Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riixn)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
20/03/2010
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wafdigii Ahlu suna Waljameeca uga qeyb galay saxiixa heshiiskii iyaga iyo dowlada Somalia ee Addis ababa oo dib ugu laabtay degmada Guriceel

Barqanimadii maanta ayaa waxaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud dib ugu soo laabtay wafdi ka kooban ilaa 15 xubnood oo culumaa置diinka ahlu suna waljameeca uga qeyb galay munaasabada heshiiskii ay la saxiixdeen dowlada Somalia ee dhowaan ka dhacday magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey gudoomiyaha golaha fulinta ee maamulka gobolada dhexe ee culumaa置diinka Ahlu sunna Shiikh Maxuud Xeefow ayaa waxaa garoonka dayuuradaha degmada Guriceel ka soo dejisay dayuurad gaar ah oo ka soo qaaday Addis ababa, iyadoo ay halkaasina ku soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan Ahlu suna waljameeca oo halkaasi ku sugnaa.

Ma jiro illaa hadda war ay saxaafada siiyeen xubnaha Ahlu suna Waljameeca oo ku aadan socdaalka ay ku tageen magaalada Adis ababa iyo heshiiska ay halkaasi kula soo galeen dowlada Somalia hase ahaatee gudoomiyaha golaha fulinta ee maamulka gobolada dhexe ee culumaa置diinka Ahlu sunna Shiikh Maxuud Xeefow ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay war arimahaasi ku saabsan siin doonaan saxaafada.

Dowlada Somalia iyo culumaa置diinka Ahlu suna Waljameeca ayaa dhowaan ku kala saxiixday magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya heshiis awood qeybsi ah oo labada dhinac ay midoobayaan kaasoo dhigaya in wasiiro iyo xubno kale laga siiyo culumaa置diinkaasi, isla markaana meel uga soo wada jeestaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dagaal uu kala dhexeeyo.

Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ® Free counter and web stats