Arar & Afeef
Cinwaanka
maqaalku waa qaylodhaan aysan Soomaalidu horay u maqal. Markii
dhib, dil, gardarro, mashaqo, iwm. dhacaan oo arrini heer tolnimo
ama toleed joogto, ayaa “Tolla’ayeeey!” iyo
wax la mid ah la yiraahdaa. Maadaama xaalka maanta taagani uu
marayo heer soomaalinimo ama soomaaliyeed, ayaan inta curiyey
oraahda, sidaas darteed u doortay.
Waxaa jira su’aalo hababka looga jawaabay, ay soomaalidu
ku kala aragti duwan tahay: Cudurka Soomaalida haya daawo ma
leeyahay, mise waa sida carsaanyowga (cancer) oo kale? Hadduu
leeyahayna, malla helay mise weli waa la baadigoobayaa? Xaggeese
laga raadinayaa? Armaan daawo aanaan u baahnayn raadinteeda
ku rafaadnay? Marakan Soomaalidu diyaar ma u tahay inay si dhab
ah dib ugu heshiiso oo cudurka haya ka biskooto? Xaggee bay
tahay in dibuheshiintu ka bilaabato?
Habkee ama qaabkee loogu dhaqaaqi karaa? Kuwee bay tahay in
la heshiisiiyo? Kuwee ku habboon ama ay tahay inay bilaabaan
dibuheshiinta? Mise weli miyirqab & cafimaadba wejiga lama
siin karo? Armaa la jilifoobay oo la qolofoobay, oo laga baqayaa
in daawada laftigeeda lugu le’do? Sida doorshaankuba (xaar
walwaalka) ugu kogo (qonbobo) barafuunka!!!!
Waxaa dhici karta in nuxurka iyo falanqaynta maqaalku ay Somaaliweyn
si dadban ama toosan u taabtaan, oo ay kabuubyada ka bi’iyaan.
Hadafkaygu maahan inaan cidna (qof, qoys ama qabiil toona) wax
u dhimo. Aragtideyda qof ahaaneed ee ku wajahan ibtilada nugu
dhacday, kuwii sababay iyo sida looga bixi karo(biskoon karo)
ayaan jecleystay inaan halkaan ku soo gudbiyo. Abbaari mayo
xal siyaasaded, maamul samayn & xukun qaybsi toona!!
Maqaalku wuxuu dhammaystir u yahay kii ka horreeyay ee cinwaankiisu
ahaa ‘War niman yohow Raggii meeye?’ ee soo baxay
September 2007. Maadaama maqaalku dheer yahay, ayaan u habeeyey
saddex qaybood (Three parts) oo wada socda. Si ruuxii aan mar
wada akhrin karin, uu qayb qayb ugu hakado, kii kari karana
uu hal mar u wada akhriyo. Talo ahaan, waxaa ila quman in hal
mar la wada akhriyo, si falanqaynta, nuxurka iyo gunaanadka
maqaalka iyo isku xirnaantooda sahal & buufis la’aan
loogu fahmo.
Waxaa jirta maahmaah Shiineys ah oo leh “ Ninkii raba
inuu run sheego, ha diyaarsado faras aad u dheereeya.”
Anigu faras iyo baabuur toona ma lihi, baxsadna noqon mayo.
Waxaan waxgaradka soomaaliyeed ka codsanayaa inay ila fahmaan
“Biskoodka, wanaagga, islaaxa iyo Islaanimada” aan
raadinayo. Sido kale, waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in
wixii gafaf kama’ah, haddayba soo baxaan, ay saxaan…….
Ma gafe waa Illaah. Wixii ka yimaada maqaalkaan – shar
iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee
taa halla ogaado.
Gogoldhig
Daawo kastoo loogu talagalay inay cudur ama xanuun daawayso,
waxay leedahay doc kayeello. Kuwaasoo marar badan keeni kara
cudurro kale oo aan awal qofka hayn.
Ereyga „doc kayeello“ waa mid aan u hindisay erey
qalaad oo aan mid afkeenna ah oo u dhigma aan waayay. Ereygu
waa „side effects“. Waraaqaha la socda daawooyinka
oo dhan, waxaa had iyo jeer ku xusan waxa qaadashada daawo ka
imaan kara oo dhibaato ah. Ereyga “Doc kayeello”
waxaan kala soo dhex baxay ereyada ay ka mid yihiin waxyeello
ama doc-kayeer.
Soomaali haddaynu nahay, waynu wada buknaa. Cid fayoobi ma
jirto! Waxaynu ka kooban nahay in yaroo og inay bukto, iyo in
badan oo aan ogayn inay……
1960kii illaa 1969kii waxaa la ahaa bukaan ordaya;1969kii
illaa 1976kii mid xiimaya; 1977kii illaa 1979kii mid dhaawacoo
dhutinaya; 1980ki illaa 1985kii mid qoryo ku socda;1986kii illaa
1988kii mid luudayoo qoryihii ka jajabeen; 1989kii illaa 1990kii
mid xamaaranayoo fariiso isleh;1991kii illaa hadda waxaa la
noqday bukaan suuxsan (kooma ku jira).
Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad reer miyi u badan oo ad
adag. Bukto, macaluul, qahar, shiddo, gaajo, abaar, iyo colaad
dheeraatayba waxba kama dhimi jirin. Hasa yeeshee, 1991kii ayaa
waxaa haleelay ammuur kedis ahoo aysan horay u soo arag sheekana
ku maqal: Waa la wada suuxay: (Qayb sidii loo garaacayey suuxday
iyo qayb siday wax u garaacayeen kuwey suuxiyeen ku kor suuxay!!!!!!!!)
Dhawr jeer oo hore baa laysku deyey, in suuxsanaanta lala tacaalo,
iyadoo loo adeegsanayo daawooyin (shirar iyo wada hadallo) kala
duwan. Waxaana ka dhashay in si tabaryar indhaha loo kala furo.
Nasiibdarro, indho kala qaadkii waxaa laga sii qaaday qallal,
taah iyo af ka abrin!!
Haddaba, Haddii kiniiniga nabadda la liqo oo la soo miyirsado,
maxaa ka dhalan kara oo waxtar ama doc kayeellooyin (side effects)
ah?
Qeybtii 1-aad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
Hashiyosman@hotmail.com