Sida loogu wareersanyahay halka Soomaalidu asalkeedu ka soo
jeedo ma carab baa mise waa Afrikaan ayey umadani dhexdeeda
isku wareersantahay, sida Soomaalida iyadoo isku dhaqan Af,
Diin iyo Midab u kala irdheysan tahay oo towfiiqda looga qaaday
ayey u ayaan darran tahay mar waliba.
Ilaa jiritaanka Soomaalida inta la ogyahay bal dib u fiiri
taarikhdii Axmed Gurey iyo Geeska Afrika halgankiisii halkee
ku dambeeyay?, Sayid Maxamed C/lle Xasan sow awoodii gumeysigii
Ingiriiska laguma tijaabin?, xornimo doonkii, Shantii Soomnaali
loo qeybiyey AFIS ugu dambeysay sow Talyaaniga oo dagaalkii
labaad ee dunida ku jabay nalooma dhibin?.
Dowladdii ugu horeysay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sow howsheedii
koowaad kama dhigin soo celinta gobolada maqnaa iyo Somaliweyn
raadinteeda? dowladdii Kacaanka sow dagaal uma gelin soo celinta
Soomaali galbeed?, ayaan darada Soomaalida waa istiraatiijad
la’aan iyo qorshe xumo ay ku lamaanantahay daneysi iyo
ku takrifal, waa marka horee umad ahaan Soomaalidu ma aha
dad xadaarad fog leh aqoonta diinta, maadiga iyo tan dowliga
ahna aad bay ugu liidataa, tusaale ahaan sidii aanu dunida
ugu noolaan laheyn ayaan kari weynay, waxaan nahay dalka keliya
ee dowlad la’aanta ah, 46 sano markii uu xor ahaa ka
dib dowladnimo hanan waayey oo cadowgiisii qabsaday.
Dowladdii kacaanka Gen. Maxamed Siyaad Barre:- Soomaalinimadii
na madax martay iyo jaceylkii shanta Soomaali oo isu timaada
waxay keenaan inaan awoodda saarno dhisme ciidameed oo dhaqaalaha
ugu badan lagu bixin jiray, seddexdii gobol ee maqneyd waxay
kala ahaayeen sedan NFD gobolka Soomaalida ee Kenya la siiyey
waxaa daah saaray oo arrinkiisa in xoogga la saaro mugdi geliyey
is fahamkii Cigaal iyo Jomo Kenyata oo la oran karo qeyb ayuu
ku lahaa dhalashadii Kacaanka 21-ka Oktoobar, Jabuuti Faransiiska
ayey gacantiisa ku hartay wax dareen ahna ma saarneyn oo inay
xoroobeyso waa soo muuqatay jiho ay aadaba, Soomaali galbeed
gobolka Itoobiya la raacsiiyey ee Soomaaliyeed ayey qadartu
noqotay in la wajaho, jabhado lagu kiciyo ilaa markii Jamhuuriyadda
Soomaaliya markii dambe dagaalka si buuxda u gashay, dowladii
Soomaaliyeed khaladaadka istiraatiijiyeed ee gashay waxaa
ugu weynaa qiimeyn la’aanta xaaladda markaasi jirtay,
saameynta Itoobiya ee siyaasadda dibadda, kala guurkii dowladda
Soomaaliya, iyadoo Warso ka mid aheyd NATO ugu wareegtay iyo
arrimo kale, waana warma la qaaday heesta ah Galbeed waa la
xoreeyay Waarsaa gaagixisay.
Natiijadii waxay noqotay in Soomaalida dhexda ku lunto, Mareykankii
ay u wareegtayna waxba u qaban waayo, Warso-na inay Itoobiya
la safato sidaasaana ciidamadii Soomaalida lagu buburiyo jab
xunna ka soo haleelay, arrintaasina waxay aheyd bilowgii burburka
jamhuuriyadda Soomaaliya, maalintaasi haddaan qiimeyn kari
weynay xaaladda dunida oo dalal maqan oo aanu soo celino iska
daaye lafaheenii ku qamaarnay.., waxay ahayd in dib loo fiirsado
laakiin maxaa ka dambeeyay? .
