Mareykanka oo
ay muuqato in uu dano gaara ah ka leeyayey Soomaaliya (Aragti)
Kooxaha Islaamiga Ah:
Usama Bin Ladin oo ah hogaamiyaha Al-Qacida ayaa ciidamada sirdoonka
ee Maraykanku marmar ku xantaan in uu dhawr jeer tagay dalka
Somaliya intii uu soconayay dagaalka sokeeye, waxayna sheegeen
in ciidankiisu imika ka dagaalamaan gudaha Somaliya, iyagoo
ku kala biiray kooxaha Jihaadka ka wada gudaha Somaliya, balse
badankoodu ku jiraan kooxda Al-Shabaab.
(Waxaan ugu baaqaynaa Masuuliyiinta Somalida inay iska xoreeyaan
Ciidamda Itoobiyaanka ee kusoo duulay dalka Somaliya, oo ay
kusameeyaan qaraxyo bambaano, weeraro, iyo wixii kale oo ay
dalkooda kaga xorayn karaan cadwoga kusoo duulay dalkooda).
(Shabaabka Somaliyeed waxaan ku booriyeeynaa inay la dagaalmaan
Cadwoga sida ay kula dagaalmaan Shabaaka Ciraaq,Afganistaan,
oo ay dhibaato xoogle ay soo gaarsiyaan maalin walba cadowga
kusoo duulay dalkooda).
Sidaa waxa yiri Ayman Al-Zawahiri oo ah kuxigeenka koobaad
ee Usama Bin Ladin, hadalkaas oo ahaa cajalad uu iska soo duubay
Ayman Al-Zawahiri oo laga sii daayay Terlefishanka Al-Jazeera.
Maanta Soomaaliya wali ma laha Dowlad dhexe amaba cudud adag
oo ay wax ku maamusho, waxaana loo arkaa in ay dhici karto in
ay noqoto meel ay ku dhuuntaan howlfuliyayaasha ama taageerayaasha
al-Qaacida ee ka soo cararay Afghanistan, waxaana soo baxaya
hadda in Maraykanku uu dano cusub ka leeyahay Soomaaliya.
Koonfurta Somaliya imika %63 gacanta waxa ku haya kooxaha kasoo
horjeeda Dawlada Federalka ee Somaliya, maalinba maalinta ka
danbaysa waxaa sii wiiqaysa amaba dhulka sii galaysa awooda
ay leedahay Dawlada Federalku maadama meelihii muhiimka ahaa
badankooda ay haystaan Al-Shabaab iyo Maxkamadahu.
Sidoo kale, dhimashada ay sii kordhaysa dagaalkuna waa sii holcaya
oo malaha waxaaba marmarka qaar lagu sigta in gacanta lagu dhigo
Gobolka Banaadir oo ah Gobolka ugu wax soo saarka badan leh
waliba ugu dhaqaalaha badan leh Somaliya.
(Kadib isla markiiba dagaalka Afghanistan, waxaa cabsi xoog
leh laga qabay in howlfuliyayaasha iyo xubnaha sare ee al-Qaacidda
ay aadayaan Soomaaliya si ay halkaasi gabaad uga dhigtaan oo
ugu dhuuntaan," sidaasi waxaa yiri Jason Barke, oo qoray
buugga Al-Qaacidda ee loogu macag daray, Casting a Shadow of
Terror) hase yeeshee, Mr Burke wuxuu yiri ma dhicin taasi, ugu
yaraan inta uu Maraykanku og yahay.
Douglas Lute oo ah ninka la shaqeeya Madaxweyne George W. Bush
dhinaca siyaasada iyo arrimaha Afghanistan iyo Iraq ee ku saabsan
Al-Qacida ayaa wuxuu saadaaliyay in dalalka Somalia, Ethiopia
iyo Sudan ay noqon doonaan bartilmaameedyada dambe ee al-Qaacida
ay tiigsan doonto, mar haddii ay ku adkaadeen hawlihii ay ka
wadday dalalka Iraq iyo Afghanistan, haatan ay usoo guurayso
dhinaca Geerska Afrika gaar ahaan Somaliya.
Dalka Jabuuti waxaa jooga 900 oo askari oo Mareykan ah oo loogu
tala galay in ay ka hortagaan Al-Qacida in aysan galin badda
cas. Sidoo kale, ciidamada Mareykanku waxay dalka Jabuuti ku
tababaraan askarta Ethiopia iyo Eritrea, hase ahaatee shaqadii
ciidamadaas Mareykanku ka qaban lahaayeen Somaliya oo kooxaha
Islaamigu ay xoog ku yeesheen,waxaa ka hor jooga dalka Somaliya
oo aysan ka jirin Dawlad dalka wada xukunta oo balan qaadi karta
in ay la shaqayn doonto ciidamada Maraykanka.
