Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riixn)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
20/03/2010
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaal u dhaxeeyo Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab Al-Mujaahidiin oo ka dhacay degmada Dhoobley ee G/J/Hoose

Dagaal culus oo u dhaxeeyo ciidamada xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin iyo ciidamo uu hogaaminayo Axmed Madoobe oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degan degmadaasi Dhoobley ayaa waxaa ay ku warameen inay maqlayeen hub cul-culus oo labada dhinac ay isku ridayeen saacadihii la soo dhaafay gudaha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday ciidamada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ee degmada Dhoobley, inkastoo aan weli la xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Xaaladda saaka ee degmada Dhoobley ayaa la soo sheegayaa inay degan tahay; iyadoo dagaalka uu socday dhowr saacadood kaasoo cabsi iyo walaac aad u xoogan ku abuuray shacabka.

Waxaa qeyb uu ka yahay dagaalo soo noq-noqday oo labada dhinac u dhaxeeya oo waayihii u dambeeyay ka taagnaa gobolada Jubbooyinka.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac midkood waxaase laga yaabaa in ay ka waramaan saacadaha soo socda.


Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ® Free counter and web stats