Jabhadihii kacay:- Jabhadihii kacay ee sumadda Soomaalinimo
yeeshay waxay mid waliba salka dhigatay Itoobiya, iyadoo qorshaheedu
yahay inay rido taliskii Kacaanka iyo dowladdii Gen. Maxamed
Siyaad Barre uu hormuudka u ahaa, istiraajiiyad kale buuggaba
uguma qorneyn, maxaa dhacay Jabhad weliba beel ayey noqotay
sida SSDF oo u xuubsiibatay Majeerteen SNM oo noqotay Isaaq
iyo USC oo Hawiye aheyd, kuwo kalena waa jireen, SSDF seeftii
xoogga laheyd ee Kacaanka ayaa kala tuurtay, SNM-na awooddii
dowladnimo ayaa lagula dul dhacay, USC-na way u dambeysay,
laakiin xarfahaasi beelihii aan soo sheegay ayey u taagnaayeen
ilaa haddana loo yaqaan, markii Gen. Maxamed Siyaad Barre
meesha ka baxay istiraatiijad la’aantooda jabhadihii
beelo ayey u qeybsameen dagaalo sokeeye ayeyna isla galeen.
Dagaaladii sokeeye:- Waxaa nasiib darro aheyd markii ay bilowdeen
dagaaladii sokeeye oo Soomaaliya ka dhigay hoyga dhimashada,
gaajada, dowlad la’aanta, qaxootiga darxumada iyo ixtilaalka,
waxa ugu wanaagsan ee burburka ka soo dhex baxay waxaa la
oran karaa waa Somaliland oo haba sheegato dowlad madax bannaane
wax un maamul u eg ka jiro, is maqal xoogaa ahna laga helay,
dowladdii uu hogaaminayey Gen. Maxamed Siyaad Barre waxaanu
ku bedelnay dal qabqablayaal isku heystaan oo tobanaan imaaradood
iyo beelo u kala qeybsan, nidaamkii Hantiwadaaga waxaanu ku
bedelnay isuma-taliso iyo fowdo, Soomaalinimadii waxay ka
badin weysay inaanu beel beel isu dilno, qarankii jabay, karaamadii
luntay iyo dadkii kala tagay ee isla noolaan waayey, waxay
mar labaad garan waayeen sida dunida loogu noolyahay ka dibna
karkii karay ee karkaarada jebiyey wuxuu umiliyey inay wadaado
{Maxkamadihii Islaamiga} caasimaddii Soomaaliya la wareegaan
meesha ka saaraan qabqableyaashii 15-ka sano ku ilmo dhalay
ee Koonfurta Soomaaliya kala qeybsaday.
Fursaddii UNISOM:- Dagaaladii sokeeye markii ay socdeen sanad
wax yar un ka badan waxay Soomaaliya isu bedeshay dal burburay
iyo dad dhammaanaya oo tarab tarab u le’anaya, dunidii
xaaladdaasi ka damqatay waxay Soomaaliya ka dhigtay mid loogu
soo gurmado sidii loo badbaadin lahaa, loona quudin lahaa
Soomaalida dhammaanaysa ee Soomaalida kale laga siin waayey
gargaarkii,aan is weydiinee caga-bararkii iyo gaajadii kalabar
Soomaalida qarka u saarantay inay u dhammaato yaa sababteeda
lahaa, kuwii wadooyinka xirtay ee Baydhaba ka dhigay magaalada
dhimashada una diiday in dadkaasi ay macaluuliyeen ee ka haray
kuwii ay laayeen in gargaar la gaarsiiyo haddii ay markaas
ka dib arrintii jihaad u bedeleen iyo gaalo la dirir waxay
aheyd tijaabo aan soo marnay, fursaddaas noocii ay doonto
ha loo dhigee iyaduna waxay aheyd istiraatiijiyad xumo lagu
waayey dedaal kale oo Soomaaliya looga soo saari lahaa godkii
dheeraa ee ay ku dhacday, mana laga faa’ideysan ee isla
dabinkaas ayaanu ku soconnaa.
Midowgii Maxkamadaha Islaamiga:- Maxkamaduhu waxay taageero
ka heleen dadweynaha reer Muqdisho ka dib xukuumaddii Siyaad
Barre ku soo jiray cadaab iyo kadeed aan la qiyaasi Karin,
waxayna taageeradooda la mid aheyd tii la siiyey Jabhadihii
kacay siiba USC oo Muqdisho uga dambeysay dowladdii Maxamed
Siyaad Barre, laakiin ma jirin qorshe ama Istiraatiijad ay
Maxkamaduhu ku talo jireen ama hayeen, xittaa iyagii ayey
qaadan waa iyo la yaab ku noqotay inay ka guuleysteen qabqableyaashii
Muqdisho, ka dib markii ay Muqdisho si fudud uga faramaroojiyeen,
dad badan oo aqoonyahano iyo nooc waliba leh ayaa la taliyey
madaxdii Maxkamadaha kuna booriyey inaysan fursaddan lumin,
Soomaaliduna markan ay u dhowdahay in dowladnimadeedii la
soo celiyo, laakiin caadadii hore ayaa dib loo raacay oo caadifaddii
soo celinta Somaliweyn waxaa lagu bedelay caadifad kale oo
ah Jamhuuriyadda Islaamiga Soomaaliya, Raas-kaambooni ilaa
Gaalkacyo maxaa inoo dhiman ayey xisaabtii noqotay, rag madaxdii
Maxkamadaha ka mid ahaa oo kheyrka jecel ayaa iftooday, Baydhaba
barqa cad ayaa lagu tegayaa, ka dibna Puntland iyo Somaliland
ha is dhiibeen haddii kale daadkaa qaadaya ayey yiraahdeen?.
