Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riixn)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
02/07/2009
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo xalay soo gaaray tuulooyin hoos yimaada Beledweyne iyo xoogagga ka soo horjeeda oo heegan la geliyay

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan ayaa waxay xalay soo gaareen tuulada Ceel gaal oo 15 km u jirta dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay saakay ka wadaan dha-dhaqaaqyo, sida ay xaqiijiyeen dad reer guuraa ah ku sugan nawaaxiga tuuladaasi.

Ciidamadan Itoobiya ee xalay soo gaaray deegaanka Ceel-gaal ayaa waxay ka soo kicitimeen isgoyska Kalabayrka oo ay muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaayeen, waxayna ciidamadaasi oo aad u hubeysan ay u muuqdaan kuwo qorshaynaya inay gaaraan magaalada Beledweyne, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi.

Dhinaca kale Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa lagu soo warramayaa in heegan buuxa la geliyay isla markaana ay difaac ka galeen deegaanada Tre-jante iyo Nuur-fanax oo aan ka fogayn magaalada Beledweyne, iyadoo saraakiisha xoogagaasi ay sheegeen inay la dagaalamayaan ciidamada Itoobiya haddii ay isku dayaan inay soo galaan magaalada Beledweyne.

Imaanshaha ciidamada Itoobiya ee tuuloyinka hoos yimaada magaalada Beledweyne ayaa waxay imaanaysaa xilli Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan dawladda federalka ee ka talinayay bariga magaalada Beledweyne uu qarka u saaran yahay inuu burburo kaddib markii taliyihii ciidamada ammaanka ee maamulkaasi uu isku dhiibay xisbul Islaam halka xubno kale oo muhiim ahna ay is casileen.

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ® Free counter and web stats