Soomaaliya, waa dal ka mid ah dalalka caalamka
oo xor ah, gaar ahaan ku abtirsada Qaaradda Africa, hadana dowlad
la,aan ah in ku dhow 20-sano, ka dib markii gacmaha dadka soomaaliyeed
iyo maskaxo shisheeye oo is kaashaday, ay si miyir la'aan ah
u dumiyeen dowladii kacaanka ee 21-kii sano ee ugu dambeysay
dalka maamuleysay.
Ha jiraan eedo iyo khaladaad loo tiriyo in ay geysteen maamulayashii
dowladdii Kacaanku, sababna ha looga dhigo waxyaabihii keenay
in Aqoonyahano, Saraakiil,Siyaasiyiin, Ganacsato, iyo ciidamo,
ka gadooday maamulkaasi ay mucaarad hubeysan kala horyimaadaan
dowladii Kacaanka, iyaga oo ka faa'ideysanaya Taageeradda shisheeye
iyo caradda shacabka soomaliyeed,aakhirkiina wax uu hardankaasi
soo geed fadhiisto dagmo iyo tuulo, wax uu dhalay in si fowda
ah xididadda loogu siibo Taliskii Malatariga ahaa,
Dabayaaqadii janaayo, 1991-dii, ayey aheyd markii ay isku milmeen
dhawaqa rasaasta iyo alalaaska dumarku, iyadoo loogu dabaal
dagayo dumistii xukuumadda iyo bixintii Madaxweyne Maxa'ed Siyaad
Barre, Allaha u naxariistee, maxaase dhacay, !!!
Waxaa dhacay, wixii dhici lahaa !! waxaa fursad isku helay
wax kasta oo kala caaganaa iyadoo aaneey jirin sharci kala
haga, waxaa dadweyne careysani ku qamaameen xarumihii dowladda
ilaa laga boobo Iskuuladii iyo Cusbitaaladii, mana jirin qof
qofka kale ka qabanayey qaladadka uu galayo, waayoo maba loo
arag xumaan,marna la isma weydiin, maxaa imaan, !! Maxaa dhici,!!
maxaa xigi, !! toona maalmo kooban ayaana lagu bur-buriyay
bilicdii goboladda iyo tii Caasimaddaba,
Waxaa yimi hanqal- taag iyo anaa mudan, maadaama jabhadihii
wada socday iyo kooxo kaloo tareenka gadaal ka soo raacayba
aaney jirin nidaam iyo qorshe ay hishiis ku ahaayeen oo lagu
badalayo waxa la wada duminayey,marka laga reebo in la wada
rido mooyee,waxaana mid waliba kan kale kula soo jeestay hubkii,
markaleeyna huguntay, waxaa yimi yaab iyo amakaag !!! halkaana
aan u daayo taa una gudbo marxalad kale.
Iskuma diidanin, dadka soomaaliyeed in ay is wada dileen,
Qaran, Qabiil ilaa Qoys, dalkana ay ka dhaceen dagaalo aan
ujeedo iyo ka jeeda laheyn oo cirif walba gaadhay, su'aashuse
waxa ay tahay maxeey salka ku hayaan dagaaladan iyo isbadaladan
aan dhamaadka laheyn ? yaase iska kaashanaya mushkulidda Soomaliya
ka aloosan bur-burkii dowlada ka dib ?
