Qeybtii 16-aad
NIN IYO AFADII
Beri baa nin iyo afadii waxay kuwada noolaayeen meel ninka
waa uu maseyr badnaa, naagtana waa ay socod iyo wareerk
badneyd sidaas darted mar weliba wey isku qeylin jireen,
wuxuuna ku oran jiray heblooy haddaad wreega dhaafi weydo
dadkaada ayaan kugui dacweyn doonaa, iyaduna waxay ugu jawaabi
jirtay markan ma inaad waalato ayaad dooneysaa waxaagu waa
ka badbadise, qaraabada soo lagaama soo salaami karo? Hase
yeeshee ninkii wuxuu go;aan hoose ku gaaray in uu naagta
wareegeeda badan iyo weliba soo dqaahiddeda habeenkii uu
dadka tuso maaddaama ay waanadiisii ay wax ku qaadan weysay.
Habeen habeenada ka mid ah ayaa sidii caadadeedu aheyd
soo daahday ninkiina sidii uu u sugayaayey ayuu markii ay
afarsaac aheyd ayuu albaabkii ka xirtay, wuxuuna ku dhaartay
inuusan caawe ka furi doonin guriga wax xooga kadib ayey
timid hase yeeshee guriga markii hore waa uu soo laabnaan
jiray, caawase waa uu xiran yahay, dareen baagalay, waxayna
qyaasta in uu isbedel xagga ninkeeda ah uu jiro, markasi
ayey si taxadir leh u garaacday, hadal qabowne waa ay u
raacisay oo waxay ku tiri hebalow waa heble iga fur guriga,
hasde yeeshee wuxuu ugu jawaabay beeshii aad xilgan ka timid
aad guriga kaama furayo welibana waxaan tusayaa dadkiina
beri subax sida aad habeenkii u wareegto si kasto haddii
ay yeeshay wey ka sasabi weyday in uu guriga ka furo, markaas
ayey u degtay xeelad, waxayna ku tiri ninkii maseyrka badnaa
haddii aad guriga iga furi weydo waxaan isku ridayaa Ceelka
gurigeena hortiisa ku yaala adigaana loo qabsanyaa, markaasi
ayuu kunyiri Ceelkaad sheegtee baddana isku rid, waa yahay
bey tiri waad arki doontaa sida dadkeyga kuu qabsadaan dhagax
weyn intay soo qaaday ayey Ceelkii ku sii deysay, waxayn
isku tiirisay albaabka laabkiisa, ninkii markii u maqlay
shaqarta ayuu si deg deg ah intuu albaabka furay ayuu Ceelkii
ku orday ayadiina intey dhaqso gurigii u gashay ayey albaakii
soo xiratay, isagoo ogaada xeeladdA lagu sameyey ayaa ku
bryootamay walaaley halmar iga fur mar dambe kaama xirayo
guriga hase yeeshee si kaste hadduu yeelay waa ay ka diiday,
habeenkkina banaanka ayuu ku baryey, dadkii oo dhanna waxay
ui shegtay in ninkeeda uu wareeg badan yahay, dadkiina sidaas
ayey u qaateen oo naagtii ceebtii ayey iska wareejisay.
HINAASO ama Maseyr
Beri baa waxaa is qabay nin oday ah iyo gabar yar, ninka
odayga wuxuu lahaa dugaan maalintii oo dhan halkaas ayuu
ku maqnaan jirey, hase yeeshee odaygu wuxuu ahaa mid aad
u masayr badan oo markasta shaqadiisa wuxuu ku joogi jirey
welwel ah in xaaskiisa cidi la hadasho. Naagtiisa oo ahayd
gabar aad u wanaagsan waxay dhawr jeer isku dayday inay
dejiso, hase yeeshee dhaqankiisu wuxuu noqday dabeecad lama
doorin karo.
Hadaba waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah ninkii oo
dukaankii ku maqan xilliguna yahay goor galab gaabad ah
gabadhii oo gurigeedii hor taagan inuu soo maray wiil ay
deris wada ahaaayeen oo markaas safar goboleed ka yimid,
intay wada istageen bay aad isku waraysteen hase yeeshee
wiilkii ayaa gabadhii wuxuu ka codsaday inay biyo uu cabo
siiso, waxayna horey u gelisay gurigii, halkii ayeyna bihii
intuu cabayey sheekadeedii waawaayo iyo derisnimadoodii
ka sheekaysteen, inta sheekadaa ay u socotay gabadhu way
wal-walaysay waayo waxay ogeyd in ninkeedu maseyr badan
yahay waqtigii uu imaan jirayna soo dhow yahay. Hase yeeshee
dareenkaa wiilka umaanay muujinin, wax yar kadibna albaabkii
ayuu soo garaacay, gabadhii talo ayaa ku caddaatay, wax
walba oo tuhun ahna way ku rumoobi doonaan haddii maanta
ninkan lagu arko, si ay yeesho ayey garan weyday kolba dhinac
ayey u carartay waxayna ku tiri wiilkii "Alla waa ninkaygii
oo masayr badan wuu ku dilayaa ama waad isdilaysaan, war
xageen ku geeyaa", wiilkii oo talo farihiisii ka haaday
ayaa yiri "anigu meelna ma aqaane meeshaad doonto I
gee", Fuusto afka laga gooyey oo guriga kaadkiisa taalay
oo marneyd ayey tiri "gal oo dhex fariiso" albaabkiina
ninkii way ka furtay, ninka waxaa la socda xamaali jawaan
daqiiq ah wada, wuxuuna markiiba naagtiisii ku yiri "intuu
guriga dhinac walba indhaha ugu ganay "keen burka meel
lagu shubo ninka jawaankiisa daruufka wuu rabaaye"
naagtii intay kolba meel haabatay ayey waxba soo wayday,
ninkii xamaaliga ahaana weli culeyskii wuu saarsan yahay"
isagii baa wuxuu ku yiri "war fuustada aka ka go'an
isga shub waa nadiife" iyadiibaase la soo booday "maya
haku shubin labada cirguduud fuustooyinka wax laguma shubo
oo cirfiid baa ku jiraa la yiriye" isagii baa la soo
booday "naa cirfiid iyo shaydaan midna kuma jiree ku
shub" Xamaaligii islamarkiiba afka ayuu u geliyey burkii
isagoo weliba taagan xooggii uu ugu dhacay burkii ninkii
fuustada ku jiray ugu caburmay, oo qaylo iyo qoob isku daray
kana soo booday fuustadii, isla markaana jiiray ninkii xamaaliga
ahaa iyo odaygii guriga lahaa labadaba. ninkii oo rumaystay
waxay naagtu sheegaysay ayaa ku qayliyey "Jinni …..
Cirfiid ….. Jinni …. Cirfiid ….".
waagaa wixii ka dambeeyey naagta warkeeda ninkii ma uusan
diidin..