Waxaa shaley Abaarihii 5: galabnimo lagu
diley Aragaarka Black Sea qeyta shidaalka Ganacsade lagu magacaabi
jirey Maxamuud Maxamed Rooble (faraweyne) oo ahaa raga sida
weyn looga yaqaaney suuqa lagu magacaabo Cirtoogte ee hubka
la iibiyo magaalda muqdisgo.
Dilka Ganacsadahan ayaa la shaagey in loo adeegasdey bastoolado
xili uu ka soo rawaxey dhinaca shaqadiisa kuna sii jeedey
gurigiisa, waxaan u geystey 3 nin oo ku hubeysan bastoolado
sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal halkaasi ka dhowaa xiliga
falka uu dhaayey, waxaana ay sheegeen in marki hore xabado
lagu furey ka dibna markii uu dhacey inta ay la kor istaagen
ay la dhaceen mar labaad.
Ragii dilka geystey ayaa la sheegey in ay ahaayen ilaa 3
nin oo dhalinyaro iyagoo dilka ka dib ka tagey goobtii islmar
ahaantaana aan waxba ka qaadan sida ay xaqiijiyeen goobjoogayashu,
waxaana markii danbe ka qaadey halkaasi dad garanayey marxuumka
Maxamuud Maxamed Rooble (faraweyne) , waxaana ay sheegeen
oo kale inaysan garanyn ilaa hada sababta rasmigaa ee ka danbeysa
dilka loo geystey ninkaa ganacsadaha ah, isla markaasna aysan
ayasan jirin cid ay sigooniya ugu ogyihiin in uu la shaqeynayey
dhinacyada is haya ama tuhunsanyihiin in ay ka danbeyso dilkiisa
ilaa hada.
Meydka ninkan ayaa waxaa la sheegay in isla xaleyba lagu aasey
deegaanka Suuqa Xoolaha oo uu xaafad ahaan ka deganaa magaalada
Muqdisho gaar ahaan xaafada loo yaqaan Cali Turcaaye Allaha
U naxariistee