Aan u kala qado labo qeybood 1:- Beesha caalamka, 2:- Soomali
sheeganeysa siyasiyiin iyo wadaado aan wadaniyiin aheyn, ayaa
la oran karaa waxa ay iska kaashadeen dhibaatada soomaliya
lugaha kula jirto maanta,
1:- Beesha caalamka, oo muraayad ka daawaneysay waxa ka dhacaya
soomaaliya ridistii xukuumadda ka dib, ayaa bilowday dadaalo
iyo isku dayo la sheegay in soomaaliya loogu raadinayo dowlad
iyo kala danbeyn afka baarkiisa ah, hase yeeshee maadaama
ay ahaayeen kuwa aan ku imaan rabitaanka shacabka soomaaliyeed,
balse ay ahaayeen qorshayaal ay soo waarideen maskaxo shisheeye,
laguna qabanayay dalka dibadiisa dhamaantood waxa ay ku soo
idlaadeen natiijo la'aan iyo in ay uga sii daraan marxaladii
markaa la taagnaa,
Tusaale ahaan:-Dowladii Madaxweyne, Cali Mahdi, ee ugu horeysay
laguna soo dhisay jabuuti, Janaraal Ceydiid oo hogaamiye awood
cidanle ahaa lagama qeybgalin maamulka Jabuuti lagu dhisayay,
weyna muuqatay in uu dagaal kala hor imaanayo, waxaa dabadeed
la dhaxlay dagaalo iyo bur-bur, iyo in uu dhacao dagaalkii
la magac baxay 4-biloodle,waana dowladii soo jeedisay in ciidamadda
xooga dalku ay isku dhiibaan hubkana ku wareejiyaan jabhadihii
barigaa oo u abaabulnaa qaab qabiil,
Markaa ka dib, dhibaatada dalka ka dhacday waxa ay si xoog
leh u saameysay dhamaan dalka gaar ahaan gobolada koofureed,
oo dadka ku dhaqani ay ku noolaayeen tacabka beeraha, colaadaha
oo ka hor istaagay beerashadii dalaga iyo abaaro ku dhuftay,
awgood ayaa waxa ay sababeen in ay deegaanadaa ka dilaacaan
cuduro iyo macluul, ilaa magaalada Beydhabo ee G/bay loo baxsho
magaaladii dhimashada,mar kale ayayna beesha caalamku waxa
ay go'aansadeen in wax laga qabto dhibaatada bini-aadanimo
ee soomaaliya ka jirta, waxase jiray dano kale oo lagu hoos
waday, inkastoo wax laga qabtay macluushii iyo gaajadii barigaa
ka jirtay deegaanadaasi,hadana waxaa ka mug weynaa dhibaatada
ay barigaa beesha caalamka gaar ahaan mareykanku, uu ka geystay
ama ka abuuray soomaaliya.
Waa taariikh la wada xasuusto, umana baahna qalin dheer, balse
bixitaankoodii 1995-tii, waxaa dalka ka soo ifbaxay hogaamiye
kooxeedyo damacoodu kala fogaa, waxa uuna mid walba ka tala
qaadananay gacan shisheeye, oo aan soomaali wanaageeda ka
shaqeyneyn si uu isagu u fushado danihiisa, aakhirkiina waxey
dhaxashay in masiirkii dalka iyo umadaba la hoosgeeyo Dowlada
Ethopia, oo aan dowladnimadeenii u dhignay cashar aaneey iloobin
balse soomaalidu ilowday, bur-burka soomaaliya ku dhacayna
u aragta falaar ka fuqday wadnaheeda.
Qoraa soomaaliyeed oo goconaya sanadihii tagay iyo sanadaahan
danbe isbadalka ku yimi Soomaliya iyo Ethopia, iyo waxa uu
rag ahaa iyo sida uu maanta yahay ayaa waxa uu yiri, { Soomaaliya
waa qaran la qabjabiyay}dulucda sheekadaan oo aad u dheereyd,
ayaa tusaalaha ugu yar ee aan ka soo qaadanayo waxa ay tahay
sidan:- In 1993-dii ay Janano soomaaliyeed oo ka mid ahaa
ragii wax ka hogaaminayay dagaalkii taariikhiga ahaa 1977-dii,
ay magaalada godeey kula kulmeen saraakiil hoose oo Ethopian
ah waxna ugu yeeriyeen, bal eeg sida loo bah dilay soomaalidii
isla weyneyd, lama qadarin oo meel munaasba laguma qaabilin,
mana aaneey la kulmin saraakiil la daraja ah, kaaga darane
halkii ay geesinimadooda iyo aqoontooda bari ku xoreeyeen,
ayaa laga soo siiyay hub iyo rasaas, iyadoo weliba la soo
faray in ay ku gumaadaan shacabkii ay shalay cadowga ka difaacayeen,
taasi miyaaneey muujineyn in soomaalida la qabjabiyay.
