Soomaala’ayeeey!
Ciiloow ba’!!!!!!
Qaybta
Labaad – Part 3
In badan baa lays weydiiyay sababta xamar u degi
la’ yahay. Had iyo jeer jilayaal horleh (new actors) iyo
arrimo horleh baa soo baxaya. Maxaa Xamar 18ka sano weli shidaya?
Amxaaradu mar dambay noo timid. Soomaalidu waxay horay u yiqiineen
ama maqli jireen Sadaqa Jaariyah, waxaase 1991kii, markii ugu
horreysay la bartay oo bilawday Dulmun Jaari - mid geerida qofka
keddib weli socda! (Digniin: waa sarbeeb! Sidaan oraahda u qoray
ulama jeedo, ee akhristoow, haygu soo boodin, adigoo ‘bisinka’
‘bisinka’ leh ). Dulmi wayraxsanoo MIRQAANSAN oo ku
shaqaynayaa nidaamka dubnaddu isugu dhacdhacdo, markii midkood
la taabto (Domino effect) oo aan la joojin karin baa bilawday.
Xamar waxaa kasoo dhacay welina ka dhacaya dulmi
noocyadiisa kala duwan iyo argagax farabadan oo aan ruuxna horay
u saadaalin Karin. Waa dhab in degmooyin kale oo gobollada kale
ka tirsan ay arrimo naxdin lihi kasoo dheceen welina ka dhacaan
iyagoo teelteel ah. waxaanse qabaa in aysan jirin wax ka daran
dhaawaca iyo haaraha ka muuqda ex(ekis) Xamar Cadde. Cid iyo wax
loo aabbayeelay ma jirin. Naflay, hanti gaar ah, waddooyin, dhismayaal
taariikheed, madxaf, maktabaddo, taallooyin, gaadiid, xafiisyo,
isbitaallo, dugsiyo,jaamacado, dukaammo, suuqyo. Iwm. ayaa si
caqliga ka baxsan loogu galgashay. Hubka noocyadiisa kala duwan
baa laga adeejiyay!!! Waxaan soo xusuustay oraah uu yiri filosoof
Maraykan ahaa oo la oran jiray Abraham Maslow (1908 – 1970)
: “Haddii qalabka keliya ee aad haysatid uu burrus yahay,
waxay dhibaato walba kuula muuqanaysaa musmaar oo kale…If
the only tool you have is a hammer, you tend to see every problem
as a nail”.
Xamar wuxuu noqday meesha keliya ee qof gacan
ku dhiigle ahi uu si nabdoon ugu noolaan karo. Markaad u fiirsatid
dilalka ka dhaca gobollada oo idil, waxaad arkaysaa in qof qof
dilay oo la og yahay uusan degmadiisa ku dhex noolaan karin. Wuxuu
ku khasban yahay inuu baxsado.
Haddaba, Ilaahay baa Xamar ku imtixaamay waxaan
layska dhicin karin oo aan la arki karin. Daruuro biyahoodu ay
yihiin:
• Nabsi ururoo qamuunyeysan &
Inkaar xiimaysoo hurguntay,
• Habaar gagabayoo ilmeynaya & Naxdin bararsanoo buufis
wadata,
• Murugo caraysan oo qamaamaysa & Rooxaan noocyadeeda
kala duwan baa xamar la kor dhigay!!!
Xamar caddihii Soomaalida u ahaa caasimadda,wuxuu
isu badadalay guri gudcuroo qolol iyo musas badan oo nabsi iyo
rooxaan kor heehaabayaan (Ghost house). Markaad wax yar u fiirsatid
amuuraha ka dhacaya Xamar, waxay ku xusuusinayaan filimada naxdinta
leh (horror films). Cid Alla ciddii soo gashaba waxbaa si ka noqonaya!!.
Xataa hubkii yiillay baa ku wareeray! Xabbaddii la ridaba, meelaan
loogu talagelin bay aaddaa ama ku habsataa, iyadoo ‘Habow’
ah !!! Ma rooxaan iyo nabsi baa shaqaynaya? Ma shiishxumaa jirta?
Mise waa mirqaan xad dhaafay musaraarkiis (jidbadiis ama bururkiis)!?
Mar Alla markaad is tiraahdid,’Allaylaha
haddaa wax inoo hagaagayaan’, dhinac bay ka fikanaysaa!!
Xataa qoladii maxkamadaha ee kitaabka wadatay, waxbaa si ka noqday!
Qaar ka mid ah xubnahooda xamar ku sugnaa, ayaa wax is tuseen
(malaha rooxaantii baa taabatay!) oo is arkay iyagoo Baydhaba
ku tukanaya, oo Adis abeba usii socda. Keddibna Tigree ka itaal
roon baa lugu salladay!!
