Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay Liibiya (Faallo) (Riix halkaan)
XILDHIBAANDA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED.?(Riix) 14.06.2011
Rooxaanland - II (Qaybta 2aad )(Riix) 14.06.2011

GIRAANGIRTA GUMEYSIGA {THE CYCLE OF OPPRESSION}(Riix)25.05.2011
GALBISKA WAA GALAB CASAR AH!!(Riix)21.05.2011
11 kun Ciidan ah oo Ilaalo u ah Min Madaxweyne ilaa..(Riix)17.05.2011
Hadii aad ku kalsoontahay in roob soo qaado dallad?!(Riix)17.05.2011

MAXAAD KA TAQAANAA TAARIIKHDA SYL?!!
(Riix)15.05.2011
MADALKA MADAXWEYNAYASHA MAHIGA-LAND
(Riix)14.05.2011
XILDHIBAAN IYO DANEYSTE MAXAA KALA HEYSTA?!!(Riix)08.05.2011
Hoo Layla Calaawi ee Codka I sii !!(Riix)07.05.2011
22/11/2011
kala soo xiriir webmaster@falaar.com


MAJAXAABINTA KAALMADA TURKIYA IYO SAAMEYNTA AY LEEDAHAY!!
Dowladda Turkiga waxay si hagar la’aan ah uga howlgashay u gargaaridda dadka macaluushu ku habsatay ee ka soo barakacay lix gobol oo ka mid ah gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, kaalmadu waxay isugu jirtaa gurmad degdeg ah oo ku saabsan quudin iyo daryeel caafimaad ah, iyo mid ku wajahan waxbarashada guud.

Si ay u joogteyso howlqabadka ay Turkiga ka waddo dalka Soomaaliya ayaa waxay magaalada Muqdisho ka furatay Safaarad xiriirisay wixii goobaha gargaarka looga baahdo iyo shaqaalihii lagu soo kordhin lahaa, taasina waxay abuurtay xiriir duulimaad diyaaradeed oo isaga goosha labada dal oo fududeynaya isu socodka iyo fulinta howlaha kaalmada ah oo uu Turkiga dalka ka wado, intaas keliya kuma sinna howlaha ay dowlaadda Turkiya ka damacsantahay inay dalka ka fuliso, waxay qorsheysay inay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ka nadiifiyo qashinkii is biirsaday 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda Turkiga sidoo kale waxay sheegtay inay ku talo jirto tababaridda shaqaalaha dowladda, sida adeegga guud, carbinta shaqaalaha dowladda, casriyeynta maamulka banuugta, tababaridda ciidanka nabadgelyada iyo qalabeyntooda, difaaca xuduudka badaha iyo wixii la mid ah, howlqabadka Turkiga waxaa qorsha ugu jira inay balaariso tacabka beeraha si looga hortago ama loo baajiyo macaluul dambe oo dalka ka dhacda.

Dowladda Turkiga waxay kaloo gacan weyn ka geysaneysaa horumarinta iyo warshadeynta ilaha dhaqaalaha ee dhabiiciga ah oo dalku hodanka ku yahay, sida daryeelka iyo tarminta xoolaha, wax soo saarka kheyraadka badda, wax soo saarka beeraha, sahaminta iyo wax soo saarka macdanta, warshadeynta tacabka beeraha, hirgelinta tacabka cimilada oo la adeegsado, sida qoraxda iyo dabeesha oo koronto laga dhaliyo iyo macaaneynta biyaha badda, hadba sida loogu baahdo, intaas iyo in ka badan oo wada gargaar ah ayaa Soomaaliya miiska wada saaran oo sugaya in laga howlgalo, si loo hirgeliyo u gargaaridda nugulka bulshada, iyo taakuleynta danyarta Ummadda iyo mashaariicda kor ku xusan, Turkiga waxay keeni doontaa sida ay sheegeen mas’uuliyiintooda ciidan nabadda suga oo xilka kala wareega kan fadhiidka ah ee Yugandha iyo Burundi ee lagu magacaabo AMISOM.