Aan u soo noqdo sheekadeydii, Hogaamiye kooxeedyadii mudaa
la daba cararayay dagaal mooyee waxa ay dadka u diideen nabad,
marna ma aaneey dhicin in ay wax ku hishiiyaan,xataa qab-qablayaashii
muqisho waxa ay ku dhici waayeen in ay unkaan maamul uu yeesho
gobolka banaadir, waxaa jiray dhowr isku day hase yeeshee
aakhirkii waa lagu hungoobay, sababtoo ah mid ama labo ayaa
cod dheer ku lahaa, [Looma dhama] waayoo waxaa ku kala dhex
jiray oo u diidanaa in ay caqligooda nabad ku maareeyaan,
waa ay iska cadeeyd waana gacmihii shisheeye ee ay ka kala
amar qaadanayeen.
Markii muddo marxaladaa lagu soo jiray, ayaa hadaba si loo
dardargaliyo sii fogaanshaha xaaladda soomaaliya, maadaama
lagu daalay dhaqankii Qab-qablayaasha dagaalaka,waxaa la abaabulay
shirkii Jabuuti, iyadoo door la cayaarsiinayo bulshada rayidka
ah,si aqoonyahanadii iyo ugaasyadii tiirarka u ahaa iyo iyaga
loo kala reebo la isagana hor keeno, iyadoo markaana la takooray
hogaamiye kooxeedyadii,
Waxaa la isugu tagay jabuuti, waxaana lagu soo dhisay Dowladii
Carta, wey iska muuqatay wixii lagu soo dhabdhabo halkaa in
ay ka hor imaanayaan qabqablayaasha dagaalku, waxa ayse ahayd
siyaasad naga weyn, bal u fiirso iyadoo go,aanada ka soo baxay
shirkaa ay ka mid ahaayeen, in la cunaqabateeyo safarada iyo
dhaqdhaqaaqa hogaamiya kooxeeyada, ayaa markii uu soo idlaaday
alalaaskii shirkii Carta, waxaa hogaamiye kooxeedyadii iyo
inkaloo lagu biiriyayba isbaheysi looga soo dhisay Soodare,
aan kuu daayo akhriste dadaladaa shisheeye ee is bar-bar socda.
Qorshishii Jabuuti, bilo iyo sanado wax loo tiriyaba waqtigii
waxa uu kaga dhamaaday wax qabad la,aan,waa caadadoodiiye
caalam ku sheegu markaleey iclaamiyeen dib-u-hishiisiin in
loo qabto soomaalida,waxaa la isugu tagay Neyrobi,waxaana
ku xaadiray intii dhibaatada soomaaliya ka waday iyo intii
jabuuti loogu soo indha fiiqay, 2-sano ka dibna waxaa la soo
maleegay guntin kale oo mushkilad ah oo loogu tala galay in
ay soomaaliya ku qaraxdo,maadaama wax la isugu soo daray umad
aan hishiis aheyn, balse caalamku hishiis ku yahay in aaneey
waligood hishiin,
Bal u fiirso, hogaamiya kooxeedyadii wax ka soo saxiixay hishiiskaas,
isla markaana wasiiro iyo xildhibaano ka ah dowladii lagu
dhisay Kenya,ayaa waxa ay maalmo ka dib muqdisho kaga dhawaaqeeyn
isbaheysi la magac baxay !!!Argagixiso la dirir,!!!oo uu Mareykanku
ku maalgaliyay, su'aashu waxa ay tahay marka,!!! maxaa 2-sano
loo fadhiyay Kenya, maxaa loo bixiyay dhaqaalaha intaa le'eg,maxaa
odayaasha iyo habraha waqtiga looga lumiyay, maxaase loo waayay
in soomaalidu ay fahamto qaab cayaareedka caalamku la cayaarayo,!!!