Waxyaalaha ku tusaya in xaalka Xamar uusan caadi
ahayn, waxaa ka mid ah, barakicii ugu dambeeyay ee ugu orodka
gaabnaa. Markii loo cararay duleedka Xamar (geedaha hoostooda),
rag baa la yiri, waxay bilaabeen inay geedaha dadka ka ijaaraan!!!
Rag kalaa, iyana la yiri, waxay dadkii u diideen inay magaalooyinka
dhowdhow gaaraan, sida Afgooye, iyagoo ku leh,’war haddaad
sii fogaataan, xamar dib ugu noqon maysan,oo waa la idiin dabamarayaa…Halkiinna
jooga, annagaa dhaqaale iyo gargaar idiin soo direynee!!!’.
Xamar waxaa 1991kii ka bilawday dulmi ku socda
nidaamka cayaaraha orodka qori isu dhiibka (Relay). Orodka laba
(2) Halgame oo isku koox ah oo kala jira ayaa si cayaarxumo (unfair
play) ah - Garsooraha (referee / arbitro) oo aan weli firinbiga
yeerin – u bilaabay, iyadoon kooxihii (jabhadihii) kale
aysan soo wada gaarin garoonka cayaaraha ((Xamar).
Orod xaraarad leh oo labadii bilaabay buska looga
tegey markii dambe, baa rag badan u bilawday. Wareeg walba rag
baa looga tegayey, markii kabuhu ka dhammaadaan oo caguhu dildilaacaan!
Orodka dulmiga waxaa istaajiyay Maxkamadaha Islaamiga ah!
Muddo keddib, markii DKMG iyo Isbahaysigu damceen
inay wada fariistaan, Isbahaysigii baa kala booday! Haddana waxaa
ku xigay in DKMG ay iyaduna markeeda kala boodday!! Markii iyagiina
dibedda lugu soo heshiisiiyey baa madaxdii isbahaysigu is hardiyeen
oo ay meel xun ka gaadhay. Midba midka kaluu ku eedeeyay inuu
xaqii iyo tubtii toosnayd ka leexday!! Ugu dambaystiina, laba(2)
Caalim oo isku dariiqo ah ayaa qaabkii iyo xeeshii dibuxoreynta
ku kala xanaaqay oo kala degay (Asmara & Jibuuti) !!! Wadeeca
Alla!!! War yaa noo islaama??? Mar walba qolo ama qof baa dhinac
u baxa ama dhex taagan, isagoon tanaasul oggolayn oo kelyaha haysta!!
.....Isbaara daa’imah!!!
Tiradii (2) ay ku bilaabatay 18 sano ka hor ayay
ku soo noqotay, iyadoo weji kale leh….. Checkmate!!! - ‘Asmara
gar leh, Jabuutina gar leh’…Reloaded!!!
Laba gabay oo uu tiriyay Cismaan Y. Keenadiid
(Allaha u naxariistee) dhawr iyo afartan sano ka hor, oo aad mooddid
inuu hadda ka hadlayo, baa waxaa ka mid ahaa:
• Aqoonyarana Soomaali bay iil ka dhaadhicine
• Arrinxumo ninkeedii intuu eedayaa badane
• Asbaab ay dhigeen buu ku yimid amarka haystaaye!!!!
*****************************
• Iyagaa libaaxyo isu noqon oo islaarriyiye
• Midba inuu walaalkii legduu leebyaduu tumane!!!
• In laftood jabaysiyo ma oga le’ashadoodaase!!!
Intaas keddib, waxaa isweydiin mudan, sidee buu
ahaa xaalka iyo xiriirka ka dhexeeyay beelaha (qabiilooyinka)
soomaaliyeed, ka hor intaan xornimadu imaan?
Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad 90% reer
miyi ah. Waxaa ka dhexeeya isir, af, diin iyo dhaqan isku mid
ah. Duullaamadii iyo dagaaladii ka dhex dhici jiray, waxay inta
badan ka dhalan jireen Ceel (biyo) iyo Caws (daaq). Waxaa had
iyo jeer isku dhici jiray beelaha deriska ah. (Dhirtu siday isu
xigtay isu xoqdaa). Wax kastoo beelaha ka dhex dhacana, rag baa
ka arrimin jiray, oo geed hoostiis iyo gogol baa lugu kala gar
iyo mag qaadan jiray. Taariikhda inta aan ka ogahay, luguma hayo,
beelweyn si wadajir ah ugu duushay mid kale, iyadoo rabta inay
wada tirtirto! Ma jirin colaad soo jireen ah oo ka dhexeysay afarta
beelweyn ee soomaalida.
Beelaha Deelka iyo Ha’du, waa laba beelood
oo aan isku degaan ahayn. Badankoodna isma dhex dego, ismana yaqaanaan!
