Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riixn)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
02/07/2009
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Weerar bambaano qasaare gaystay oo xalay lagu weearay gudoomiyaha degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir

Waxaa xalay fiidkii weeraro loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo ilaa labo xabo ah lagu qaaday nawaaxiga hoy uu degmada Xamarjajab ka deggan yahay guddoomiyaha degmadaasi, kaasoo gaytay qasaare dhaawac u badan oo soo gaaray dad rayid ah oo deris la ah hoyga bambaanooyinka lagu weeraray.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa xigay is rasaasayn socotay qaddar 15 daqiiqo ah oo ay is waydaarsadeen ilaaladii guddoomiyaha degmada Xamar jajab iyo kooxihii weerarka soo qaaday oo markii dambe u suurto gashay inay goobta ka baxsadaan iyadoo aan la xaqiijin karin qasaaraha soo kala gaaray ilaaladii guddoomiyaha iyo kooxihii soo weeraray.

Dhinaca kale dad goob joogayaal ah oo ku sugan degmada Xamarjajab ayaa waxay xaqiijiyeen in qaraxyadii iyo is rasaasayntii ka dhacday degmada ay sababeen dhaawaca labo qofood oo rayid ah oo suurto gashay in saakay loo qaado goobaha caafimaadka ah ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ® Free counter and web stats