Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riixn)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
01/07/2009
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sheekh Yuusuf Indhacadde “Ninka sheegta Amiirka Al-shabaab ee Axmed Godane waan is garanaynaa, ma ahan Nin culimo ah oo diinta yaqaana…”

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda federalka Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo xalay hadal ka jeediyay munaasibadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxa uu si kulul u weeraray hoggaamiyaha Al-qaacidah Osama Bin Laden iyo hoggaanka xarakada Al-shabaab.

“Osama Bin Ladin waa Sheekh wayn oo agtayda karaamo leh, ma doonayo inaan wax ka sheego, waxaan maqlayay isagoo leh dawladda Soomaaliya ma ahan dawlad Islaami ah, runtii wadaadka taasi wuu ku qaldamay wadaadka, Ilaahay ha u towbad keeno ayaan leeyahay, Soomaaliya culimo ayay leedahay, culimadaasi waxay garanayaan wacyiga uu dalka ku jiro, dhibaatada taagan, amnigeeda iyo amni darradeeda” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo intaasi ku daray in Masiirka shacabka Soomaaliyeed ay u taallo culimada Soomaaliyeed, Osamana uusan shaqo ku lahayn.

Sheekh Yuusuf Indhacadde wuxuu sidoo kale si kulul u weeraray xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo fulinaya amaro iyo xukuno ka soo baxaya Pakistan, wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay caqabad ku yihiin nabadda dalka Soomaaliya, ayna doonayaan inuu dalka Soomaaliya uusan weligiis yeelan nidaam iyo kala dambeyn oo dadkii ay rabaan ay dilaan oo ay gaalaysiiyaan, dadkay rabaana ay xukun aan loo dhamayn ku fuliyaan.

“Al-shabaab kuwa la baxay dawladda gogol ayay u fidisay, waxaa laga dalbaday in waxa qaldan laysla saxo haddii tahay dhinacooda iyo dhinaca dawladda, way diideen oo ay ka doorteen dagaal, marka ma suurto galaysaa qori afkiisa ayaan kugu gaalaynayaa, kugu musliminayaa, annaga Islaam ayaan nahay, Islaanimada waxaan uga dayanaynaa Rasuulka (CSW) ma ahan inaan uga dayano ninka sheegta Amiirka Al-shabaab ee Axmed Godane, waan is garanaynaa, nin culimo ah oo diinta yaqaana ma ahan” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde.

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ® Free counter and web stats