Laguma waaya aragnimo qaadan taariikhdaasi fashilka ah ee
aanu soo marnay, lama akhrin waayaha dunida, xisaabta laguma
darin xaaladda dunida ka taagan iyo waxa ka dhacaya Afghanistan,
Ciraaq, iyo Lubnaan, waxaanu ka dhaxalnay xaaladda aanu maanta
ku jirno ee gunta hoose aanu fadhino, micnuhu ma aha inaan
khaladka oo dhami anaga leenahay, mana aha inaysan macquul
aheyn dhismaha dowlad Islaami ah oo Soomaaliya yeelato shalay,
Beri iyo Saa-dambe, laakiin waxaa muhiim ah inaad akhrin karto
siyaasaddaha seddexda maran ee aad ku dhex nooshahay, inaad
abuuri karto jawi aad ku noolaan kartid adiga kuna jiri kartid
adigoon u gudbin deriskaada, danaha Mareykanka iyo Madaxweynihii
hore ee Bush Soomaaliya ka leeyahay iyo danta Itoobiyada Meles
Zenawi anagaa mideynay sanadka 2006-dii oo isku qasabnay sidii
aan sameynay sanadkii 1977-dii oo aan u mideynay danihii Warso
ee Midowgii Soofiyeeti iyo Itoobiyadii Mingistu, meelaha aysan
Soomaalidu iska bedelin ee falanqeyta u baahanna waa halkaas
hogaamiyeyaashii Maxkamadaha sanadkii 2006-dii iyo Gen. Siyaad
Barre isku ujeedo iyo hadaf ma aheyn, laakiin waxay ka sinnaayeen
Istiraatiijiyad la’aan iyo qorshe xumo.
Sanadkii 2007-dii ka dib:- Ka dib markii ciidamada Itoobiya
dalka sida xoogga ah ku qabsadeen aakhirkii sanadkii 2006-dii
Markii cadowga loo jabay Culimadiina yaaceen, haddana qorshe
xumidii suuragelisay guuldaradaasi weyn way sii socotay, wayna
ka sii dartay Istiraatiijiyad xumadeena ilaa heer aan gaarnay
inaan isku qabsano bixitaanka Itoobiyaanka iyo qaabka ay tahay
in dalka looga saaro,kuwii keenay ee TFG-da sheeganayey ayaa
isku khilaafsan, kuwa dagaalka kula jiray ayaa isku khilaafay
ummaddiina kuwaas ayey ku dhex luntay, dhamaantood sow uma
adeegayaan inay sii joogto Itoobiya?, haddii Soomaalidu is
heysato, la isku heysto, lana kala heysto yey faa’ido
ugu jirtaa?, istiraatiijiyad xumada salka na dhigatay ee aan
ku luminay qaranimadii, isku dilnay welina qarka u saarannahay
inaanu inta dhiman ku weyno sideen uga dawoobi karnaa ayey
haatan su’aashu mareysaa?.
Waa su’aal adag, laakiin aan is weydiinee kumanaanka
NGO ee xilligan dal dibad Soomaalidu ka dhiseen maxaa looga
heli waayey urur, xarumo ama machadyo istiraatiijiyadeed oo
Umaddeena haga, kala taliya masiirkooda iyo danahooda?. boqolaalka
aqoonyahan ee ku nool dibadda qaarkood wax ka dhiga Jaamacadaha
Waqooyiga Mareykanka iyo Yurub ma awoodi waayeen inay mar
un isu yimaadaan oo hanaan qaran u fekeraan ama dhisaan isu
tagyo Soomaalida loogu jeexayo hannaan ay dowladnimo ku gaari
karto.
Guntii iyo gebagebadii qormadeena yaa maanta sheegi kara
oo noo haya qaab aan ku qeybsan karno dowladnimada oo aan
aheyn qabiil iyo gobol? waxaasi oo su’aalo ah waxay
ku wajahanyihiin inta aqoonta u leh ee ka damqaneysa haadaanta
ay Soomaali ka sii laadlaado iyo inta ay ku harsantahay dadnimo
iyo damiir wadaniyeed, bal aanu isla sahmino walaalayaal.
kala
soo xiriir
webmaster@falaar.com