Qeybtii 8-aad
Maahmaahyo
SHARAXA EREYADA.
1. Hodmay : nacay, karhay
2. Showr : faq, tashi
3. Garoocatid : wax yar ka goosatid.
MAAH-MAAHYO
1. Caadadii nin ma baajo bahalna ceyriin ma daayo.
2. Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
3. Hunguri wax ka weyn la mariyey wuu dilaacaa.
LAANTA CAAFIMAADKA WHO (Curis)
Waxaa jirta laan caafimaad adduunyada u qeybsan oo jamciyadda
quruumaha ka dhaxaysa ka tirsan.
Laanta waxaa la aasaasay 7-dii April 1948-kii, laanta xarunteedu
waa magaalada Janiifa ee Dalka Iswiiserlaan, siddeed iyo toban
dowladood oo dowladaha laanta ku jira ka mid ah ayaa hadba doorta
dadka laanta ka shaqeeya. Laanta caafimaadka cudurada ay wax
ka qabato waxaa ka mid ah cudurka feeraha ee qaaxada la yiraahdo,
cudurka kaneecada ka kaca ee duumada la yiraahdo, cudurka jabtada,
xabbadda iyo cuduro badan oo kale, laantaasu waxay caawisaa
dalalka soo koraya iyadu waxay dhaqatarada kaga duwan tahay
meesha cudurku ka billowdo ayey shaqadeedu u badisaa si waxyaalaha
cudurka keenaya u dhinto.
Laantaasi waxay yeelataa shirar dowladaha ku jira isugu yimaadaan,
waxaa kaloo ay leedahay xafiis shaqada maalin walba joogtada
ah maamula, xafiiskaas waxaa u madax ah oo arrimaha laanta fuliya
maamule guud, laantu waxay xiriirisaa wixii shaqooyin ah ee
caafimaadka ku saabsan ee dalalka dunida ka socda, laantaas
adduunyada aad bay xagga caafimaadka uga taageertaa gaar ahaan
dalalka soo koraya, ee sanadkastana bisha April todobadeeda
ayaa xusuus loo sameeyaa oo ah markii la aas aasay laanta caafimaadka
WHO.
WEYDIIMO
1. Maxay qabataa laantu?
2. Dalalkeebay caawisaa laantaasi?
3. Side bay cudurada ula dagaalantaa?
4. Cudurada ay la dagaalanto wax ka sheeg?
MARTI SOOR DABAGAALLE (Sheeko)
Waxaa la yiri nin, naag, gu' iyo dayr baa wada socdaalay. Waxay
u hoydeen dabagaale meel degan. Si fiican buu u soo dhaweeyey,
gogol wanaagsan buu u dhigay,wuxuu misna la amakaagay martida
sillan iyo siday isu soo weheshadeen, lax buu u loogay, sheeko
haasaawe ahna wuu u qabtay intay hilbuhu ka bislaanayeen. Markii
hilibkii diyaar noqday baa dabagaalihii wuxuu martidii ku yiri:
"waxaan ku dadaalayaa inaan afartiina martida ah mid walba
u sooro sida geddiisu tahay".
"Gugu geddiisu waxay tahay inuu raago oo goor la jabay
weligii yimaado. Hase ahaatee markuu yimaado wax weyn buu taraa.
Hadda isaga wax siin maayee gaajadiisa ha la jiriqleeyo. Waxaan
ka ballan qaadayaase marka waagu soo dhowaado inaan si wanaagsan
u dhergiyo. Isagu bal ha seexdo.
"Deyrta geddeedu waa in kolna la helaa, kolna la waayaa,
weligeed layskuma halleeyo. Hadda anigu cad weyn baan gudcurka
ugu tuurayaa inay weydo iyo inay hesho mid kastaba haw noqotee.
Naagta geddeedu waa inay waxay hayso oo la wado arkayo ka been
dhaarato. Haddaba anigu waxaan jeclahay inaan sooro, hase ahaatee,
Allow sidaa iyo sidaa iga dhig haddaan wax haysto. Iyana ha
iska seexato. Ninka geddiisu waa wax dil iyo wax nooleyn, labadaasay
ku dhisan tahay. Anoo heli kara inaan deg-deg wax u siiyo ayaan
hubinayaa afkiisa iyo addinkiisa inaan ka baxsado".
Xagga iyo aqalka markuu u dhaqaaqay ayuu maqlay ninkii oo leh,
"War yaraa" intaanu gurigiiba gaarin buu soo noqday
oo yiri, "Afeef baan geystay" markaasuu ku xila furay
inuu ninkana ka seexanayo.
Qeytbtii 7-aad
halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com