Ka dib warbixintii dhowaan laga soosaarey
arimha Qunaqabateynta hubka iyo wax sidabamarinta bahdey ee
soomaliya ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo Isku
raacay in waqtiga loo kordhiyo gudiga dabagalka Qaramada Midoobay
ee arimaha dalka Soomaaliya.
Gudigaan oo ah quburo sida la shegay qaabilsna dhinaca
baaritanada iyo dabagalka arimha Soomaliya oo dhowaan Warbixin
ka soo saarey ayaa u qaabilsan la socodka arimaha Soomaaliya
dhinaca hubka iyo wax badan oo kale lagu sameeyay cunqabateyntii
dhinaca hubka ee Soomaaliya iyo howlaha gar gaarka waxaa
la shegay in ay sii xoojineyso awoodooda waqti kordhintaan
.
Xubnaha golaha amaanka ayaa si wada jir ah ugu codeeyay
in Waqtiga loo kordhiyo islamarkaana 3 xubnod oo kale oo
dheeri ah lagu daro gudigii ka koobnaa 5-ta xubnood lana
gaarsiiyo ilaa 8 xubnod kuwaas oo loo xil saaray dabagalka
warbixintaasi hore si ay u turxaan bixiyaan.
Gudiga dabagal ayaa waxa waqtiga loo kordhiyey uu yahey
ila 12 bilood in ay si buuxda waxyaabihii warbixintii hore
ku jirey u soo xaqiijiyan iyo wixi ku soo kordha inta ka
dibna ay u soo gudbiyan qaramada midoobey xafiiskeeda Qunaqabyenta
iyo musuqmasuqa u qaabilsan dhinaca Soomaliya
Waxan ay ku soo beegameysaa xili dhowaan la soo sarey warbixin
dheer oo looga hadalyo qaabaka loosoo galiyo hubka Soomaliya
iyo sida loo maamulo cunada WFP ee Soomaliya la geeyo iyo
waliba Masuuliyiinta Dolwada sida yay u isticmalan dal ku
galyada ay ka helaan Wadamada reer Galbeedka ee diblumaasiyadeed