Intooda yar ee ee cirbahoodu is xigaan (Jiinka
& Qaafka) baa is yaqaan. Taariikhda luguma hayo (tusaale ahaan),
meel iyo goor ay ‘Ariboowe’ iyo ‘Arreey’
isku dheceen!!! Taariikh aan jirin baa inta laga been abuurtay,
lugu awr kacsaday. Muddo keddibna, dad aan badnayn baa been abuurkii
fahmay, iyagoo leh ‘waa nala khalday ( nala ajaray)!.
Si xun u isticmaalka taariikhda (misuse of history)
horaan ugaga soo hadlay maqaalkii ahaa ‘Awr ku kacsi), waxaa
noocyadeeda ka mid ah: dhacdooyin dhab ah oo la inkiro(denial);
laga been-abuuro (falsification); layska laalaadiyo dhacdo gaar
ah (fixation on a particular event); aan la sheegin (omission);
aan aqoon loo lahayn (ignorance); loo dhiig-miirto ujeedooyin
banaanka ka ah dartood (exploitation for extraneous purposes);
iwm.
Waxaa la yiri,Qabyaaladdu (tribalism) waa sida
geed weyn oo kale. Qaybta ugu xoog badani (xididdada) waa u qarsoon
tahay. Xididdadu(roots) waxay ku dhex jiraan ciidda(shacabka).
Waana halka ay ka nafaqo iyo shidaal qaataan!
Iyagaa ciidda ku nool ee ciiddu uma baahna. Haddii la faago(qodo)
oo xididdada bannaanka lasoo dhigo, geedku (qabyaaladdu) wuu dhimanayaa.
Haddii kalase, intuu koro oo sii ballaarto, ayuu yeelanayaa laamo
ad adag iyo caleemo fara badan. Hadba markii laan laga jebiyo
ama caleen ka dhacdo, kuwo kale (qabqableyaal horleh) ayaa u soo
baxaya. Sababtoo ah ciiddaa (shacabka) nafaqo iyo shidaal mar
walba diyaar ula ah.
Waxaynu nahay ummad 95% maskaxda iyo garaadka
laga haysto, oo aan xor u ahayn, xataa ku dhaqanka Diinta aynu
wada sheeganayno! Ayaandarrada na haysatana, waa qolooyinka na
haysta oo aan ahayn kuwo dagaal iyo wax iska caabin laysaga xoreyn
karo. Qolooyinku waa dad beri hore jiri jiray oo reer aakhiraad
(Ahlu qubuur) noqday, (Alyacni Odayaasha iyo Habraha lugu abtirsado).
Waa dad aadan waxtar iyo waxyeello toona gaarsiin
karin, iyaguna waxba ku tari karin. Haddii ragga ku adeegta ahlu
qubuurta iyo beelahoodu xisaabtami lahaayeen, wax badan baa isfurfuri
lahaa:
- War aan codka ku siinnee ama aan kuu dagaallannee,maxaad
beesha u haysaa?
- Maxaad beesha uga qabanaysaa arrimaha waxbarashada, caafimaadka,
nabadgel-
yada, garsoorka, siyaasadda iyo adeegga bulshada?
- Hadafkaadu ma wuxuu ku kooban yahay beesheenna mise gobolkeenna
mise soomaaliweyn oo dhan?
- Aragtidaada hoggaamiyenimo, ma waxay ku wajahan tahay annagoo
dhan (tus. reer Lugyahan iyo Misigyahan) mise reer Kubyahan oo
keliya baad madax u tahay?
Ragga ku qaraabta ahlu qubuurta wax dan iyo maslaxa
ah uma hayaan beelahooda. Beeli waa jaranjaro ay danahooda ku
gaaraan oo keliya. Faa’idada iyo mirqaanka keliya ee ay
xubnaha beeli haystaan waa: ‘Nin annaga ah baa halkaas ka
taliya ama xafiiskeer fadhiya ama ciidankaan wata!!!’ iwm.
Arrinta
Ahlu Qubuurta waxaa in badan ka hadlay wadaaddada samankaan ugu
firfircoon ee Salafiyiinta. Illaa xadna way ku guulaysteen inay
caamada ka dhaadhiciyaan, in Ahlu qubuurta (tus. awliyo, culimo
iwm.) oo la baryaa ay dembi tahay. Waxayse ka leexdeen, illoobeen
amaba ku dhici kari waayeen inay si toos ah oo aan gabasho lahayn
uga hadlaan, farta ku fiiqaan oo magacaabaan Odayaasha iyo Habraha
iyo weliba geedaha iyo bahaladda lugu abtirsado!!!Mise waa gartoodoo
laftigoodaba waa lugu dheggan yahay!! Mise ‘Litacaarafuu’
bay si kale u fahmeen, waa iyagaa maxkamadihii islaamiga ku dhisay
nidaamka Ahlu qubuurtee???
Qaybta saddexaad
– Part 3 la soco qeyb kale
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
Hashiyosman@hotmail.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com
|