Saraakiil u kala hadashay dawladda federalka Soomaaliya iyo
xoogagga ka soo horjeeda ayaa waxay guulo ka sheegteen dagaallo
qaraar oo shalay gelinkii dambe ilaa xalay ku dhex maray qeybo
ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho
kaasoo gaystay qasaare nafeed oo soo gaaray dad rayid ah.
Afhayeenka militariga dawladda federalka Soomaaliya Farxaan
Carsaanyo oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in
kooxoo uu ku tilmaamay inay yihiin nabad diid gacan ka helaya
dambilayaal caalami ah ay gabbal dhicii weer ku soo qaadeen
fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda federalka, wuxuuna
intaasi ku daray in ay iska caabiyeen isla markaana ay dib
ugu celiyeen goobihii ay ka soo duulaan tageen.
Farxaan Carsaanyo wuxuu sheegay in dagaalkaasi ay cidamada
dawladda federalka gacanta ku dhigeen labo ka mid ah dagaal
yahanada ajnabiga oo dagaalka ula jiray kuwaasoo uu sheegay
inay saxaafadda u soo bandhigi doonaan, wuxuuna intaasi ku
daray in ciidamada dawladda federalka ay ku durkeen aagag
ay horay ugu sugnaayeen xoogagga ka soo horjeeda oo ku yaalla
degmada Kaaraan.
Dhinaca kale afhayeenka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale
oo isagana la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay inaanay
waxba ka jirin guusha ay sheeganayaan saraakiisha dawladda federalka
oo ay ku daboolayaan qasaaraha iyo jabka soo gaaray, wuxuuna
intaasi ku daray inay Mujaahidiinta la wareegeen gacan ku haynta
goobo muhiim, isagoo dhinaca kalena beeniyay inay jiraan rag
ka tirsan Mujaahidiinta oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dawladda
federalka Soomaaliya.