Qeybtii 22-aad
SAAXIIBKA XUN
Beri baa Aabe wuxuu wiilkiisii ku yiri "Aabow iska
ilaali Saaxiibada xun-xun, waayo haddii aad si kasta u wanaagsan
tahay oo aad saaxiibo xun-xun la dhaqanto xumaantooda ayaad
la wadaagaysaa, marka dambena waxaad isku beddelaysaa mid
sidoodii oo kale u xun, hase yeeshee wiilkii arrintaa shaki
buu ka muujiyey, oo wuxuu ku yiri; Aabihii qofka wanaagsan
weligii wuu wanaagsan yahay, qofka xunna xumaantiisa isagaa
wata, odaygii wuxuu soo qaaday saxarad ay ku jiraan miro
tufaax oo dhammaantood ay wanaagsan yihin, xabad tufaaxa
oo bolol ah ayuu dhex geliyey. Wiilkii baa soo booday oo
yiri "Aabbo tan bololka ah ka dhex saar kuwa kale si
aanay u xumaynin" hase yeeshee Aabihii baa Wuxuuna
ku yiri wiilkiisii intuu u yeeray "waxaan fiirinaynaa
bas sida ay saameyn ugu yeelato" dhowr bari kadib ayuu
santuuqii furay, wuxuuna odaygii tusay wiilkii xabbaddii
tufaaxa aheyd oo tufaaxyadii kale oo dhan bololkii gaarsiisay,
markaasuu wuxuu ku yiri; ma aragtaa Aabe tufaaxaa bololka
ahi wuxuu ka dhigan yahay saaxiika xun, tufaaxyadii kale
ee fiic-fiicnaana waxay ka dhignaayeen saaxiibka wanaagsn,
hadday is dhexgalaana sidaa ayuu saaxiibka xun u fasahaadiyaa
saaxiibka fiican".
WIIL WAA UUN AABIHII.
Beri baa oday waxay gaadhay bakhaylnimadiisu hadduu shilin
gacanta u soo galo wuxuu ku oran jiray shilinkaas Immisaa
dal baad soo martay, immisaa jeeb baad gashay, immisaa mid
hooseeya saraysiisay, hadda aniga ayaa ku leh, mana wareegaysid
mana dhibtoonaysid, markaas buu wuxuu ku ridan jirey koleygiisii
, wuxuuna intaas u raacin jirey ku deg magaca ilaahey meel
aan lagugu dhibeyn. Waxaa la yiri; "ninkaa kuma rido
kolaygiisa shilin haddii uu ku ridana weligii kama soo saarin,
ninkaas qoyskiisa waxay ku noolaayeen nolol ciriiri ah oo
dhib badan, waxayna u baryi jireen Alle ka baryi jireen
inuu ninkan dhaafiyo ciriirigana uu ka qaado, sanooyin yaer
ka dibna ilaahay ayaa ducadii ka aqbalay qoyskii ninkii
reerka u aabo ahaana wuu dhintay.markaasay mart keliya yiraahdeen
haa kah hada ayaan ka reysaneynaa, cuno qabateyntii, waxaa
safar ka yimid wiil uu dhalay odaygii dhintay oo geerifda
aabihiis sso maqlay, wuxuuna la wareegay xukunkii iyo xoolihiiba
gurigiisiina wuu degay markaasuu wuxuu ku yiri dadkii "maxaa
Aabahey iidaan u ahaan jiray?" waayo dhaqaalaha waxaa
ugu horeeya in la qorsheeyo iidaankeena, waxay dadkii ku
yiraahdeen "wuxuu agta dhigan jiray Subag burcad ah
oo fadhiya, taasoo muufadana dusha kaga masaxan jiray, wuxuu
wiilkii itusa oo ii keena weelka subaggu ku jiro" markay
u keeneen wuxuu ku arkay radii muufada oo korka sidaa uga
masaxay, markaasuu wuxuu ku yiri dadkii "waa maxay
subagan yaa farta dhex mariyey?" waxay ku yiraahdeen
far ma ahane waa muufadii aabahaa uu sidaa u soo marin jiray".
Wiilkii labada gacmood ayuu isku garaacay, wuxuuna yiri
Aabahay Allaha u naxariisto.
Ma sidan buu wax u dhaqaaleyn jiray, ileen wuxuu aniga
iyo walaalahay naga qasaariyey hanti badan, waayo waxaa
uga filaa iidaan inuu subaga uriyo oo sidaa muufada ugu
cuno ama meel fog intuu dhigo uu korka ka tuso.
(waxaa sheekadan la mid ah ninkii beeraleyda ahaa ee la
yiri soorta caanaa lagu cunaa, ee intuu haanta caanaha ah
naagta ka iibsaday daboolka ka qaaday ku yiri soortii 'sooray
caano waa tanaa isagoo kor ka tusa'
Qeytbtii
21-aad halkaan ka Aqriso