Waa yaab!!! soomaalidu waxa ay tiraah [hunguri wax ka weyn
baa wadkiisa ah] saaxiibadii muqdisho dharaarbeey ku dhawaaqeeyn
Isbaheysigoodii, waxaana dhacay isku dhac dhex maray iyaga
iyo wadaadadii oo helay taageeradda shacabka ka dib markii
ay wadaadadu ay la yimaadeen iyaguna boor uu ku qoran yahay
!!!Ashahaada la dirir!!!,taasina waxa ay keentay in maalma
dabadeed muqdisho laga waayo hogaamiye kooxeed, ayna ka qoomameeyaan
wixii ay faleen ka fiirsasha la'aanta,balse Mareykanka oo
dhaqalaha ku bixiyay awalba [ xashka bab dheh waxa ku jira
ha ka soo baxeene] waxa uu calaamadiyay siduu rabay oo ah
in soomaaliya ay hooy u tahay waxa uu ugu yeero Argagixiso,aan
u gudbo marxalad kale.
Wadaadadii sida filan waaga ah ugu soo booday masraxa siyaasadda,waxaa
la oran karaa waxaa ka tan badiyay howsha hor timi, sida ku
dhacday 1991-dii ururkii USC,damacooda iyo talaabadooda oo
kala dheereyay awgeedna waxa ay si talo la'aan ah isugu fidiyeen
gobolo badan oo dalka ah,ilaa ay kaabiga u fadhiisteen magaaladii
dowladu daganeyd ee beydhabo,waxaa timi kaalintii beesha caalamka,
waana sidii la rabay in ay wax u dhacaane, waxaa loo soo jeestay
Baarlamaankii oo markaa lagu hareereysan yahay, waxa ayna
si naf lacaari ah u meel mariyeen, in ciidamada darisku ay
gudaha dalka u soo galaan si ay u gacan siiyaan dowlada taagta
daran
Maalmo kama soo wareegin go'aanka baarlamaanaka, markii ay
gobolka Bay,iyo dwwgaana kaleba soo buuxiyeen guutooyin ciidamada
Ethopia ah, oo awalba lagu tuhmayay in ay ku sugan yihiin
saraakiil iyo ciidamo magaaladasi, balse su'aashu waxa ay
tahay, maxaa dowlada Ethopia oo qura u dhaga fududeeyay yaboohaasi,
oo ay uga dhaga adeygeen dalalkii kale hadii aneey, baroortu
orgiga ka weyneyn,
Nasiib daro, awoodii wadaadadu meesha ayay ka baxday, sabab
ay soomaalidu leedahay awgeedna, taariikhda markii ugu horeysay
waxa ay ciidamada ethopia tageen caasimada Muqdisho,waxaana
dhacay wixii dhici lahaa !!!!!!! balse markale ayuu shisheeyuhu
la yimi qiyaanadiisii,waxa uuna u kala saaray wadaadaii isku
hadafka ahaa, oo qaxaya, Xag jir iyo Qunyar socdod,bal u fiirso
sida ay wax u dhacayaan.
