Qeybtii 10-aad
BILAN IYO BAAS QABE
Waxaa layiri beribaa Oday baasqabe la oran jiray ayaa wuxuu
dhalay Gabar bilan layiaahdo oo aad u qurux badan waagii dambe
ayaa gabadhii laga guursaday, markii muddo laga joogay ayaa
intuu xoolo badan oo dhibaad ah raaciyay ayuu reerkii ka guursaday
u wareejiyay, markey sanooyin badan kala maqnaayeen ayaa baasqabe
wuxuu ku tashaday in uu gabadhiisii bilan ka war doono wax
tarna u doonto, markii uu sadex caano maal sii socday ayuu
galabtii dambe yimid halkii ay yaaleen rerkii ay gabadhiisu
la daganeyd markiiba waxaa lakeenay baaqabe gurigeedii iyaduna
markiiba si diiran ayey Aabeheed usoo dhawysay waxeyna hoos
galbeedka guriga wac ugu siisay gogol weyn waxayn u keentay
caano iyo hilib oodkac ah oo ninkeeda oo maqan ay dhigaal
uga dhigtay, markii gabalkii dhacay ee ay xoolihii guriga
sida weelal culidda iyo xoola lisiddii, waxey awowgii soo
ag seexisay wiil lix bilood jir ah oo ay haysatay, wan qoolis
ah oo ariga aad u laayana waxay ku soo xirtay guriga kaadkiisa
waxayn bilowday in ay xoolohii soo maasho, in yar kadibna
waxey Aabeheed baas qabe u keentay haruub weyn oo caano ah,
waxeyna ku noqotay xeradii xoolaha, odaygii baasqabe caanaha
ay gabadhiisu u keentay waxaa uga darnaa oo uu maanka ku hayay
macaankii iyo dhadhankii wanaagsanaa ee oodkicii ay gabadhiisu
galabta siisay wuxuuna goostay inta ay gabadhiisu ku maqantahay
xerada xoolaha intuu qori dab ah qaato oo gurigii Cawska ahaa
la galo in uu ku soo raadsado weelkii ay gabadhu galabta hilibka
uga soo gurtay, intuu gurigii oo mugdi ah qorigii dabka ahaa
la xaluushay ayuu wilfis iyo afuufid ku bilaabay intii aanu
si fiicanba wax u arkin wuxuu maqlay wankii banaanka ku xirnaa
oo caanihii ay gabadhu u keentay cabaya oo fuuqfuuq leh intuu
markiiba isagoon is ogeyn qorigii dabka ahaa gurigii ku dhex
tuuray ayuu wankii caanaha ka gaaray intuu wankii gafuurka
soo qabtay ayuu toorey uu xirnaa labada faruuryood kaga gooyay
gurigiina bug buu yiri oo dab baa qabsaday, hal ay gabadhu
markaasi lisaysay oo guriga gadaashiisa taagneyd naxdintii
intay booday ayey laf dheerta ka haaday, oday baasqabe mashaakilbaad
sameysay carar markuu is yiri wuxuu baacuunka kaga sii joogsaday
cunigii yaraa ee agtiisa la soo seexiyey hore ayuuna usii
cararay oo tuuladii isaga baxay, isagoo dhexdii sii socda
ayaa waxaa ka hor yimid baa layiri ninkii, gabadhiisa qabay
buu ahaana wa layiraahdaa, nin kaluu ahaana waa layiraahdaa
oo dadku qaarba si ayey u sheegaan wuxuuna ka wareystay dagmadii
uu ka yimid iyo sidii lagu ahaa, isagoo anfariir ka muuqdo.
Oday Baasqabe oo ninkii sii dhaafaya ayuu ku yiri degamada
waa lagu fiicnaa wax dhib ahna lama sheegeyn laakiin…..
buul baa gubtay oo ololaa la lahaa halbaa booday oo jabtaa
la lahaa wanbaa sambacaraar go’ay baa la lahaa, wiil
baa buqay oo buruuraa la lahaa, tii bilan ahayd ee uu baasqabe
dhalay ayaa meelaha ba’ayeeyda heysaa la lahaa!!.
