Qeybtii 11-aad
YOONIS-TUUG IYO SAAXIIBADII
Beribaa waxaa jirey nin la oran jirey yoonis-tuug, yoonis
tuug waxaa uu lahaa saaxiibo ay wax isla xadi jireen yoonistuug
iyo saaxiibadi waxaa caado u aheyd in ay si xeeladaysan wax
u xadaan, waxayna iskula hadli jireen af ay iyagu isla yaqaaniin
oo aan dadka kale aqoonin oo way ka dul shixi jiree, maalin
maalmaha kamid ah ayaa Yoonis iyo labadiisii saaxiib waxay
labo wan oo buur-buuran kasoo xadeen islaan waayeel ah oo
ari warabsanaysay, Islaantii xeelad bay u sameeyeen, Yoonis
tuug ayaa ku yiri saaxiibadiis islaanta aniga ayaa ariga la
waraabinayee idinku xagga dambe intaad ariga ka martaan qaar
nooga xada, sidii ayey yeeleen markii arigii labo wan oo buur-buuran
ka xadeen ayey u soo noqdeen yoonis tuug oo arigii shubaya,
inta ay u yimaadeen ayey arigii la shubeen, iyagoo iska waraysanaya
sida ay wax yeeleen, waxayna ku heeseen;
Saaxiibadii:- Labadii tukoow sahankaad tagteen maxaad
taransateen?
Saaxiibadii:- Labo turuqyo weyn.
Yoonis-tuug:- Oo xageed dhigteen?
Saaxiibadii:- Tuurtaan (Buurta) dhignay.
Yoonis-tuug:- Billaa haad gablee?
Saaxiibadii:- Waan hoosinee.
Yoonis-tuug:- Billaa hununucee (Qurmee)?
Saaxiibadii:- Waan hawinee.
Sidaas ayeyna Yoonis-tuug iyo saaxiibadii isu afgarteen iyadoo
ay islaantii labada wan laga xadayna la joogto.
WELIGAA BEEN MA SHEEGTAY?
Beri baa nin waxa uu caado ka dhigtay oo uu ku sifoobay in
uu wax hubsado oo aanu been sheegin. Maalintii dambe ayey
dadkii beesha la degenaa waxay ku heshiiyeen in ay ninkaas
xeeladeeyaan oo ay been ka sheegsiiyaan waxayna u tageen beel
kala oo u dhaweyd, waxayna ku yiraahdeen waxaan rabnaa in
aan ninka hebel la yiraahdo in aan maanta been ka sheegsiino,
ee idinkana qorshahan nala fuliya, oo beri subax marka la
gaaro ayaan waxaan ku oronaynaa hebelow soo fiiri in ay reerkan
deriskeena ah muraad qabaan iyo in kale, idinkuna waxaad iska
dhigtaan marka uu idiin yimaado wax muraad qaba, sidii ayeyna
ku heshiiyeen, markii waagii baryey ayay ninkii ku yiraahdeen
war hebelow orodoo reerkan deriskeen ah soo eeg maanta, waxaa
la lahaa ducay qabaane, oo war sugan nooga keen, waayahay
intuu yiri ayuu fag yiri, waxaa uu u tagay ileen waa arrin
la isku ogayahaye meeshii oo dabab waaweyn laga shiday, dibi
weyna geed dabka agtiisa ah lagu soo xiray, midiyo af badanna
ay dadkii soofaysanayaan, rag, Dumar iyo caruur badanna ay
meesha dhoobanyihiin, ninkii markuu intaa arkay ee uu dadkiina
weydiiyey ayey ku yiraahdeen ishaa kuu macalin ah oo waad
aragtaa in wax waliba ay diyaar ku dhow yihiin ee orod oo
raggii u soo yeer, hana soo deg-degeen, ninkii markuu ku soo
noqday beeshii dirsatay waxa ay weydiiyeen in ay meesha wax
ka jiraan iyo in kale, wuxuuna ugu jiwaabay dabna waa shidnaa
dibina waa xirnaa ladeyn doonaana ma ogi, halkii ayeyna dadkii
uga quusteen in ay been ka sheegsiiyaan.
Qeytbtii
10-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622