Waxqabadka dowladda Turkiga kuma saleysna luminta madaxbanaanida qaranka sida tan hadda aanu ku jirno, kuma saleysna dan dahsoon oo Turkiga u laabantahay oo dhaawici karta xornimada bulshada Soomaaliyeed, kuma xirna dal-ballaarsi Turkigu uu damacsanyahay, kuma saleysna in Turkiga abuurato ila dhaqaale oo ay macaash balaaran ka kasbadaan ama dan kale oo istrateeji ah iyo wixii la mid ah, waxay ku saleysan tahay in Ummadda Soomaaliyeed oo la jaha-wareeriyey 20-kii sano ee la soo dhaafay ay cagaheeda ku istaagto, inay dib u hanato qabkii qaranimo oo ay lahaan jirtay oo hadda dhalanteed noqday, inaan dunida wax la qabsano oo aan ka xorowno gacan hoorsiga Qaramada Midoobay, iyo magansiga dalalka aynu deriska nahay oo ku howlan sidii ay noo qeybqeybin lahaayeen oo noogu talin lahaayeen sida aynu hadda ku suganahay.

Haddan calfano waxaas oo dhan dowladda Turkiga waxay noo tahay aalladdii aanu ku xoroobi laheyn, inta kor ku xusan iyo in ka sii badan oo soo raaci doonta cid baa diidan oo ay sun iyo waabaayo la tahay, waxayna ku howl jiraan sidii rajadaas ay u fashilin lahaayeen, waxay adeegsanayaan farsamo kasta oo lagu carqaladeyn karo si xiriirka dowladda Turkiga iyo kan dowladda dhexe ee Soomaaliya uusan marna miro dhal u gaarin.

Muuqaalka Turkiga iyo Geeska Afrika:- Dowladaha IGAD ayaa maqaawiir ka ah muuqaalka siyaasadeed ee Geeska Afrika, gaar ahaa arrimaha ku wajahan Soomaaliya, Soomaaliya uma arkaan wadan xor ah oo Ummaddiisu leedahay ee waxay u arkaan dal bililiqo ah oo cid walba ay cad ka goosan karto, waa dhab in amarka Meles Zenawi uu faro madaxda dalka in laga ansixiyo guud ahaan dalka oo dhan, gaar ahaanna gobolada sameystay maamul goboleedyada sida Puntland, Somaliland, Galmudug, Ximan iyo xeeb, iyo kan cusub ee Azaniya.

Waa dhab in Museveni iyo Meles Zenaawi ay xukumaan madaxda dowladda KMG oo ay ku qasbi karaan inay xilka ka wareejiyaan ninkii aysan rabin, kuna bedelaan ninka ay wataan, sidii Maxamad Cabdullaahi Farmaajo xilka looga qaaday oo loogu wareejiyay C/weli Maxamed Cali {Gaas}, waa dhab in jananka madaxda ka ah AMISOM inuu xilka ka wareejin karo wixii ka hooseeya Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka oo ka soo fula Madaxweynaha Yugandha Yuweri Museveni.

Sidoo kale waa dhab in madaxda dowladda KMG ay marti u yihiin qorshaha siyaasadda ee ay wataan dowladaha aynu deriska nahay, sidaas darteed, madaxda IGAD ma ogola in dowladda Turkiga ay soo dargasho oo dib u jaheyso aayaha Ummadda Soomaaliyeed, si taasi maarnaba u dhicin, waxay adeegsanayaan cid kasta iyo farsamo kasta oo lagu wiiqi karo hanaqaadnimada xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeya.

Danta Soomaaliyeed xagee ku jirtaa?:- La arag dhibkii uu geystay ciidankii Xabashida oo gabagabeeyay gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya, la arag ciidanka AMISOM oo burburiyey dad iyo hantiba, haddana aan dunidu wax ka oran dembiyada ay dalka ka galeen, AMISOM waa ciidan tababaran oo si door leh u hubeysan oo xoreyn kara dal dhan, haddana waxay ka badin waayeen inay sugaan ammaanka Muqdisho oo qur ah, waxayna si ula kac ah u xasuuqeen dadka Soomaaliyeed, yaa AMISOM ka aogolaan kara inay godka difaaca dabadda kula jiraan oo ay mushaarkooda halakaas ku sugaan? haddaba dantoodu ma ahan inay Al-Shabaab l dagaalamaan ee waxay rabaan inay Al-shabaab sii jirto si AMISOM ay dalka u sii joogto, sidaas darteed Museveni iyo Meles Zenawi ayaa na haga, qaranimadiina iyaga ayaa la wareegay, dowladda KMG ragga madaxda u ahna waa maqaarsaar, arrinta Soomaaliyeed waxay la mid tahay libaax neef qabsaday oo haddana diiddan in cid kale u soo gurmato oo neefka ka dhigta.

