Muqdisho waa muraayaddii dalka Soomaaliya
wax badan waa loo soo dalxiisi jiray weyna sheekayn jirtay,
waxayse aamustay sanadkii 1991-kii wixii ka dambeeyay, sababtuna
waxay aheyd wax aysan ka hadli karin ayaa lagu sameeyay xad
gudub ayaa lagu la kacay madaafiic ayaa lala dhacay waa la jirdilay
dharkii ayaa laga fiiqay indhihii ayaa basbaas iyo baaruud wax
loo kala garan waayey looga shubay, shib ayaa ka soo hartay,
waxayna warku ku gaabsatay Allaa jooga.
Intii ay madaxda u aheydna waa ay wada saameysay, Muqdisho
aamusnaan keliya maysan sameynine xattaa way is eegi kari
weyday indhaha ilmedu ka qubaneysay owgeed waxay arki weyday
18-kii muuqeeda sheeda sare kala socday misana islahaa wey
xalin doontaa mushkiladaha soo food saaray.
Muqdisho xal ay u hesho iska daaye arrinteedii ayaa sii cuslaatay
korkeeda ayaa hub kasta lagu tijaabiyey, wax walba oo xumaan
ah waa loo geystay xushmad daro kasta ayaa lagula kacay xishookii
bay ka tageen sharafteedii ayaa lagu tuntay, Sheekh Shariif
iyo Maras oo idil ayaa lagu hor silciyey muqdisho tan iyo
markaas wey aamusneyd, waayo muran joogta ah ayaa ka dul socday
dowladii timaadana looma dhamo mana taageersani ayey ku soo
idlaaneysay dowladba dowladbay dhashay.
Markii dambe waxay ku soo biyo shubatay in dowlad iyo maxaakiim
islami ah dood ay wada galaan waji cusub ayaa masaraxa siyaasadeed
ee soomaaliya la kowsadey hada iyo xeelado cusub, wadaado
u la bisan qaab miliri ayaa dig soo yiri oo tilmaamaaya in
ay ku maamulaayaan dalka dowlad islaami ah dowladii jirteyna
maysan la dhacsaneyn hab dhaqankeeda waxay doonaanba ha ka
u riyaane faraha ayey is ku fiiq fiiqeen ka dibna waa ay is
ku biro tunteen, dagaal ayaa loo sahan tagey, waa la is ku
habar wacday,waa la is awood tijaabiyey qolo ayey la liicday
si kastaba ha u liicdee koon furtaa la is la aadey sidaas
sila mid ah waxaa horey u liicay hogaamiye kooxeedkii in taa
ka dib waxaa la soo un key dowladaan hadda jirta oo lagu naaneyso
midnimo qaran shacabkii rajo ayaa soo gashay sidiisaba shacabkan
waa rajo ku nool weji kasta oo yimaadana teegeero ayuu siiyaa,
waxaan kala garan waayey danahooda meesha ay ku jirto inaysan
garaneynin iyo inay yihiin hayi raac iyo inay biseyl wadaninimo
aysan ku jirin waayo waxay taageereen maamul kasta oo yimaada
iyo wixii uu masraxa la yimaada haddana waa ay ku hun goobaan.
Shacabkan waa beylah aqoonyahanadoodiina kaniinkii hurdada
ayaa la wada laqsiiyey inta yar oo ka badbaadayna sonkor,
dhiigkar iyo isfiilito ayey ka qaadeen wax sheegoodana qof
waalan ayaa laga soo qaadaa maamuladana lagama ogola inay
lug ku yeeshaan, waayo tuhunkooda ayaa badan.
Doodaha dadka siyaasadda indho indheeya ayaa farta ku godayey
waxa ka soconaya dalka, waxayna u arkaayeen kud ka guur oo
qanjo u guur, wax walba ayaa la arkay wiil iyo aabahii oo
aan salaanta iska qaadeyn qoryana isku heysta, gabar iyo hooyadeed
oo kala afkaar noqday, qoys kala irdhoobay xushmaddii waalidnimo
ayaa luntay waa la kala dhaqaaqay qaac ayaa la is ku shiday
magacyo ayaa la isku bixiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin Murtad,
Qwaarij, Mushrikiin, Wadaad xumayaal, Mooryaan garey iyo kuwaas
kuwo la mid ah, wadaadadii Diinta ayaa kala miirmay qaarkood
waxay taageereen dowladda KMG Soomaaliya, halka kuwo kalena
ay taageereen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, khilaafkii
wuu sii xoogeystay xarig jiidad ayaa bilowday aayado ayaa
la is ku daliilshaday, qolo kastana waxay sheegtay inay iyadu
saxantahay, qolada kalena aysan heysan wax saxan, arrinkuna
waxa uu noqday mindi-mindi ku taag.
Muqdisho indho xumadaas indhaha ayey ka qabsatay mase rajo
dhigin rajado laga ma quusto ayuu ahaa hadlaka keliya ay dibnaheeda
u kala furto, uqdisho madaxay soo yara qaaday markay maqashay
hadalkii afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere
oo leh waan ka baxnay Muqdisho, waxayna ku soo baraarugtay
dad yaacaaya oo doonaya inay guryahooda dayactirtaan, markas
ayey hadashay oo tiri xageed u socotaan Al-xamdu Lilaah guryaheenii
ayaan ku laabaneynaa ayey dhaheen dadkii, laakiin mar kale
ayey Muqdisho aamustay ka dib markii ay dib u soo labo kacleeyeen
dagaaladii ka dhici jiray ee u dhaxeeyay ciidamada AMISOM,
kuwa dowladda KMG oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta
Al-shabaab, iyo hadalka beryahan dambe soo baxay ee ah inay
Itoobiya u soo socoto, wayna sii naxday markii ay maqashay
Muqdisho ayaan ku wajahanahay, waxayna dib u xasuusatay dhibaatadii
ay horay ugu geysteen.
Guntii iyo gebagebadii Muqdisho way yara faraxday misana
dhoola caadeysay, waayo waxay aragtay wadooyin sanado xirnaa
oo is kood u furmay, waxaa kale oo indhaheeda qabteen wadooyin,
dukaamadii iyo guryihii ciidamadu saarnaan jireen oo dhismo
ku socdo, sidoo kale waxay aratay mas’uuliyiin ku soo
qulqulaya xiisana u qaba inay arkaan Muqdishadii hore mid
la mid ah, waxayna odorostay nabaddii tallow ma ifafaalo nabadeed
baa mise waa maladeyda Allow Nabad nasii Aamiin Aamiin Aamiin
ayey tiri Muqdisho oo rajo nabadeed muujinahysa.
Waxaa Diyaariyey:- Suleymaan
Sheekh Ismaaciil Paracatamol5@gmail.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com