Somaliya Maanta
Heerka Ay Taaganthay!!!
Hadaad tahay Daarood, hadaad tahay Hawiye,
hadaad tahay Dir. Dunidan aynu joogno maanta Somali magaca la
dhaho ayaanba wax macno ah khasaaro iyo foolxuma mooye wax ku
fadhin, oo xitaa hadii la sarifo uusan gaari karin hal qof magaciisa
sida magaca la dhaho McDonalds oo isagoo ahaan jiray nin Maraykan
ah oo asalkiisu kasoo jeedo Scotland ayuu dunida keenay makhaayad
caan ah oo meel walba dunida ka furan.
Car yaa ii sheegi kara in magaceenu maanta ka fiicanyahay waraaqda
xaarka la isaga tiro ee la dhaho (Toilet roll). Saa taas intifaac
iyo macno ay dunidoo dhan u leedahay ayaaba jira.
Soomaali hadeynu nahay dunidan Ilaahay inagu beeray maxaynu
kusoo biirinay oo aadamiga ku dhaqan u keenay. Waxaan halaag,
foolxumo iyo dhibaato aan ahayn maxaynu kaloo keenay?
Soomaalidu maalin baa imaanaysa in laga taariikheeyo oo laga
qoomameeyo nin waliba wuxuu gaystay. Waxaan hubaa in ay imaanayso
maalin kuwii iyagu laga caqli badiyey ee qabiilka dabada qabsaday
ee USC,, SPM, la baxay ay oran doonaan marka la yidhaah hebel
USC, ama SPM ayuu ka mid ahaa, ay ku jawaabi doonaan (Ma baryahaan
waalnayn!).
Waa sugaynaa in booguhu buskoodaan oo miyirku soo noqdo maanku
badalo waalida maanta socota ee lagu jiro.
Maalin baa imaanaysa ummaddu mar kale iney gacmaha is wada qabsato
oo la is wada cafiyo oo dhiigaa la daadinayo lagu badalo wajiyo
faraxsan oo dhalaalinaya ilkihii cadcadaa ee qofka Soomaaliga
Ilaahay ku manaystay.
Waxaa muhiim ah in maanta qof walboo Soomaali ah oo danbiile
(criminal) ah in la cadaadiyo waliba dibada loo soo tuuro oo
waraabaha loo tuuro.
Hogaamiyiinta Soomaaliyeed ee maanta xukunka gacanta ku haysa
waa kuwo aan ka waantoobeen daadinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed
oo malaa wakiil Somaliya uga ah malaga nafta qaada.
Iyadoo dhibaatooyinkuu Maxamed Siyaad gaystay aysan 100 sano
buskoonayn, ayuu ninkan ka daran ee Cabdullahi Yuusuf la baxay
doonaya inuu sidii Maxamed Siyaad Soomaali 21 sano u taliyo.
Soomaalidu waxay ahayd inuu nin waliba midka xun ee la qabiilka
ah dhabarka u jeediyo, midka walaalkiis ah ee Ilaahay qabiilka
kale ee fiican kasoo jeediyayna walaalsado.
Waa in Dawladnimada laga fogeeya yaa ila qolo ah, ee laga dhiga,
yaa kaa bixi kara, yaa aqoonteeda leh, yaa wax wadi kara, yaa
Soomaali ah, lana hawl galiyo inta fiican ee aqoonta leh ee
dhalaalaysa.
Ninka looga shakiyo in uu fal xun faraha kula jiro ama uu danbi
ka galayo shacabka Soomaaliyeed, khaa,inkaas oo kale dalka ka
saara! ka saara! ka saara!
Caasimadii Muqdisho cadeey maanta Amxaar ayaa haysta, ooo waxaa
loo baahanyahay in laga kiciy, dadka ka kicinaya ma aha shisheeye,
ee innaga ayaa na,ilooga baahanyahay in aynu hawshaas fulino
oo gacmaha is qabsano, waayo gacmo wada jir ayeey wax ku gooyaan,
waxaan aaminsanahay hadii aynu daacad isu noqono oo meel uga
soo wada jeesano Itoobiyaankan dalkeeni maanta jooga oo shacabkii
Soomaaliyeed kula dhex dagaalamaya Somaliya dhexdeeda, waxaan
hubaa in aynu meel isaga leexin lahayn oo waliba baacsan lahayn,
maxayse kuugu taala aaway dadkii hawshaas fulin lahaa, Al-Shabaa
iyo Maxkamaduhu dhib iyo geeri iyo gaajo ma waxaan ahayn ayeey
soo kordhiyeen, hogaaminta dalka hadii loo daacad yahay waxaan
qabaa in sidani si dhaami lahayd.
Ummadda Soomaaliyeed in malageedi galay oo ay halaagantay khaa,in
iyo dambiile iyo kuwii caruuro Soomaaliyeed ceelasha ku guray,
in ay ashkhaas noocas ah hawaystaan hogaaminta dalka iyo ummaddii
ay toorayda dhabarka kala dhacayeen sow arrin lala yaabo amaba
lagu qoslo maaha.
Raaligalin: Daarood,
Hawiye, Isaaq.
