Qeybtii 2-aad
XANTOOBO ULO AH
Beri baa oday waayo badan soo joogay markuu ogaaday in markan
geeri mooyee aanay gabow u dhinayn ileen nin weyni wedkii waa
yaqaane, ayuu wuxuu damcay inuu ilmihiisa dardaaran xeel dheer
uga tago wuxuuna isugu yeedhay todobo wiil oo uu dhalay ,markii
ay u wada yimaadeen ayuu wuxuu ku yidhi aabbow waxaan doonayaa
inaan maanta cashar idiin dhigo ee ninkasta oo idinka kam mid
ah ha soo qaato hal ul, wiilashii markay ulihii soo qaateen
ayey ku yirtaahdeen aabbe waa nakan oo diyaar baan nahay, wuxuu
ku yiri aababihii intuu xoogaa soo fariistay oo jiqileystay,
aabbo ninkasta usha uu haysto ha jebiyo, kii u yaraa wiilasha
iyo kii u weynaa intya ka dhaxeysoba hal mar ayaa ulihii bash..bash..bash,
la siiyey, intuu odaygii dhoola caddeyey oo uu yiri wanaagsan
ayuu misana ku yidhi hadana nin kastow ul kale soo qaado , hadana
sidii ayey yeeleen wuxuu ku yiri aabbo ulaha iskuwada xira,
sidii bay yeeleen, wuxuu ku yiri jebiya oo midba midka kale
ha u dhiibo, wiilashii midkasta mar buu isku dayey inuu ulihii
bigaaxo oo uu jebiyo, hase yeeshee ih..ixc.aah ix, dhamaantood
inay jebiyaan way awoodi waayeen, odaygii oo markaan qumaati
u soo fariistay dhoolana cadeynaya ayaa ku yiri wiilashiisii
ma aragtaan wiilasheydiyow tafaraaruqa iyo kala tagiinuba waa
burbur, isutagiina iyo midnimadiinuna waa xoog ee iska ilaaliya
khilaafka.
NIN DHABCAAL AH
Beri baa nin baqeyl ah wuxuu markastas ka welweli jirey inay
xooluhu dhaafaan, sidaa darted qofna biyo madow ma waraabin
jirin, berigii dambe ee uu ninkii sii arkay dad hanti lahaan
jirey oo ay xoolihii ka dhaamaadeen, ayuu aad u sii murugooday
waxaana la hor keenay isagoo inta uu haysto intay ka idlaadeen
dadkiina ay waxba siin waayeen, markaas ayuu xeelad uu xoolaha
ku haysan karo ka fekeray, ugu dambeyntiina wuxuu go,aansaday
inuu xoolaha uu haysto oo dhan intuu iska iibiyo lacagta uu
ka helona uu kuus dhagax ah oo dahahb ah uu ku soo iibsado oo
intuu kiish ku rido oo uu bac u sii duudubo god beertiisa ka
mid ah uu ku rido halkaana uu ugu jiro , sidii ayuu yeelay,
halkaas ayuu dhagaxii dahabka ahaa isaga jirey waayo badan isaguna
subax kasta ama subax dhaaf ayuu u hubin jirey inuu ku jiro
iyo in kale , maalintii dambe ayaa waxaa u fiirsaday in beerta
ninka baqeylka ah mar mar kala shaqeyn jirey ayaa dhawr mar
isagoo soo bixinaya oo intuu dhunkado hadana ku celinaya, maalintii
dambena dhagaxii dahabka ahaa ayuu ninkii shaqaalaha ahaa la
baxay oo uu qaatay.
Sibixii dambe ayuu ninkii sidii caadadiisu ahayd wuxuu hubi
is yidhi in dhagaxii meesha ku jiro iyo in kale, haseyeeshee
maxaa dhacay? Halkii ayuu dhagaxii dahabka ahaa ka waayey!!!
Aad ayuu u naxay kolba dhinac ayuu u orday dhabanada ayuu uqabsaday,
wuuna hoogeystay,wuxuuna bilaabay oohin ay qofkasta maqleyso,
dadkii oo la yaaban ninkan samir la'aantiisa. Si ay yeelaan
iyagoo garan la' ayaa waxaa meesha sooaray nin ay saaxiib ahaayeen
ninka- nin ay saaxiib ahaayeen waxaana loo sheegay waxa saaxiibkiisa
ku dhacay, intuu qoslay oo uu dhagax caadi ah soo qaaday oo
uu kolay iyo bac ugu duuduubay ayuu wuxuu ku yiri saaxiibkii
orod oo geli godkii uu kuugu jiray dhagaxii hore, oo niyaddaada
u sheeg inuu dahab yahay, oo uu godka kuugu jiro, waayo dahabka
faa'iidadiisa ma ahan inuu meel ku jiro ee faa'iidadiisu waa
in la isticmaalo, mar haddii aan la isticmaalaynina dhagaxa
caadiga ah wax uu kaga duwan yahay ma lahan.
Qeytbtii
1-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com