Qeybtii 5-aad
NIMAAN
HADLIN HOOYADIIS QADISAY
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa isa soo raacay habar
dugaag oo ooman, waxay heleen ceel biyo yarood ah, intii ugu
xoogga waaweyneyd ayaa waxay damacday in biyaha sida loo kala
waaweyn yahay loo kala badsado. Guddi baana arrintaa loo saaray
xaalka soo gebagebaysa. Ileyn intii yaryareyd baa saami ka doonayso
e. ‘gari laba nin kama wada qosliso e,’ go'aan waxay
ku gaareen guddidii in wixii yar-yar ah la oomiyo.
Atoorkii baa yiri: "waar gaal dil, gartiisana sii"
isaga oo ka gilgilanaya gardarada. caws ayuu ku cartay oo ku
kufay itaalkayga waad aragtaan biyahana heshiiska ma oggoli",
atoorkii baa sidaa ku dhaartay oo intuu orday ceelkii is kor
taagay "ninkii u xoog roonaada waaba la arki” ayuuna
raaciyey", waar intaasay dhaari iga tahay inaan ceelkaas
laga cabbin ilaa la isku gooyo (laayo) “gacmihiina maantaan
ku jiro ha ii gargaarina e geerida ninkii ii hayaa haygu rido
goofo”.
Hanjabaaddii, hadalkii kululaa iyo ficilladii uu muujiyey awgood
baa atoorkii lagaga cabsaday oo lagu tixgeliyey halkiina biyihii
lagaga qeyb geliyey oo weliba loogu hor mariyey.
WEYDIIMO
1. Maxay ku kulmeen habar dugaag?
2. Maxay intii roorooneyd ku tashatay?
3. Yaase ka dhiidhiyey taladaas?
4. Sidee bay gari laba uga wada qoslin weyday?
5. Dulucda sheekada waa maxay?
MAAH-MAAHYO
1. Nin afle baa abaar ka baxa.
2. Togba taagtii buu rogmadaa.
3. Geesi Alla ma xilo.
Googaa
Rukum Reerka ku meer
Ina madax minjo ku waalayste
Ayeydey laba qumbay leedahay, midba marbay farta gashataa.
COOFLE CAQAR
Qoofle-qaxar, wuxuu aad u jeclaa hilibka. Markuu magaalada
ka yimaadaba wuxuu soo iibsan jiray Kiilo hilib ah. Hase yeeshee,
dhibaato waxay ka dhacday mar allaale marka uu hilibka guriga
keeno ayaa haweeneydiisa oo iyana hilibka balaayo ku qabtay,
ay haweenka deriska ah intay isugu yeerto dabadeed halkaa lagu
wada cuni jiray.
Marka uu hawlihiisa galabtaa ka soo hoydo ee uu guriga yimaado
ayuu haweeneydiisa warsadaa hilibkii, iyana waxay ugu jawaabtaa,
"Alla, sow bisad baasi iimay soo weydaaran intaan guriga
Xadiyo ku maqnaa oo dabadeed hilibkii lamay cararin". Cooflaa
iska aamusa oo wixii kale ee uu guriga ka helo intuu afka ku
dhufto dabadeed iska seexdaa.
Maalin maalmaha ka mid aha ayuu Coofle arrintaa iyada ah qaadan
waayey. Intuu bisaddii ay hafreysay soo qabtay ayuu haweeneydiisiina
soo kaxeeyey. Labadiiba siduu u soo waday ayuu dukaan magaalada
ku yaalla keenay. Bisaddii buu miisaankii dukaanka dul dhigay
oo la miisaamay. Dabadeed, intuu haweeneydiisii eegay, ayuu
yiri, "naa hilibkii aan saddexdii cisho ee u dambaysay
keenay, saddex kiilo buu ahaa, bissaduna waa saddex kiilo. Haddaba,
haddii Bisaddi tan tahay hilibkii aaway?
Qeytbtii
4-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Arbacada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com