Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riixn)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
01/07/2009
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo oo sheegay inay cafis u fidiyeen xubnihii ka tirsanaa Maamulkii dawladda TFG-da ee gobolkaasi

Maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo ayaa waxay shaaciyeen inay cafis u fidiyeen xubnihii ka tirsanaa Maamulkii hore ee gobolka Gedo ee dawladda federalka Soomaaliya oo haatan ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo halkaasi oo ay ka wadaan guluf colaadeed oo ay doonayaan inay mar kale ku hantaan gacan ku haynta degmooyinka gobolka Gedo oo ay maamulaan xoogagga Xisbul islaam iyo Al-shabaab.

Afhayeenka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo Sheekh Farxaan Cabdi Cilmi Mooge oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay inay cafis u fidiyeen xubnihii Maamulkii hore ee gobolka Gedo ee ku sugan degmada Doolow, wuxuuna ugu baaqay xubnahaasi inay ka faa’idaystaan cafiska loo fidiyay isla markaana ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, waxna la qaybsadaan walaalahooda.

“Ma doonayno in lagu kor dagaallamo shacabka gobolka Gedo oo ay abaaruhu halakeeyeen, waxay u baahan yihiin nabad, waxaana waajib ah in nabaddaasi laga wada shaqeeyo oo miiska wada hadalka laysugu yimaado” ayuu yiri afhayeenka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo Sheekh Farxaan Cabdi Cilmi Mooge oo intaasi ku daray inay cafiska ay u fudiyeen xubnahaasi uu furan yahay.

Hadalka afhayeenka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo ee ku aadan inay cafis u fidiyeen xubnihii Maamulkii dawladda federalka ee gobolka Gedo ayaa imaanaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay Masuuliyiinta, saraakiisha iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Gedo ay ku goodinayeen inay weerari doonaan oo ay dib gacanta dawladda ugu soo celin doonaan degmooyinka gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ® Free counter and web stats