Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay Liibiya (Faallo) (Riix halkaan)
XILDHIBAANDA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED.?(Riix) 14.06.2011
Rooxaanland - II (Qaybta 2aad )(Riix) 14.06.2011

GIRAANGIRTA GUMEYSIGA {THE CYCLE OF OPPRESSION}(Riix)25.05.2011
GALBISKA WAA GALAB CASAR AH!!(Riix)21.05.2011
11 kun Ciidan ah oo Ilaalo u ah Min Madaxweyne ilaa..(Riix)17.05.2011
Hadii aad ku kalsoontahay in roob soo qaado dallad?!(Riix)17.05.2011

MAXAAD KA TAQAANAA TAARIIKHDA SYL?!!
(Riix)15.05.2011
MADALKA MADAXWEYNAYASHA MAHIGA-LAND
(Riix)14.05.2011
XILDHIBAAN IYO DANEYSTE MAXAA KALA HEYSTA?!!(Riix)08.05.2011
Hoo Layla Calaawi ee Codka I sii !!(Riix)07.05.2011
22/11/2011
kala soo xiriir webmaster@falaar.com


DOQON NALA DHASHA KA ROON DIRACYO KENYAANTI AH!!

Xeererka caalamiga meelna kagama taal in qaran xubin ka ah Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo ururada Carabta iyo midka Islaamka si cadaan ah loogu soo xadgudbo xuduudda uu dalkaasi la leeyahay, waxaana haatan ay arrinkaasi ka taagantahay dalka Soomaaliya oo ay ku soo xadgudubtay dowladda Kenya oo iyadoon wax fasax ah u geysan gelitaanka Soomaaliya iska soo gashay, kana dhego adeygtay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif.

Waxaad mooda in leysku qaldayo joogitaanka dalka Soomaaliya ciidamada AMISOM oo xilligan ku jooga Soomaaliya sida la sheego sifo sharci ah {Mandate}-ka Qaramada Midoobay iyo kan dowladda KMG Soomaaliya, sidoo kale midka Midowga Afrika oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay, balse ay xusid mudan tahay inay xasuuq ba’an ka geysteen gudaha dalka Soomaaliya tan iyo intii ay dagaalada kula jireen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Dr. C/weli Maxamed Cali {Gaas} waxa uu ku aragti noqday wasiirka gaashaandhigga dowladda Kenya Yuusuf Xaaji iyo Faarax Macalin oo ah Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya, xaqiqdii waa qaa’inu wadan qiyaanay qarankii uu Ra’isul waasaraha uu ka ahaa, halka Madaxweyne Shariif uu mowqif cad ka istaafgay markii hore soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo uu markii dambe si qasab ah ku ogolaaday ka dib cadaadisyo faraban oo uga yimid dowladaha taageera dowladda KMG Soomaaliya.

Akhritow sow lama soo gaarin in gumeysiga ay u adeegayaan kuwa xilka u dhaartay, dhammaan inta Xildhibaanada aragtida gumeysi doonka ah muujiyey iyo Ra’isul wasaare C/weli waxaa quman in maxkamad la soo taago, sabbabta oo ah waxay ka been sheegeen dhaartii aheyd inay dalka Soomaaliya ka difaacayaan cadow walba ee dibadda iyo gudaha ka soo hajuumo, balse waxaa muuqata inay iyagiiba ku soo hogaaminayaan hodowgii ay sheegeen inay ka difaacayaan Soomaaliya.

Waxaa quman in qofwalba oo Soomaali ah aamino halkudhigga oranaya Doqon ila dhashaa iiga roon diracyo Kenyaan ah, Al shabaab oo la ogyahay inay yihiin urur isku baheystay aragti guracan ayaa haddana la dhihi karaa waa Soomaali dalka, dadka iyo diinta ayey wax ku leeyihiin, halka Kenya ayan dalka, dadka iyo diinta waxba ku laheyn, riyadii C/aahi Yusuf ee shaqeyn weyday ayaa xaqiiqdii dib loo soo nooleeyay meeshii uu marayna waa la ogaa, waxaana ku baaqayaa in kuwa xilka haya hadda sida Ra’isul wasaaraha xilka laga qaado, ka dibna maxkamad caalami ah la soo taago, maadaama ay qayaaneen dadkooda iyo dalkooda.

