Qeybtii 7-aad
Maahmaahyo
WEYDIIMO
1- Laxdu maxay u urin weyday waraabaha?
2- Ma run baa waraabuhu waa fulay?
3- Libaax, sidaasi ma ka suurtoobi laheyd?
4- Dulucda sheekadu wa amxay?
MAAH-MAAHYO
1. Fulay intuu ba'iyo ayaa badan.
2. Fulow guuli kuu dhow kaana dheer
HALXIRAALE
1. Sheeg afar maahmaahood oo fulayga ku saabasan iyo afar geesiga
ku saabsan?
2. Sheeg af-Soomaaliga ereyada ku dhamaada K iyo J.
TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA (Sheeko)
Nin reer miyi ah oo aan weligii magaalo arag baa beri is yiri;
horta maxaan magaalo mar uun u qaban waayey, waatanoo kheyrkeyba
tagye? Wallee haddaan waagu waraabe cunin waan tegi, waaberigii
buu intuu xeradii arigiisa usha la dhex galay ayuu ka soo soocay
dhowr wan oo ahmin ah soona qabsaday awr hayin ah, markaasuu
u ambabaxay magaalo, dabadeedna goortuu magaaladii yimid ayuu
wananki jabiyey, oo lacagtoodii ku soo gaday dhar iyo dhuuniba.
Dhuunigii uu soo gatay waxaa ka mid ahaa timir, markuu danihiisii
ka soo oofsaday magaaladii ayuu gurigiisii u soo amba baxay,
labo habeen oo uu soo dhaxay baan wax jidiinkiisa ka deign biyo
madow ku dhahoo, habeen sadexaadkii buu reer u soo hoyday, reerkii
baa timir u keenay, ninkii baa yaabay.
Naw! Waar reerku miyuu waashay? Miyaanu ogeyn inaan aniguba
timir sito? Dabadeedna reerkii buu u qeyshay (waar waa reerka,
waxaad yeeshaan timirtiina qaata oo waxaad ii keentaan dab iyo
biyo), markii la weydiiyey wuxuu timirta u cuni waayeyna wuxuu
ku jawaabay waar timirtii horeba dab loo waaye, dabka iyo biyaha
aan idin weydiistay isiiya, haday timir ii tahay taydaba waan
bisleysane.
Dadkii meesha joogay baa qosol la daatay oo u sheegay inaan
timirta la Karin ee sideeda loo cuno, waar ciyaarta iga daaya
oo gaajaa I dilaysee biyo iyo dab ila soo gaara. War malaha
waad dheel-dheelaysaaye balse horta anaagaa cunaynee na eeg,
markay cuneen buu isna cunay oo yiri; waar bahashu macaanaa
ma malabbaa? Waar ma bahashaanaa ka qasanaa Alla nacasnimo fara
weynaa?
WEYDIIMO
1. Maxaa ku kalifay ninku inuu magaalada tago?
2. Ninku timirtii ma karsaday? Adiguse waligaa timir ma karsatay?
3. Side noqotaa timirta la kariyey?
4. Ma u malaynaysaa inay sheekadu run tahay?
MAAH-MAAHYO
1. Ilaahow aqoon la'aan ha nagu cadaabin eexashana ha nagaga
tagin.
2. nin waliba intuu cunuu ciidamiyaa.
3. dad aqoon la'aan waa la qadaa, dal aqoon la'aana waa la habaabaa.
HALXIRAALE
Nin baa watay shabeel, Ri' iyo Caws, ninka waxaa ka horyimid
tog biyo ah waxaanu damcay in uu ka tallaabiyo toga wuxuu watay
doon oo midba mar qaado, sida la ogyahayna shabeelka, rida iyo
cawskuna waa isku col meeshana waa ban oo dhir ma leh sideebuu
ninkaa u talaabinayaa waxa uu wato toga?
MAXAY KU NUUGTAA AMA KA NUUGTAA? (Sheeko)
Waraabe ayaa habar dugaag isugu yeeray isagoo ka dawoonaya
magaca dhurwaa la yiraahdo, wuxuu yiri; "war nimanyahow
magacaan dhurwaa baan la hodmaye hala iga daayo".
Habar dugaag baa tiri; "oo maxaan kuu bixinaa"? waraabihii
baa yiri; "Sadex magac mid ha la iigu yeero, Ammaan, Amiin,
iyo Aamin"? Habar dugaag baa yaabtay oo tiri; "Bal
waanu kaa soo showreynaaye waa inoo saa dambe". Waraabihii
durba wuxuu isu diyaariyey magaca Aamin, oo wuxuu madaxa ku
xidhay meyrax cad isagoo is miskiininaya iskana dhigaya Aamin.
Habar dugaag ooh al irmaan wadda ayaa soo noqotay waxay yiraahdeen
Magacii aad codsatay waa laguu bixinayaa haddii lagaa arko Aaminnimo,
saddex casho ayaan kugu eegaynaa hashan iyo nirigteeda, haddii
ay nabad galaan waanu ku caleemo saari oo magacaa dhurwaa markaasaa
kuugu dambaysa. Waraabihii iyo hashii lammaaneyd baa la isaga
tagay, waraabihiina wuxuu ballan qaaday in uu nabad geliyo hasha
iyo nirigteeda, maalintii hore wuu is adkeeyey. Maalintii dambe
ayuu intay gaajo qabatay is yiri: war maad hasha garoocatid
oo meel aan la arki Karin in yar oo aad ku gaajo baxdo ka goosatid,
beriba way bogsane, afartii naas buu ka goostay. Maalintii ballantu
ku ekeydna nirigtii buu faruuryaha ka goostay, habar dugaag
oo magac bixintii u diyaar ah baa timid, iyadoo waraabihiina
hashii soo xareeyey. Waxay ku yiraahdeen "Aaminow hasha
soo godol, (Duba murush maarush ayuu yiri waraabihii)?
-13-
Nirigtii iyo hashii baa is jiqi waayey ileen midina way cadho
la'dahay, midina way faruuryo la'dahaye", habar dugaag
baa tiri; "waar maxay hashu u godlan weyday, nirigtuse
maxay u jaqi weyday hasha?" waraabihii ayaa yiri "Waar
nirigtu maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa?" halkaas buu
ku waayey waraabihii magacii Aamin.
Qeytbtii 6-aad
halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com