Umad kasta oo dunida ku nooli waxay u baahantahay
inay yeelato xoog ka caabiya cadow kasta oo dibadda iyo gudaha
kaga yimaada si ay u helaan nabad iyo nolol waarta oo caalamka
ay kula jaanqaadaan.
Soomaaliya tan iyo maalintii ay dhacday xoogii militari ee
maamuli jiray dalka muddo ka badan 20-sano, lahaana awood
milatari oo heybad iyo quwad ku lahaa dhamaan qaardda Afrika
ma is weydiisay aaway xaguu ka baxay?, jabhadihii ku dhisnaa
qabiilka ee riday awooddaasi aaway xagay ka baxeen?, qabqablayaashii
ka dambeeyay rididtaankii xukuumaddii hore aaway xagay ku
dambeysay, kuwaan maanta hortaagan Ummadda “xagay ku
dambeyn doonaan”?.
Si hadaba aan taas u ogaano waxaa muhiim ah inaan isweydiino
xoog aan xikmad laheyn intee Ummadi heyansan karaa?, maxuuse
u baahanyahay xoog kasta si uu u jiro inuu helo?, maxaase
ka dhaxeeya xoogagaasi soo maray Soomaaliya iyo kuwa hadda
wadadii xoogagii kii horeeyay haya?, maxayse ku kala badalanyihiin?,
waa su’aalo u baahan isweydiin iyo turxaan bixin, si
aan u helno badbaada joogta ah ugana badbaadno balaayada maalin
walba shaati soo xirata, shar ayaan wadnaa” dadkiina
shar iyo sharaf dhac ku khatima iyo ilaahow nadhaafi kuwaan
shartoodda.
Xoogagaas soo maray Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya:- In dhamaantood
ay ku yimaadeen xoog ay rabaan inay ku xaqiijiyaan damac khaas
ah iyo dana hoose oo aan marnaba ka tarjumeyn dan Soomaali
iyo dowlad loo simanyahay, inay kaa shadaan sokeeye iyo shisheeye
intaba si ay u xaqiijiyaan inay shacabka xaaraan ku heystaan
xoolahoodana boobaan, xaqbadnna ka jaraan, cid kasta oo tiraah
maya, joojiya waxaan sax ma ahane, inay kala qeybiyaan shacabka
Soomaaliyeed iyagoo umuujinaya inay masalaxadooda ka shaqeynayaan,
magacoodana ku qaraabtaan gudaha dalka iyo dibaddaba.
Inay qaataan qandaraas kasta oo dibadda ka yimaadda, sida
shalay waa shuuciyad {Communism} barina waa dimuquraadiyad
{Democratic}, haddana waa diin aan fahmeyn {Un understandable
religion} anaga iyo Al-qaacidda bas ah, Soomlidana weli ma
fahmin diintaas, inaan lagu soo dooran diin ahaan, dad ahaan
iyo dal ahaan intaba, cid dooratay ma jirto waa Jinni boqor
is dooratay, jahanama ku shubay dadkii, dalkii iyo diintii
intaba meelna uga dhacay dunidana ka reebay qarnigan 21-ka
maraya, maanta mugdiga geliyey masiirkii Ummadda iyo magacii
Soomaaliya dunida ku lahaan jirtay, qabrina ku riday qaranimadii
dalka lahaa, inuusan jirin qaanuun loo simanyahay oo lagu
maamulo dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay ku maamulaan hadba
sidii ay naftooda jeceshahay iyo maskaxdooda khaaska ah.
Inay yartahay maslaxad guud oo ay ka shaqeeyeen marka laga
reebo wax yar oo iyadana masiibada ay ka tageen duufaantii
ka dhalatay ku sii burburay dhaxalna aan u reebin jiilka mustaqbla,
in hantidii ka dhaxeyasay Ummadda Soomaaliyeed lagu maamulay
musuq-maasuq aan loo meeldayin oo ah eex, laaluush iyo meel
aan dhuuqo madaxa ii geli anaa maalaye iyo isbaaro lagu baneysatay
hantida iyo dhiiga shacabka oo maalinba shaati loo xiro mid
jabhad, mid qabiil iyo mid diin intaba, wax ugu soo laabta
bulshadana aysan jirin waxa laga qaadaa, waxyaabahaas way
ku kala badalnaayihiin mid huwan shaati qaran dunida ictiraaf
ka heysta iyo mid jabhad qabiil ku dhisan qaran ku doonayo
iyo mid diinta Ilaahay magaceeda wax kudoonaya.
