Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya Sheekh Shariif
Sheekh Axmed oo isagoo ku sugan magaalada Sirta ee dalka Liibiya,
lana hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu hambalyo u diray dhammaan
shacabka Soomaaliyeed munaasibadda 1-da Luulyo oo ku aaddan
xoroobiddii gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya iyo is
raacii labada gobol ee Waqooyi iyo koonfur.
“Waxaan jeclahay inaan shacabka Soomaaliyeed hambalyo
u diro munaasibaddan qaaliga ah ee 1-da Luulyo, waxayna na
xusuusineysaa halgankii dheeraa iyo dhiiggii faraha badnaa
ee loo soo daadiyay gobonimada dalka Soomaaliya, inkastoo
ay nasiib darro tahay maanta meesha ay wax joogaan iyo waxa
dalka ka jira, haddana waa inaan is xusuusino xoriyaddaas
dadka soo abaabulay oo ahaa niman dhallinyaro ah oo 13-ka
kooban sanadkii 1943-dii” ayuu yiri Madaxweyne Shariif
Sheekh Axmed.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay inay
jiraan hawl adag oo hor yaalla oo ay waajib tahay in dhammaan
shacabka Soomaaliyeed ay u wada istaagaan, wuxuuna intaasi
ku daray inay Kalsooni buuxda ku qabaan Alle (SW) oo ay dib
u soo celin doonaan midnimada, qaranimada iyo karaamada shacabka
Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay in wixii karaankooda
aysan ka hagran doonin Soomaalida.
Hambalyada uu madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed
ayaa waxay imaanaysaa xilli habeenimadii xalay magaalada Muqdisho
iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud lagu qabtay xaflado
iyo munaasibadi lagu waynaynayo xuska maalinta 1-da Luulyo,
inkastoo gobollada kale ee dalka aanay jirin haba yaraatee dad
isku soo hadal qaaday, isla markaana shakiba la geliyay jiritaanka
maalintaasi.