Waxaa saakay xaalad deggenaansho oo aan sidaasi u buurneyn
laga dareemayaa goobihii ay shalay gelinkii dambe ilaa xalay
ay dagaallada culusi ku dhex mareen ciidama dawladda federalka
iyo xooggga ka soo horjeeda ee degmada Karaan iyadoo halkaasi
weli laga maqlayo rasaas teel-teel ah oo ay labada dhinacba
ridayaan.
Inkastoo aanay jirin saakay wax iska hor imaad ah toos ah
oo dhacaya haddana waxaa suurto gal ah mar walba inuu dagaal
qarxo maadaama ay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay weli
isku hor fadhiyaan, isla markaana ay labada dhinaca soo gaarayaan
ciidamo gurmad ah.
Dagaallada shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacay qeybo
ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa waxay saameyn
xooggan ku yeesheen xaadafo maalmihii ug ugu dambeeyay laga
dareemayay deggenaansho isla markaana ay qoysaska halkaasi ka
barakacay qaarkood ay quudaraynayeen inay dib ugu laabtaan.
Dhinaca kale waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay dagaalkii
iyo duqeyntii shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacday degmooyinka
Kaaraan iyo Yaaqshiid, waxaana la xaqiijiyay inay dagalladaasi
ku dhinteen in ka badan 10 qofood, halka ku dhowaad 20 kalena
ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantood ahaa dad rayid ah.