Waxaan shaki laheyn in dhibaatada Soomaaliya ay ka dambeyso
quwado shisheeye oo dalkan dabin u dhigayey lagas oo bilaabo
madaxbanaanidiisii la qaatay sanadkii 1960-kii ilaa xilligan,
balsa markastaba loo gelinayey shaar siyaasadeed oo munaasab
u ah xilligaasi siyaasadda jirta ka tarjumeysa, waxaan tusaalayaal
u soo qaadan karnaa arrimahan soo socda oo kulligood tusaala
u ah neceybka reer galbeed iyo adnaabtoodu u haayaan dalka Soomaaliya.
? Diidmadii ay diideen wadamada reer galbeedku dhismihii ciidanka
xoogga dalka Soomaaliyeed xilligii xoriyadda oo ku amray dowladdii
Aadan Cabdulle Cusmaan Alle ha u naxariistee inay Ruushka aaddo
oo la soo saxiixato hesshiiskii meleteri ee uu fuliyey Janaraal
Maxamad Siyaad Barre Alle ha u naxariistee.
? Burburintii ciidankii qaran ee Soomaaliyeed oo la burburiyey
sanadkii 1978-dii markii gaashaanbuurta NATO iyo WAARSO isku
raaceen in Soomaaliya meel looga soo wada jeesto si loo burburiyo
ciidanka xoogga badan ee Soomaaliya, loona ilaaliyo dowladda
masiixiga ee Xabashida.
? Rididdii Xukuumaddii qaran iyo taageeradii jabhadihii SNM,
SSDF, USC, iyo kuwa kale oo ku guuleystay iyagoo adeegsanaaya
qabiil inay ku yaacaan dowladdii qaran ee liidatay, kana eriyaan
dalka bilowgii sanadkii 1991-dii.
? Diidmadii laga hor istaagay jabhadihii inay is afgartaan,
iyagoo ku dabafeylay adeegsadayna Xukumaadda Itoobiya oo jaanis
weyn u aragtay burburka Soomaaliya, iyadoo Mareykanka iyo Yurub
ay si cad ugu wareejiyeen arrinta Soomalaiya dalka Itoobiya
ee cadowga Soomaaliyeed ee taariikhigaa ah.
? Hagardaameynta Soomaaliya oo loo sameystay ururo badan oo
haddana aan waxba inay u qabtaan Soomaaliya aan rabin, balsa
ku qaraabta qadiyadda dalkan nasiibdaradu uga dhacaday cadowgiisa
iyo dadkiisaba si isku mid ah sidii IGAD, ICG, EU, CA iyo kuwa
badan oo ku qaraabta magaca Soomaaliyeed, kuna lacageystay.
Haddii aan qormadeena u soo laabano maxaa weerarka loogu yahay
biyaha Soomaaliya iyo badda Soomaaliyeed, loona rabaa in la
boobo in kabadan 180% biyihii Ummadda Soomaliyeed xaqa u laheyd,
iyadoo la doonayo in 200-Nowtikal mile laga soo reebo 12-nowtikal
mile oo keliya, 188-na leyska boobo oo la cadeeyay inay tahay
mandiqaddaasi tan ugu kalluunka badan adduunka iyo inay tahay
meesha ugu shidaalka badan badweynta Hindiya, hadaba waxaa la
doonayaa in lagala wareego Soomaaliya oo ay noqoto soona aan
cidna sheegan, si markaas magaca UN-ka loogula wareego ka dibna
loo boobo kheyraadkeeda badda amaba loogu wareejiyo Kenya si
markaas loo wada aboobo kheyraadkaasi.
Haddaba sidee looga hortegikaraa boobkan iska cad ee la damacsanyahay
in Soomaaliya lagu qaato kan ugu weyn kheyraadkeeda dabiiciga
ah ee Alle ku maneystay, iyadoo laga faa’ideysanayo kala
daadka iyo burburka dalka Soomaaliya ka jira iyo dowlad la’aanta
heysta mudada dheer, sidaas awgeed waxaa loo baahanyahay si
loo fashiliyo mashruucaasi khiyaano arrimahan soo socda ee kala
ah:-
? In la daba galo Dukumentiga la hayo, lana hubiyo in khiyaanadan
qaran cid Soomaaliya ah ay lug ku leedahay oo ka tirsaneyd dowladda
uu hogaamiyo Sheekh Shariif oo taariikhdaas mugdiga ah iyo nasiibdaradaasi
umadeed kula kacday hadday sax noqoto in cid Xukuumadda ka mid
ah ay ka dambeysay.
