ku jireyna gacanta ayey qaadigii
ka saartay, waxayna ku tiri qaadiyow kiishkan waxaan shalay
ka helay jidka dhexdiisa, waa kane u celi ninkii iska lahaa..
qaadigii oo ku farxay aaminnimada naagta ayaa ku yiri waxaad
sameysay ficil wanaagsan wuxuu furay koleygii wuuna tiriyey
wixii ku jrey haseyeeshee waxay noqotay intii uu sheegtay
ninkii ganacsadaha ahaa. Ninkii ganacsadaha ahaa ayuu u
yeeray waxa uuna gacanta ka saaray wuxuuna ku yiri islaantan
ayaa soo heshay lacagtaadii waxbana kama maqna. Waxaa markaa
kugu waajiba inaad bixiso abaalmarintii aad ku ballan qaaday.
Ninkii ganacsadaha ahaa aad buu u farxay, wuxuuna tirsaday
lacagtiisii, hase yeeshee wuxuu ka xumaaday abaalmarinta
boqolka shilin ah oo uu ballan qaaday. Wuxuuna isku dayey
inuu xeelad adeegsado si uusan boqolka shilin u bixin, wuxuuna
ku yiri qaadigii markuu lacatii tiradeedii dhameeyey "Anigaa
illowsnayaaye qaadiyow lacagta tiradeedu waxay aheyd kun
iyo boqol. Waxaana islaanta kaga shakisanahay inay boqol
shilin xadday" aadigii arrintaa aad buu uga xanaaqay
wuxuuna ku yiri "Beenaalayahow, naagtu hadday tuugo
tahay lacagtoo dhan bay wada qaadan laheyd, qof helay kiish
ay ku jirto kun iyo boqol shilin boqol intuu kala baxo kun
ma keeneen, Sidaa darteed adiga malahid oo middaan waa kun
keliya ee iska bax".
Ninkii damaca badnaa isagoo murugaysan oo aan lacagna helin.
Qeytbtii
20-aad halkaan ka Aqriso