Qarxintii Ardada Soomaaliyeed:- Xuuraanka la helay wuxuu muujinayaa in Al-shabaab qandaraas lagu siiyo in magaceeda la adeegsado oo dhacdo kasta lagu marin habaabiyo cidda ka dambesa si loo wiiqo kalsoonida ay Turkig dooneso inay dalka wax u qabato, siaas darteed, Turkig waa in la cabsigeliyo si ay uga rajo beesho wax ka qabadka gobolada koofureed, dhacdooyinkaasi naxariis-dararada ku saleysan waxaa laga soo maleegaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. 870635.

Meles Zenawi laba daran mid dooro:- Meles Zenawi wuxuu Geeska Afrika ku leeyahay muuqaal siyaasi fac weyn oo la jaan-qaada adeegsiga dowladaha waa weyn, wuxuu fure u yahay danaha masiixigu ka damacsanyahay geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, wuxuu leeyahay ciidan balaaran oo uu faragelin ku sameyn karo hadba meesha danta dowladda Itoobia ku jirto, ama midda jaalkiisu doonayo, wax walba waxaa uga sii weyn in Meles uu awood u yeesho inuu kala qeyqeybiyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo uu gacanta ku dhigo siyaasiin u godlan xiriirkiisa, iyadoo dantoodu tahay in la bari-kiintaaro madaxnimada si ay xukunka ugu nagaadaan, madaxda u heelan Meles Zenaawi waxay ku qasbanyihiin inay fuliyaan wax kasta oo looga hortagi karo gacaansaarka ay dowladda Turkiga la yeelatay dowladda KMG inuusan marna miradhalin, taas waa midda keentay in C/raxmaan Faroole iyo madax kale oo ka tirsan maamulkiisa ay muddo badan u fadhiyeen Addis Abeba si ay uga qeybqaataan xeeladdii lagu baanjarin lahaa waxqabadka dowladda Turkiga ay ka damacsantahay gobolada Koofureed.

Keenid ciidan Xabashiyeed:- Meles Zenawi hore ayuu ugu guuldareystay inuu hananto koofurta Soomaaliya, haddii madaxdu ogolaato in la keeno ciidan Xabashiyeed, bulshada ayaan ogoleyn inay soo baalgeliso ciidan noo ah cadow soo jireen ah, hase yeeshee bulshada Xabashida ee rayidka ah waa dad wanaagsan oo aanu nabad ku wada noolaan karno, waxaa na soo gaartay in C/raxmaan Faroole uu u ololeynayo ciidan Xabashiyeed oo Puntland ka difaaca Al-Shabaab, sidoo kale ilaa hadda lama soo sheegin ciidan Al-Shabaab ka mid oo soo dhexqaaday gobolada dhexe oo u soo talaabay Puntland, in Meles Zenawi uu ogolaado ciidan la geeyo Puntland oo looga hortago kuwa Turkiga damacsayahay inay dalka keenaan, ma ahan arrin Xabashida ku gaar ah, waxaa ka horeeya in marka hore Meles Zenawi helo aqbalka Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay, isla markaasna uu helo baalan-qaad dhaqaale oo lagu joogteeyo ciidankiisa.

Ugu dambeyntii xeeladdan la damacsanyahay in lagu horistaago imaanshaha ciidan Turki ah waxba kama baddeli doonto mowqifka dowladda KMG iyo dowladda Turkiga isla gaareen, Ra’isul wasaare C/weli Gaas oo ku jira labo dhagax dhexdood waxa uu ku qasbanyahay inuu Faroole la soo safto oo Meles Zenaawi ku booriyo in Puntland la geeyo ciidan Xabashiyeed, waa la filayaa inuu isku dayo sidii uu u boqno-goyn lahaa xiriirka wacan oo dhemaray dowladda KMG iyo dowladda Turkiga oo ku wajahan qorshaha gurmad oo la sii joogteeyo, soo nooleynta adegga guud iyo horumarinta guud ee uu Turkiga damacsanyahay inuu fuliyo, C/weli Gaas wuu ku qasbban yahay inuu danta Puntland leedahay uu ka hormariyo midda guud ee Soomaalidu wadaagto.

Waxaa Qoray:- Ayuub A. Aadan

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com


Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2011® Free counter and web stats