NIN IYO AFADIISA
Waxaa la yiri beri hore ayaa qoys Soomaaliyeed oo meel degan
waxaa dhibay oo xoolaha aad uga cuni jiray waraabe, meesha
ay deganaaayeen oo aad u dhurwaa badneyd awgeed, maalintii
dambe markay dhibaatadaas u adkeysan waayeen meeshuna tahay
meel xoolaha u wanaagsan ayaa waxay goosteen ninkii iyo afdiisii
cawrala in ay waraabaha dabin (shabaq) u dhigaan, fiidkii
markay ahayd ayay waraabayaashii mid kamid ah dabinkii loo
dhigay ku dhacya, Cawrala iyo ninkeeda markay arrintaa ogaadeen
ayay u yimaadeen waraabihii oo dabinka ku jira, ninkii iyo
afadiisa Cawrala mayana dooneyn in waraabaha ay dilaan, oo
waxay ka fakareen
xeelad haddii ay ku sameeyaan ay waraabayaasha oo dhan kaga
cararayaan halkaas, waxayna goosteen in waraabahaan xanuujiyaan,
oo astaan ka duwan waraabayaasha kale u sameeyaan, waxay yiraahdeen
waa in aan biyo kulul ku shubnaa waraabaha si uu diirka uga
dhaco, markiiba Cawrala waxay bilaawday in ay digsi biyo ah
dabka saarto, markay biyihii kululaadeen ayuu ninkii ku yiri
Cawralooy!! Isagoo ka wada keen biyaha, markaasaa waraabihii
shabaqa ku jiray lugu shubaa bihiyii oo beyl ah, sidaa ayey
maalmo ku sameeyeen waraabihii ilaa uu haragii ka dhaco, markii
dambe waraabihii wuxuu ogaaday in marka uu ninka yiraahdo
Cawralooyba in biyaha kulul lagu shubayo, markaas waraabihii
markasta oo ninku cawralooy yiraahdaba wuu sii cabaadaa, waayoo
magacaasi ayuu moodaa waxa kululba, maalmo kadib markuu waraabihii
bislaaday asi ay naftu ku jirto ayey dabintii ka siidayeen
, orod ayuuna keynta xulay, waraabayaashii kale oo saaxiibadiis
ahaa ayaa meel fog ka arkay waxan muruxsan ee ku soo ordaya,
iyagiina cagta ayey wax ka dayeen, waayo waxey ogaadeen in
aanay waxani aheyn waraabe midabkooda oo kale leh, halkaas
ayuuna isagiina saxiibadaa gaar is yiraahdaa, iyagiina ay
is leeyihiin waxaan ka carara, markii dambe ayey u istaageen
si ay u hubsadaan waxani waxa uu yahay, waxayna ogaadeen in
uu saaxiibkoodii maqnaa yahay, waxa uuna uga waramay waxa
ay ninkii iyo naagtii ku sameeyeen, wuxuuna intaas raaciyey
in ay ku shubi jireen wax kulul oo la yiraahdo Cawrala, waraabayaashii
markay tashadeen waxay go’aan sadeen in saaxiibkood
u gargaaraan oo soo qabtaan ninkaas iyo naagtiisa, Hilibkoodana
feentaan, lafahoodana dhuuxaan, arrinaasna si deg deg ah ayey
ugu dhaqaaqeen, ninkii iyo naagtii markay arkeen koox waraabayaal
ah oo u soo siqaya xagooda ayey nafta la miciin bideen in
ay geed dheer dhaladiisa fuulaan, si ay uga badbaadaan dhibaatada
waraabayaasha, waraabayaashii taasi ugama ayan harin oo waxay
ka fekereen xeelad ay ninka iyo naagta ay geedka ugala soo
degaan, waxayna bilaabeen in ay is korkoraan, si ay u gaaraan
figta geedka, ninkii iyo afadiisa talo ayaa ku caddaatay waayo
waraaabayaashii way ku soo dhawaanayeen marba marka ka dambeysa,
nafna wey ka samreen markay kaabiga u soo jiraan ayuu ninkii
qaylo ku dhuftay oo yiri war Cawralooy geedka qabso!! Hadalkaas
markuu yiri ayey waraabayaashii mar qura daateen,
-9-
waayo waxaa ugu hooseeyey waraabihii muruxsanaa ee magaca
cawrala u yaqanay waxa kulul ee lagu gubto, markaasuu ka hos
baxay oo mooday in ay ku soo shubayaan wixii kululaa, waraabayaashii
markay in door ah saaxiibkood daba cararayeen ayey su’aaleen
sababta uu dhulka ugu baaneeyey iyaga oo qarka u saarnaaa
in ay ninka iyo naagta soo qabtaan, waxa uu yiri waraabihii
gubnaa war iska aamusa wax ma ogidine ninku anigaa afkiisa
garanayee wuxuu dalbaday biyihii kululaa ee Cawrala, dhibaato
ayaan idinku soo fool laheyd halakii ayeyna ninkii iyo afadiisa
uga badbaadeen waraabayaashii.
Qeytbtii 9-aad
halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622