Si door loo cayaarsiiyo wadaadada qunyar socdka lagu calaamadiyay,
waxaa la iska horkeenay dowladii, waxaana dhimasho, dhaawac,
barakac, iyo burbur 2-sano iyo bar ah ka dib, iyadoo loo qiildayayo
bixitaanka ciidamada Ethopia, la is tusay labadii oday ee
wadaadada hor kacayay, mid ka mid ah iyo xulufadiisana waxaa
lagu casuumay in uu wax la qabsado dowladii jirtay oo qudheeda
siyaasad ahaan la jahwareeriyay,wax qabad la,aan iyo is qab-qabsina
waqtigii uga dhamaaday, halka midkii kale ee lagu calaamadeeyay
xag jirka iyo saaxiibadiina laga horeeyay saaxadda siyaasadda,
si intuu u caroodo birito uga hor yimaado wixii la soo dhiso,
bal eeg waxa yaab is daba yaal !!!!!!oo hadba marxalad lagu
tijaabanayo dadka soomaaliyeed,
Dowladii la kala dir,baarlamaankii shalay xaalkiisa la ogaa
lagu soo kordhi intiiyoo kale oo aaneey isku siyaasad iyo
isku hadaf aheyn,loo sacaba tum codeyn ay muuqatay cidda ku
soo baxeysa, waxna lagu soo dhis Jabuuti mar 3-aad,nin waliba
si ha u arkee, la soo gurya noqoy, waa sidii la qorsheeyee
waxaa curtay mucaarad uu qeyb ka mid ah horkacayo Odaygii
shalay laga careysiiyay, arinkuna waxa uu taagan yahay ka
daroo dibi dhal !!!! tiiyoo ay u sii dheer tahay kooxda Al-shabaab
oo ka farcantay bur-burka wadaadada iyo is qabadka hogaankoodii,
ilaa iyo hadana aan la garaneyn waxa ay dadka iyo dalka ka
damacsan yihiin, marka laga reebo xukun islaamiya,ayna muuqato
qudhoodu in ay shisheeye ku xiran yihiin,
Iminka saadaasha laga bixinayo dagaalada socda waxaa weeye,
hadii ay dowladu guuleysato, waxaan dhamaan doonin dilalka
qorsheysan, qaraxyada iyo cabsida la kala qabo,hadii mucaaradku
guuleystana waxaa faltami doona Alshabaab iyo Xisbul-islaam
sida hadaba caaradoodu socoto,Caalamkuna tilaabuu qaadi doonaa,iyadoo
markaasna Ehlusunna ay kursiga keydka fadhido, balse waa hubanti
in tii Allana ay gaar tahay,
Marka xaal sidaa yahay ayna kuu muuqdaan ifafaalayaal badan
oo is daba yaal, isla markaana aan dadka iyo dalka u soo sidin
horumar iyo dowlad kama danbeys ah, koox walibana ay sida
cayaarta orodka ah ee qori isku dhiibka, sanado ka dib inteey
lunsadaan deeqda shacabka ay u dhiibeyso koox kale oo ka daran,
adna aad ka mid tahay marqaatiga aamusan oo ah shacabka, sow
kugu soo dhici meyso sheekadii aheyd:-
=Nin baa bari jeclaaday inan aad u qurxoon oo cid u joogta,
xaafadna wey wada daganaayeen, ninku xoolo ma heysan uu gabadha
reerkooda kaga doonto, markuu iyada gaar ula hadlayna wey
diiday, muduu dusha ka daawanayay ileyn daniba tiriye,markii
danbuu inta is heyn waayay oo iyadoo socota horteeda istagay
ku yiri:- !!!Alloow anoo ku qaba la arkaa!!!!
Marka hadda maadaama soomaalidu dowlad la'dahay ku dhawaad
20-sano, welina aan la heyn wadadii lagu gaari lahaa,inta
wadaniyiinta ah ee misana dowlad ku noolka ah, una muuqdaan
sida ay wax u dhacayaan, iyagana aaneey jirin cid wax ka maqleysa,
sow xaq uma laha inteey meel gaar ah fadhiistaan,oo gacmaha
kor u taagaan in ay yiraahdaan
!!!!Alloow la arkaa soomaaliya oo dowlad leh !!!!!
C/qaadir Maxamed Faarax [dulyar]
dulyar21@hotmail.com
Neyrobi, Kenya.