Maqalnay in ciidamo Kenyan ah ay ku soo qulqulayaan gudaha
gobalada Gedo iyo Jubbooyinka iyagoo ku andacoonaya inay dantooda
daafacayaan, laakiin xaajada ayaa u muuqata halkii ay Soomaalida
oran jirtay baroorta Orgigaga ka weyn.
Bishii September ee sanadkan aynu ku jirno ayey aheyd markii
uu bilowday damaca ugu weyn ee Kenya ay ku qabsaneyso gobolada
koonfureed ee dalka Soomaaliya, walow tan iyo in muddo ahba
ay ciidamada Kenyaanku ku riyoon jireen inay mar qur ah u
soo gudbaan gudaha Soomaaliya oo ah dhul kheyraard badan uu
dhex ceegaago, dadka qaarkood waxay qabaan in duulanka Kenya
uu qeyb ka yahay mashruuca Gandi iyo Faransiiska ay ku doonayaan
inay ku qabsadaan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana ognahay
in Kenya ay tahay goobtii lagu unkay mashruuca Azaaniya ee
Max’ed Cabdi Gaandi uu hormuudka u yahay, taas oo ay
jirto ayaa haddana waxaa loo helay marmarsiiyo, taas oo timid
ka dib markii ay sii xoogeysteen qafaalka laga geysanayo Jaziiradaha
dalka Kenya.
Bishii September ayey aheyd markii la toogtay muwaadin reer
Ingiriis ah, isla markaasna la qafaashay afadiisa, waxaana
falkaasi uu ka dhacay jaziiradda Lamu ee dalka Kenya, falkan
ayaa la sheegay inay si wadajir ah isaga kaashadeen Xarakada
Al-shabaab iyo kooxaha Burcad badeeda Soomaalida, haweeneydii
la soo qafaalay ayaa la sheegay in hadda lagu hayo qeyb ka
mid ah gobalka Mudug, inkastoo ay xusid mudantahay inay Al-shabaab
iska fogeeyeen inay wax lug ah ku leeyihiin afduubkaasi.
Sidoo kale isla bishii September ayaa koox kale oo burcad
ah waxay ka soo qafaasheen isla Jaziiradda Lamu Haweenay curyaan
ah oo u dhalatay dalka Faransiiska, taas oo dalxiis ahaan
u joogtay halkaasi, sidoo kale bishii hore ee October ayaa
ciidan ka tirsan Al-shabaab waxay xerada Dhadhaab ka soo qafaasheen
laba Dumar oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda MSF Spain
oo howl samafal ah ka waday xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya,
wixii ka dambeeyay afduubka shaqaalaha hay’adda MSF
ciidamada Kenya waxay bilaabeen dhaqdhaaqa xoogan, waxaana
ay damaacinayeen inay gudaha u soo galaan dalka Soomaaliya
si ay uga qeyb noqdaan howlgalka ciidan ee ka socda gobalada
Koonfureed ee cirifka xuduuda xiga, wayna soo galeen maalmo
ka dib, laakiin waxay tahay isweydiintu Kenya uma socoto la
dagaalanka Xarakada Al-shabaab iyo difaacidda dalkeeda ee
waxay u socotaa qabsashada gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya
iyo inay la baxdo kheyraadka dhex ceegaaga badda Soomaaliya
iyo ceelka shidaalka ee ku yaala Raaskambooni.
Soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya
waxaa ku kala qeybsamay madaxda gugu sareysa dowladda KMG
Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha dowladda KMG
Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu muujiyey dareenkiisa
Madaxweynenimo, wuxuuna si cad u sheegay in ciidamada Kenya
ay sharci-daro ku joogaan gudaha dalka Soomaliya, loona baahanyahay
inay banaanka ka tagaan oo ay ka baxaan gobolada Soomaaliya,
wixii taakulo ahna ay siiyaan ciidamada dowladda KMG, halka
Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Dr. C/weli Gaas uu isna
sheegay in Kenya ay ka garab siinayaan la dagaalanka Al-shabaab,
dowladda KMG-kana ay ku ogtahay soo gelitaankooda, taas oo
khilaaf ka dhex abuurtay madaxda sarsare ee dowladda KMG,
inkastoo markii dambe la sheegay in hoose loo xaliyey ka dib
markii ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya heshiis kala saxiixdeen.
Arrinka naxdinta leh ayaa waxay tahay in Ra’isul wasaaraha
Kenya iyo Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo saxaafadda kula
hadlay gudaha Kenya ayaa waxay sheegeen inay tahay talaabo
sax ah gelitaankooda gudaha Soomaaliya, isla markaasna ay
baacsanayaan sida uu yiri Al-shabaab, laakiin Wasiirka difaaca
oo Kenya Yuusuf Xaaji oo Muqdisho safar ku yimid hadda ka
hor ayaa sheegay in ciidamadooda aysan gelin anay joogin gudaha
Soomaaliya, isla markaana ciidamada ka dagaalamaya gudaha
Soomaaliya ay yihiin sida uu yiri kuwa dowladda KMG, taas
oo uu markii dambe ku fashilmay sida muuqata, ka dib markii
ay dagaalo dhexmareen ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa
Kenya.
Prof Cabdi Xuseen oo ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho
kana soo jeeda dhulka ismaamulka Soomaalida ee Kenya ayaa
sheegay in talaabada ay ciidamada Kenya ku soo galeen Soomaaliya
ay tahay mid gardaro ah, isla markaasna aysan habooneyn xilligan
in talaabadan lagu kaco, sidoo kale waxaa xusid mudan in shacabka
Soomaaliyeed dhammaantood ay ka soo wada horjeesteen joogitaanka
ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo sheegay
inay ku taageersanyihiin Madaxweyne Shariif hadalkiisii ahaa
in Kenya ay dalka uga baxdo, faragelintana ay ka deyso.
Suurtagalnimada qorshaha Prof. Gandi:- Sheekooyinka ugu badan
ee ay dadka hadal hayaan ayaa ah inay u badantahay faragelinta
inay qeyb ka tahay qorshaha Gandi uu ku doonayo in maamulka
la baxay Azaaniya uu kaga howlgeliyo gobalada Gedo iyo Jubbooyinka,
horay ayey Siyaasiyiin, Odayaal iyo Xildhibaano uga dalbadeen
dowladda Kenya inay joojiso gacan siinta Gaandi ee ku aadan
hirgalinta maamulka Azaaniya, waxaana xusid mudan in Kenya
qudheeda ay leedahay qorsha ay isugu balaarineyso Soomaaliya,
waxaana dadka qaarkood ay leeyihiin duulaankan waxa uu qeyb
ka yahay mashruuca Maraykanka ee la dagaalanka waxa loogu
yeero argagixisada, kaas oo qeyb ahaan loo wakiishay ciidamada
Kenya inay fuliyaan.
Hanjabaada Shabaab:- Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay
sheegtay inay qaadi doonaan weeraro xoog leh oo ka dhan ah
ciidamada Kenya eek u soo gardarooday gudaha dalka Soomaaliya,
isla markaasna ay beegsan doonaan daaraha dhaadheer ee Kenya
si ay Kenya u dareensiiyaan quwadooda, waxaana arrintaasi
darteed hadda ka taagan gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada
Nairobi oo xarun u ah Kenya weeraro bambaanooyin oo si sidaba
joog ah loogu weerarayo.
Waxaa Diyaariyey:- Axmed Warsame
Email:- ahmed.warsame@keydmedia.net
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com