Xagay ku dambeyn xoog aan xikmadi ku dhisneyn, maxuuse yahay
xoogga aan xikamad ku dhisnayn?:- Hadaba xoog kasta oo aan
ku imaan rabitaanka iyo doorashada shacabka Soomaaliyeed ma
sii jiraayo magacii uu dono hala baxee shaatigii uu doonana
ha soo xirtee, sababtana wax xaaraan ayuu ku dhisan yahay,
wax xaaraan ku dhisanna wuxuu khilaafsnyahay maamulkii Ilaah
dunidan ugu talagalay, wax kasta oo khilaafsan maamulkii Alle
dunidan uu ugu tala galayna xabaal baa u dambeyn.
Xoog kasta oo aan ku dhisneyn Diin {Religion}, dhaqan {Cuture}
iyo qawaaniin ay dadka heshiis ku yihiin loona simanyahay
kan u sareeya iyo kan u hooseeya iyadoo loo fiirineyn:- qabiil,
gobol, midab iyo wax kasta oo ka jira dhulka ee aan samadda
xiriir la laheyn waa la hubaa xabaal baa u dambeyn doonta
aaqirkii.
Xoog kasta oo aan cadaalad ku maamulin dadka ee dulmi la
yimaada ma cimri dheeraanayo, waayo dulmigaas ayaa daaqadda
ka saaraya kuwa geystana iyagoo duleysan ayey imaanayaan maalinta
qiyaamaha, qabriga ayuuna ka bilaabanaa ciqaabta ay ka galeen
Ummaddooda, sidoo kale xoog kasta oo ku tiirasan qori caaraddiisa
dadkana ka dhigay waxay xaqbadda {Dhuunta} ka jaraan, waxay
xabsi dhigaan iyo waxay afka qabtaan oo loo diido xoriyadda
inay cabbiran aragtidooda ma cimri dheeraado, xoog kasta oo
xiwaar {Wada-hadal} iyo geed hoostiis aan xaajada lagu gorfeyn
cuqaasha, culimada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee daacadda
ah aan soo marin xabaal baa u dambeysa aaqirkii.
Si marka Ummadda Soomaaliyeed maalinba koox xaaraan ku dhisan
taladeeda iyo masiirkeeda u qafaalanin waxaa muhiim ah inaan
fiirino cabir sax ah oo ku dhisan kuwaan maxay ku yimaadeen
meesha, maxayse rumeysanyihiin?, inagoo aanan fiirin qabiil
ahaan iyo gobal ahaan midna, waxa aan ku kala badbaadi karno
dunidana aan wax kula qebsan karno waa inaan diyaarino qiyaamkii
iyo qawaaniintii na kala hagi laheyd oo ah diinta Islaamka
iyo qawaaniin aan ka hor imaaneyn diinta Islaamka, in maamul
kasta ee ku yimaadda doorasho xalaal ah oo ku dhisan xikmad
ay heshiis ku tahay Ummadda lana diyaariyey doorashada ka
hor, kuwaas oo xadidaya waxa laga rabo qofka maamulaya dalka
iyo sistemka ama nidaamka iyo qaabka uu ku maamulayo dalka,
in la xadidaa waqtiga uu xilka haynayo maamul kasta oo la
soo doorto muddo xadidan, ka dibna ka tagaa talada dalka si
uusan u noqon qasriga carabta ay ku fadhiistaan qabriga oo
keliyana looga daego.
Guntii iyo gebagebadii dowladnimada waa dad iyo dal leh qaanuun
iyo hogaan ay soo doorteen shacabka, marka qaran kasta oo
aan hogaankiisa iyo sharciyada uu ku dhisanyahay aysan ka
imaan Ummadda Soomaaliyeed iyo diinteeda waa xoog xabaal u
dambeyn doona.
Waxaa qoray:- Axmed Ibrahim
Sh. C/laahi Email:- ahmedqalinle@hotmail.com
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com