? In markii la hubiyo loo aqoonsado ciddii saxiixday iyo ciddii
la ogeydba inay yihiin khaa’inul wadanno, Maxkamadna loo
diyaariyo, iyagoo ku muteysan doona arrinkaasi ciqaab aad u
adag iyo magac daro taariikhda u gasha intaba, loogana baahanyahay
madaxda qaranku inay warcad ka soo saaraan arrinkan murugada
leh.
? In Baarlamaanka KMG Soomaaliya shir degdeg ah ka yeesho arrinkan
kana soo saaro go’aano diidmo cad ah oo uu ku cadeynayo
inaysan jirin cid ka tanaasulikarta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed
heshiiskii xadidayey biyaha Soomaaliyana ee 10/9/1972-dii, diina
uu yahay kan sharciga wax is bedel ahna aan lagu sameyn karin
marnaba.
? In shacabka Soomaalyeed hurdada ka kaco ogaadaanna in dalka
baddiisa iyo barigiisaba la doonayo in maxmiyad la geliyo, ugu
dambeynna waxa lagu sheego beesha caalamka oo burcadda ah la
doonayo in gacanta laga geliyo sidii Laybeeriya loo galay oo
kale dowlad yar oo aan qiimo laheyn oo hantida Soomaaliyeed
ee dabiiciga ah marba mid laga saxiixdana loo sameysto oo ka
amar qaadata tuugadaasi.
? In Madaxweynuhu hadduu dalka dan ka leeyahay uu ka dalbado
dowladda Turkiga ciidamo gaaraya ugu yaraan 10.000 oo la wareega
biyaha Soomaaliya, kana ilaaliya burcadda caalamiga ah iyo tan
yaryarba, marnabana uusan naf ka raadin Afrikaankan iyagu doonaya
inayba dalka Soomaaliya iska googoostaan, marka damana maxmiyad
geliyaan iyo reergalbeedka cadonimada Soomaaliya dilatay oo
weligeenba tan iyo xoiyadeynii aan wax la taaban karo aan nala
qaban inay na baabi’iyaan maahine.
? In ummaddu siiba aqoonyahanka Soomaaliyeed inaysan wax badan
ka sugin waxa caalamka lagu sheego iyo kuwa kuraastu indha tirtay
oo aan wax dan ah ka laheyn Ummadda Soomaaliyeed ee ay is abaabulaan
sameystanna xisbiyo siyaasadeed iyo warbaahin xor ah oo ay ka
difaacaan qadiyaddooda iyo inay arrintan il gaar ah ku haayaan
baaritaanna loogula dhaqaaqo.
? In wasiirkii hore ee kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr.
Maxamuud Macalin Xasan uu cadeeyo waxa uu ka ogyahay arrintan,
iskana beri yeelo waxa lagu tuhmay ee saxaafadda ku qoran amaba
qirto inuu saxiixay oo uu ku dhacay khiyaano qaran, balsa ay
taas ka sii xuntahay inuu Ummadda ka qariyo xaqiiqada isagoo
magaca ummadda Soomaaliyeed ku haya xilka wasiirnimo.
Ugu dambeyntii waa in Ummaddu ogaato in arrintan oo aad u muruga
leh rag aqoonyahan sarasre ah oo weliba qaarkood ku takhasuseen
kheyraadka badda Soomaaliyeed ay ka hadleen sida Prof. Faarax
Axmad Cumar Qare oo ah Admiraalka ciidanka badda, ahna ninka
ugu aqoonta badan Soomaaliya badeeda maadaama uu ku qaatay takhasus
PHD ah, kheyraadka badda Soomaaliyeed Janaraalka oo aad u cadeeyay
dhagarta lala damacsanyahay badda Soomaaliya iyo Prof. Yaxya
Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamuud oo ah dhaqaala
yahan sare ahna ninkii aqoonyahanka ahaay ee ugu horeeyay ee
kashifay in shirkii Muqdisho ee ugu dambeeyay ujeedada loo qabtayba
ay ka mid aheyd in laga saxiixo madaxda dowladda KMG arrinkan
boobka badda Soomaaliya lagu hayo, haddaba waa in dedaalkaasi
la sii lama jibaaraa, aadna looga dhiidhiyaa boobka qaawan ee
xaaraanta ah ee lagu bilaabay qarankii Soomaaliyeed baddiisii
barigina leysku diyaarinayo in lala wareego, Ilaahay waxaan
ka baryeynaa inuu qaran caafimaad qaba iyo dad qadiyadda Ummadda
Soomaaliyeed ilaaliya uu noo sahlo, kuwa boobka ku wada dalka
Soomaaliyana naga qabto aamiin..aamiin.
Waxaa qoray:- Sheekh Cali Wajiis
Email:- caliwajiis@hotmail.com