Sidoo kale, 04 Agosto-2005, Ayman Al-Zawahiri, wuxuu Maraykanka
ugu baaqay in ay ka wada baxaan dhamaan dalalka Muslimka ah
ee ay ku jiraan, hadii kale ay la kulmi doonto dhirbaaxo ka
wayn tii ay Vietnam kala kulantay.
Heshiiskan ay kala saxiixdeen DFKMG iyo Isbaahaysiga mucaardka
ah ayaa Maraykanku u arkaa in ay tahay arrin siyaasad ku salaysan
oo uu dhibaato ka iman karto, isagoo ula jeeda in Isbahaysigu
yahay koox ka socota kooxaha Islaamiyiinta ah oo ay ka mid noqon
karto kooxda Al-Qacida.
Sida la wada ogsoonyahay, Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya
ayaa haatan laba garab u kala j abay oo waliba kala fikir duwan.
Garabyadaas ayuu waliba Mareykanku u muuqdaa inuu u janjeero
midka Jabuuti, oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa waligii balan qaadi jiray
in uu kooxaha Islaamiyiinta ah kasoo horjeedo, Madaxwaynaha
ayaa sheegay in uu ka sifeyn doono dalka Somaliya waxa uu ku
tilmaamay argagaxisada amaba Al-Qaacida.
18-Maarso-2008 Waxay ahayd maalintii Al-Shabaab lagu daray liiska
argagaxisada caalamiga ah, sido kale, sida lagu cadeeyay qoraal
ay soo saartay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Condoleeza
Rice, wa+xaa lagu xaaraantimeeyay in wax taageero ah haba yaraatee
nooc kastaba ha ahaatee aan la siin karin Kooxda Al-shabaab
isla markaana la xayiro wax kasta oo hanti ama danno ah ee ururkaasi
uu ku yeelan karo waddanka Mareykanka.
Sheekh Abu Mansuur oo ah Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay
in ay ku faraxsan yihiin in Maraykanku ku daray liiska argagaxisada
caalamka.
Kooxaha Mooryaanta Ah:
Qaar badan oo aan la yaabay garasho xumadooda ayeey meelahaas
waxay ka dhahaan, Mooryaan imika ma jirto oo wa ay dhamaatay!
Kuwaasi waa kuwo hurda oon ogayn waxay saaka ku quraacdeen.
Haddaba Mooryaani iyadu maxay tahay? Mooryaan hadaad maqasho
waa dadkeeni Soomaaliyeed ee dhaca iyo xasuuqa iyo dilka u gaystay
shacabkii Soomaaliyeed waliba intii tabarta daran lahayd, oo
caasimadii Muqdisho durduriyay sida geela, mooryaantu waxay
soo shaac baxeen xilliyadii ay Caydiid iyo Calimahdi ay Muqdisho
isku haysteen, ciidankii Caydiid ayeey Mooryaantan laguu sheegaya
ku badnayd.
Mooryaantan laguu sheegi waa kuwii wax kasta oo dalku khayraad
iyo manaafacaad lahaa burburiyay oo waxaan xitaa fakan fiilo,
tuubo iyo wax kasta.
Dadkaas maanta Mooryaanta loo yaqaana waa dad wada ibtiloobay,
oo mid aan xaaran, xatooyo, kufsi, dil iyo dhac ku ibtiloobeen
uusan jirin.
Waxaa hubaal ah iney dadkaasi yihiin kuwo la haleeyay oo la
qiimo tiray, oo aan inaba caaqibo iyo rajo dambe lahayn. Waxaa
kaloo hubaal ah iney dadkaasi bulshadeena dawlad kastoo oo mustaqbalka
ka dhalata, ay ku noqon doonaan dhibaato iyo qodax dhinac kaga
mudan.
Waxaa kaloo iyana meesha ku jirta iney dadkaas Soomaaliyeed
yihiin kuwo dil iyo dhibaato joogta ah u taagan oo maalin walba
ay dhexdooda wax ka dhimanayaan iyaguna ay wax dilayaan.
Mooryaantu waa kuwii Toban iyo Shanta sano dalka iyo dadka nafta
u keenay oo maarada loo waayay oo cid u bareerta la waayay,
Dawlad laga dhisi kari waayay, Muqdisho dadkii foorariyay ee
wax walboo taagnaa riday oo xitaa Madaxtooyadii dalka weeraray
soo iyaga maaha?
Sanadkan maanta lagu jiro ee 2008 Mooryaantu waxay kusii badanaysaa
meelaha uusan wax maamul ahi ka jirin sida Koonfurta Somaliya
oo wakhtigan isaga ah ay lasoo daristay xaalad adag oon aduunka
hore looga maqal laguna arag.
Mooryaantu waa kuwii masuulka ahaa dhiigii, xasuuqii, dilkii,
halaagi iyoo foolxumadii ku habsatay magaalada xaasimada ah
ee Muqdsiho oo 1991 ay gacanta ku hayeen kooxahan loo yaqaan
Mooryaanta oo qabiil ahaan marka loo eego ay u badnaanayaay
Beelaha Hawiye.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
abdikarim@switched.com