Qeybtii 6-aad
Maahmaahyo
1- Beeni lug keliya bay leedahay haddii la qabtana way kuftaa
2- Been waad ku cabtaa kumase rakaadatid.
3- Beeni Raad maleh.
Googaa
? Madaxaga korkiisamasiibo martay
WEYDIIMO
1. Yaa tiriyey geeraarkan? ,muxuuse kaga hadlayaa?
2. Si tifaftiran uga faalood gabyaagu sida uu ula dhaqmi jiray
dadka waxa uu ku dayi jiray hadii uu sidaa waayo iyo waxa uu
yeeli jiray haduu ka fursan waayo?
3. Adigu maxay kula tahay oo ma kula quman tahay sida abwaanku
sheegayo?
. INA XAGAA DHEERE (Sheeko)
Ina-Xagaa dheere wuxuu ahaa nin Ari badan lahaan jiray. Dharaar
dharaaraha ka mid ah ayaa cudur ka galay arigii. Markaasuu ad
iyo aad arigii tamootidiisii uga xumaaday wuxuuna yiri: "Waxaan
yeeli si aan aniga iyo Ilaahay xoolo nooga dhaxeyn. Wuxuu iigu
soo mar-marsoodaba ha waaye". Markaasuu hadlay oo yiri:
"eebbow ariga qeybtaa adigaa leh, qeybtaa kalena anigaa
leh", haddaba qaybtaada sidaad doontid dheh oo haygu imaan"
dabadeed waxaa dhacday in arigii uu socdo oo maalin kasta wax
ka dhintaan.
Ina-xagaadheere, mar Alla marka arigiisa neef ka dhintba, isna
arigii kale intuu u galo, ayuu qaar ka gawracaa, oo yiraahdaa:
"Ari la laayaa ari loo laayuu leeyahay". Maalin dambe,
ayaa roob da'ay. Markaasuu ina xagaa-dheere sallax biyo ku jiraan,
intuu jilbaha dhigay is yiri ka cab. Dabadeedna sallaxiibaa
dibnaha kaga dhagay. Muddo dabadeed, ayuu sallaxii sii daayey,
arigii baa sidiisii hore isaga le'day. Ina-xagaadheere waxaa
waxaa hal-hayn u noqotay markaa "Haddaanu hadalno waa af
sallax ku dheggeygii, haddaanu aamusnana ariga sedan laga deyn
maayo.
SHARAXA EREYADA
1. Tamooti: Dhimasho
2. Salla : Dhagax godan.
WEYDIIMO
1. Ina-xagaa-dheere ariga qaybintiisa maxaa ku kallifa?
2. Ina xagaa-dheere diinta wax ma ka yaqaanay?
3. Ma ogaaday inuu qaldan yahay?
4. Wax ma ku qaatay cibaaradii la tusay?
5. Sheekada dulucdeedu waa maxay?
HALXIRAALE
Sheeg meesha geelu Sanad maro ee aanu sanad labaad mari Karin?
MAAH-MAAHYO
1. Ilaahay ka dambeeyo Kabtiis ma yeella
2. gowso tuugeed iyo gowso macsiyeed ninba intuu gala laga gudaa.
3. nin talo xumi tabaalo ma waayo.
LAX INDHA LA' (Sheeko)
Beri baa Lax indho la' oo ari la daqaysay ka luntay arigii.
Halkii ay joogtay bay iska fariisatay kolkii arigii shanqadhiisii
ka go'day. Fiidkii baa waraabe u yimid kolkaasuu soo dhiidhiyey
oo is yiri: "Alley lehe caawa hilib baad ka dhergaysaa,
sidii waran la ganay ayuu orod labada dhagood soo nabay oo laxdii
isku soo daayey, laxdiina markay shanqadhii waraabaha maqashay
bay mooday arigii oo meesha maraya, markaasay iyana xaggii shanqadha
isku qaaday. Waraabihii baa yaabay markaasuu is taagay, gig!
Cabsi baa Ilaahey u keenay oo wuxuu yiri: waar naftu waa macaantee
laxdu so na cuntee".
Waraabihii orod buu dhabarka jeediyey, laxdiina way isdaba dhigtay.
Halkii baa la is eryaday iyadoo waraabhu is leeyahay naftaada
la baxso; laxduna is leedahay ariga gaar. Naxdin iyo cabsi darteed
ayuu waraabihii hanaq go'ay oo meyd ahaan dhulka ugu dhacay,
laxdiina siday u ordaysay bay waraabihii ku turunturootay oo
ay ku barbar dhacday. Halkii baa subixii loogu yimid iyadoo
waraabihii garab fadhida.
Qeytbtii
5-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com