Waxaan halkan uga mahadcelinaya dhamaan akhristayaasha aan ka
helay waraaqaha iyo talooyinkii ay ii soo jeediyeen ee ku saabsanaa
qoraaladii aan ka qoray qabaa,ilka Soomaaliyeed ee kala ahaa
Daarood ,Hawiye iyo Isaaq.
Waxaan kaloo akhristayaasha sharafta leh ka
cudur daaranaya magacyada qabiilka iyo ilaa iyo heerka hoose
ee aan la tagay cuqdadaha, boogaha, iyo xagtimaha ku kala dhex
jira Soomaali. Waxayna iila muuqatay sidaas si aan ahayn ineysan
wax micno ah samaynayn.
Aduunku waa dugsi weyn oo nolosha ayaana macalin
ka ah. Waxaadna maalin walba la kulmaysaa waxyaalo aad la yaabto.
Hadii ay dhacdo dad Soomaaliyeed oo walaaladaa ah iney nolasha
idin kulmiso oo aad la yaabto maamul xumadooda, dhaqan xumadooda
iyo mararka qaar xumaatada ku jirta, waxaysan ka fursanayn inaad
iska dul qaadato oo aad baryo iska wad wado si aad u ogaato
maalinba maalinta xigta sida ay u fakarayaan, xumaatada ku jirta,
sababta ay ugu jirto, inta ay gaarsiisan tahay, waxyaalaha khuraafadka
ah ee ay iska dhaadhiciyeen ama aaminsan yihiin.
Aniga iyo shacabka Soomaaliyeed waxay noloshu
na kulmisay dad isku sheegaya in ay yihiin Soomaali waliba wadaniyiin,
laakin kasoo noqon waayay godkii ay madaxa la galeen, iyo cadaawadii
qotoda dheer la gashay oo waliba qaarkood kusii indhacadyihiin.
Saddexdii qabiil ee Soomaaliyeed ee sharafta
lahaa ee aan ka hadlay igama ahayn in aan ahay nin ay caadifadi
ku jirto amaba ka buuxdo, sababta aan u qoray waxay ahayd in
aan dareensiiyo shacabka Soomaaliyeed in QABYAALADU tahay wax
xun oo ah shayga qudhah ee maanta inaga reebay xadaarada aduunku
ku talaabasaday.
Aduunka cid walbaa soo martay, oo waxan la
dhaho qabiil ama qabyaalada waa hore ayaa laga waynaaday oo
laga ilbaxay, dadka Soomaaliyeed waxay aad u jecelyihiin qabiilka
oo ay ka danbeeyaan, oo malaha qaarkood caabudaan sida Hindidu
u caabado dabka iyo qoraxda.
Dal burbura oo uu ka dhaco dagaal sokeeye oo
xasuuq ka dhaco maaha wax cusub ee waa wax waligeed soo jirtay,
laakin dal dhan oo dadkii ku noola ay gacmahooda ku burburiyaan
dalkii ay dhisteen ee maalkoodi, muruqoodi iyo maskaxdoodiba
ku baxday ay u dhaqaaqaan in ay burburiyaan oo kaaga daranka
ay daadiyaan dhiig dad Soomaaliyeed ah oo waliba walaalahooda
ah Muslimnimo iyada meel iskaba dhig.
Hadaad Daarood, Hawiye iyo Isaaq nacayso, miyaanad
ogayn iney dadkaasi ka mid yihiin rukumada ay dad ahaan Somaliya
ku taagantahay maanta.
Dadka Soomaaliyeed ee kala ah Hawiye, Daarood
iyo Isaaq waa dadka ay maanta Somaliya oo dhami ku taagantahay
oo u ah rukumo, tiirar iyo udubyo aan waligood dhaqaaqin oo
maanta iyagoo is xasuuqay hadana ay ku sii hadhay in yar oo
qiiro Soomaalinimo ah.
Dhamaan walaaladaydaas kasoo kala jeeda saddexdaas qabiil waxaan
leeyahay iga raali galiya arrinta foosha xun ee waliba laga yaqyaqsado
ee maangaabnimada ah ee aan ka hadlay xilligan lagu jiro 2008
ee lasoo dhaafay xiligii qabiilku sida xun inoo saameeyay 1990.
Qabiil wada fiican ma uu jiro, mid wada xuna ma uu jiro, laakin
shakhsi kaliyah oo xun wuu jiraa sida shakhsi fiicani u jiro,
qabiil dhan lama wada nici karo, laakin shakhsi kaliyah waa la
nici karaa haduu saxaroobo, laakin Dawladii Soomaaliyeed iyo dadkii
hogaamin lahaa hadey noqdeen dad wada xun oo shakhsi ahaan saxaroobay
oo waliba wixii ay ku saxaroobeen dabada haysta, xalku sida uu
noqon doono Caza Wajalaha mooye, cid kale ama qof kale oo sheegi
karaa ma uu jiro, dhamaan dadka Soomaaliyeed ee maanta ay dhibaatadu
lasoo daristay Ilaahay ayeey jawaab ka wada sugayaan, xiligii
ay Somaliya nabadii iyo barwaaqadeedi usoo noqon lahayd ayaa soo
dhaw, insha alaah.
Abdikarim Ahmed Huseen.
skyword268@hotmail.com
abdikarim@switched.com