Xukuumadda Itoobiya ayaa waxay ku gacan sayrtay digniin ay
u jeediyeen Xoogagga Islaamiga ee gacabta ku haya inta badan
koofurta wadanka Somalia kuwaasoo ku hanjabay in ay duulaan
ku qaadi doonaan isla markaana ay weerarro ka fulin doonaan
gudahad dalka Itoobiya haddii ay ka laaban waayaan faragelinta
ay ku hayaan dalka Soomaaliya.
“Wax dhib ah naguma hayso digniinaha Islaamiyiinta
Somalia, dabcan waxa hadalkaasi ka soo yeerayaa waa Al-shabaab
oo jecel in dagaal furan ay ku dhawaaqaan, balse awood uma
lahan in ay na soo weeraraan ee waa uun iska hadal aan fiiri
dheeri loo oran oo looga gol leeyahay in dadka lagu beer laxawsado
waayo dadku way ogyihiin in aysan waxba u heynin oo ay yihiin
canaasiir dulaaliin gobolka Geeska Afrika uga ah Al-Qaacidda”
ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Breket Simon oo warfidiyeenka
kula hadlayay magaalada Addis Ababa.
Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Barkat Simon ayaa waxa uu
sheegay in xoogaggaasi ay mashquul ku yihiin gudaha dalka
Soomaaliya isla markaana ay dagaallo kula jiraan dawladda
federalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inuusan marnaba
aaminsanayn in xoogaggaasi ay qalqal gelin karaan ammaanka
dalka Itoobiya oo ay cashar siinayaan haddii ay soo hawaystaan
Itoobiya.
Berket Semon, afhayeenka xukuumadda Itoobiya isagoo hadalkiisa
sii wata ayaa waxa uu uga digay xoogagga ururada Islaamiga ah
ee Somalia inaanu ku deg degin waxwalba oo dhibaato u keeni
karaya sii jiritaanka mustaqbalkooda iyo meelaha ay maamulaan,
isagoo dhinaca kalena sheegay in xilligan aanay xukuumadda diyaar
u ahayn inay faragelin militari ku samayso dalka Soomaaliya.