Kenya iyo Itoobiya oo lagu aragti noqdaa waxay abuureeysaa in shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu noqdaan taageerada Xarakada Al-shabaab, sabbabtoo ah hadafka iyo ujeedada Kenya iyo Itoobiya oo gumeysi cusub ah ayaanan marna shacabka aqbali karin, Al- shabaab waa doqono Soomaali ah garan waayey xalka iyo badbaada Soomaalida halka uu ku jiro, macnaheeda ma aha cidwalba ayaa ka fadli badan balse dalka, dadka iyo diinta ayey wax ku leeyihiin, Faroole iyo Cabdiweli iyo C/aahi Yusuf weli kama ayan rajo dhigin gumeysi u adeega, shacabka Soomaaliyeedna waxaa la quman in ummadda Soomaaliyeed ay ka hortagaan gumeysiga cusub eel ala damacsanyahay in mar kale la geliyo ka dib bixitaankii ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya.

Dhacdadan xanuunka badan ee gumeysi doonka ah waxaa sabab u ah heshiiskii Garoowe ee Sheekh Shariif kula galay jufada Faroole, iyadoo la ogyahay in doofaar uu xalaal noqon karin abid, waxaa ay mareeysaa in Ra’isul waasahii uu doortay noqday nin weli ku taagan hadafkii iyo ujeedadii guracneyd ee C/laahi Yuusuf ku gumaaday shacabka reer Muqdisho iyo midka Kismaayo, waxa uu dhahay Cabdi-weli maxaa diiday Kenya inay la dagaalanto Al-shabaab, halka Yugandha iyo Burundi Muqdisho ay kula dagaalayaan Xarakada Al-shabaab, hadalkaas oo aan aheyn hadal uu nin mas’uul Soomaaliyeed ku hadlo.

Weli waxa uu dafirayaa in Yugandha iyo Bureundi ay dalka Soomaaliya ku joogaan wood iyo waajibaad {Mandate} u idmaday UN-ka Un-ka iyo Midowga Afrika ee AU-da xagee Kenya ka heshay awoodda ah inay ku xadgudubto xuduudda dalka Soomaaliya, iyada oo aan heysan wax ruqsad ah oo ay siisay Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay toona? IGAD ayuu ku rafanayaa C/weli xagee jiraa Baarlamaankii dalka lahaa, sow ma qumana in Baarlamaanka ansixiyo haddii aay Kenya xuduuda soo dhaafeyso iyo haddoo kaleba, miyey habooneyd in Baarlamaanka la hareer-marsiiyo arrinkaasi, su’aashu waa maya iyo ma habooneyn in la hareer-marsiiyo.

Yuusuf Xaaji iyo Faarax Macalin waa Kenyaan magaca Soomaaliya wata, una adeega danaha Kenya, Soomaalida inta ugu badan lama yaabana, balse waxaa ceeb ah in ciidamo beeleed muddo lagu soo tababarayey dalka Kenya la yiraahdo waa ciidamo dowladeed, markii ciimadaas laga adkaaday ayey dowladda Kenya bilowday inay soo gasho gudaha Soomaaliya si ay beel gacanta ugu geliso gobolada Jubbooyinka, iyada oo marmarsiiyo ka dhiganeysa inay dagaal kula jirta Xarakada Al-shabaab oo dad dalxiisayaal ah ka soo afduubtay dalkeeda, inkastoo ay Al-shabaab beeniyeen arrinkaasi.

Bal fiiri maanta waxa lagu dagaalamayaa waa magacyada Raaskambooni, Azaaniaya sow double moral ma aha in marna ciidamada dowladda lagu sheego marna magac beeleed lagu sheego, Maxamed Cabdi Gandhi iyo Axmed Madoobe iyo Faarax Macalin reerka ay yihiin cidna ma mooga, balse waxa mideeyay ayaa ah danaha reerka in laga hormariyo wax walba.

Sheekh Shariif haddii aadan cadeyn xilliga ay ka baxayso Kenya xuduudada iyo carada Soomaaliya waxaad la mid noqoneysaa kuwa gumeysiga u adeega, inta goori-goor tahay waa in Xildhibaanada iyo Ra’isul waaraha gumeysi doonka ah talaabo laga qaadaa, Baarlamaanka KMG ahna waa inuu u istaagaa diidmada gumeysiga cusub ee ay doonayaan qaar ka mid ah dadka sheeganaya inay Soomaaliya madax u yihiin.

Guntii iyo gebagebadii Rule of law sharci ama qaanuun iyo kala dambeyni ma jirto, sharftii iyo cisiga Qaranimada Soomaaliya cidna kuma tuman karto hore ayaan C/aahi Yusuf oo isugu magax-daray maquuste uga diidnay, lamana ogolaankro gumeysi cusub.

Waxaa Qoray:- Dr. Cali A.. Hiraabe Email:- Hirabe_a@hotmail.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com


Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2011® Free counter and web stats